telesom
logo
logo
logo
|

Waftigi Xaglatoosiye oo gaadhay Buuhoodle iyo Wasiiro Xukuumada oo sii Ambabixiyey + SAWIRO

Burco-(TogdhNews)- Waftigii uu hogaaminaayey Salaabeen Xaglatoosiye , oo ay weheliyaan maxaabiisti ay Xukuumadu Cafiska u fidisay, ayaa,manta galinkii danbe si rasmi ah ugu laabtay magaaladda Buhoodle.
 
Waftiga Xaglatoosiye, ayaa waxa sii anbabixiyey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliland oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Nuur Caraale, oo ay weheliyaan Wasiirada, Gaashaandhiga, Maaliyadda iyo Madaxtooyadda.
 
 
Ka hor intaan Waftiga Xaglatoosiye u anbabixin dhinaca Buuhodle, ayaa isaga iyo Waftiga Xukuumaddu Si wada jira ugu qudbadeeyeen Bulshadda  magaaladda Caynaba ee Xarunta gobolka Saraar, Sidoo kalena kula  kala wareen Maxaabiisti labada dhinac.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in manta Waxkasta Wanaag ku dhamaadeen, wakhti wanaagsana ay dhamaadeen.
 
 
“Haddii ay hore dhibaato u dhacday, waxay manta ku dhamaatay Wanaag, Dadka Laba Alla Wax iskugu Darra, Labana iyaga Wax iskugu Darsada, Dadka Maanta Heshiiyey waa dad ilaahay wax isugu daray, oo aan kala maar mayn meelna aan kala tagayn, guul ayaynu gaadhnay maanta , ayaynaan waligeen Colaad ku gaadhneen, Waxkasta oo dhimana waxaynu ku dhamaynaynaa Wanaag iyo Nabad, Cid kastana waxa looga baahan yahay in ay dhinaceeda ka shaqayso, wixii Nabadda sii adkaynaya.”ayuu yidhi Wasiir Duur.
 
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliland Md. Cadami, ayaa tilmaamay in laga feeg-jignaado, oo dhinac looga soo wada jeesto, kuwa nabadda colka la ah,ee xumaanta jecel iyo Cidkasta oo heshiiskan cadaw ku ah.
 
 
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdi Casiis Samaale, ayaa isaguna ku dheeraaday faa’idda iyo waxtarka ay nabaddu leedahay, iyo khasaaraha iyo dhibta ay Colaadu leedahay, bulshadana looga baahan yahay , in ay waxkasta oo wanaag iyo nabaddi ku jirto ka wada shaqeeyaan.
 
 
 
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isagoo fariin u diraya dadweynaha Laascaanod iyo Buuhoodle waxa uu yidhi” Waxaanu Reer Laascaanod iyo Reer Buuhoodle ugu bushaaraynaynaa, in ay Nabaddu naga dhabtahay, in aanan cudud iyo Cunfi wax ku doonayn, in aanan doonayn in lakala adkaado, ee aanu doonayno in lawada adkaado, in aanu doonayno wanaag iyo walaltinimo.”sidaas waxa yidhi wasiirka Madaxtooyada.
 
 
“Waa maalin farxadeed, waa maalin nabadu guulaystay , oo ay hirgashay, Balse waxa loo baahan yahay in si wada jira loo ilaashada Hirgalinta Nabadda oo dhinac looga soo wada jeesto, Waxaan Dadka Walaalaha  ee wada Dhashay , ee muudo dhibaatadu dhex tiilay ku adkaynaya in ay si wada jira u ilaashadaan Nabaada,waxaanan leeyahay Wajigani Waa kii lagaga heshiinaayey siyaasadda, ee kii dhaqanka waa hadhsan yahay, waanu ku xigi doonaa”. Sidaas waxa yidhi Hogaamiyihi Kooxda SSC.
 
 
 
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Kooreeye, Garaado, qaar ka mida maxaabisti la soo daayey, kuwaas oo dhamaantood soo dhaweyey, heshiiskan nabadeed, tilmaamayna in uu noqon doono mid  bulshadda wax u tari doona.
 
Geesta kale waxa iyaguna waftigani si wada jira uga sii khudbadeeyeen, degmadda Qurulugud oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, ka dib Waftiga Xaglatoosiye iyo Maxaabiistiisi, oo ahaa 15 saddex dhaawac tahay, loo gudbiyey dhinaca magaaladda Buhoodle, halkaas oo la gaadhsiiyey duleedka magaaladdaasi.
 
 
Tiradi kale ee Maxaabista ee Cafiska loo fidiyey, ayaa iyana loo gudbiyey dhinaca magaaladda Laascaanod ee gobol Sool, kuwaas oo gaadhaayey , in ka badan 40 Maxbuus.
 
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)