Daacadnimadu Waa Nidaamka ugu Fiican, Beentuna Waxay u Daran Tahay Caafimaadka Qofka

Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa daah-furay in daacadnimadu tahay nidaamka ugu wanaagsan ee aadamuhu ku noolaan karo, been-sheegiduna halis u tahay caafimaadkooda.
Daraasad cusub oo khubaradani dhowaan soo saareen, ayaa sheegtay in dadka ka cawda dhibaatooyinka caafimaad ee ka mid yihiin murugada iyo madax-xannuunka ay toddoobaadkii sheegaan saddex beenood, sidoo kalena dadka beenaalayaasha ah la kulmaan caafimaad-darro xagga jidhka ka soo wajahda sida cuna-xannuunka.
Waxa kaloo cilmi-baadhistu hoosta ka calaamadisay in dadka daacadda ah bulshada xidhiidh wanaagsan la leeyihiin, caafimaadkooduna ka wanaagsan yahay kuwa beenta caadaysta.
Daraasaddan oo socotay muddo 10 toddobaad ah waxa ka qaybqaatay 110 qof oo da’doodu u dhexaysay 18 ilaa 71, kuwaasoo 35% ahaayeen dad waaweeyn, halka 65% kalena arday jaamacadeed ahaayeen.
Ka qaybgalayaasha qayb ka mid ah waxa la baray inay joojiyaan beenta yar iyo ta weynba muddadii cilmi-baadhistu socotay, halka badhka kalena aan loo sheegin inay beenta iska dayaan.
Labadan kooxood waxa toddobaadkiiba la marin jiray baadhitaan caafimaad si loo ogaado caafimaadkooda iyo xaaladooda nafsadeed, waxaanay natiijadu shaacisay in dadka aan beenta sheegin caafimaadkoodu aad u wanaagsanaa, halka kuwa beenta sheegaynta caafimaad-darro ka cabanaayeen.
Cilmi-baadhistan oo lagu soo bandhigay shirkii 120 ee ururka cilmi-nafsiga Maraykanka, waxa sidoo kale lagu helay in dadku marba marka ka dambaysa beenta caadaystaan, marka loo eego ragga.
Prof. Anita Kelly oo ka mid ahayd khubarada daraasaddan sameeyey, ayaa iyadoo arrintan ka hadlaysay waxay tidhi; “Waxaannu helnay in ka qaybgalayaashu yarayn karaan beentooda maalinlaha ah, caafimaadkooduna fiicnaan karo hadday joojiyaan been-sheegidda.”
Sidoo kale, Prof. Lijuan Wang oo isna culimadan ka mid ah, ayaa isaguna ku tiraabay; “Waxaannu ogaanay in xidhiidh ka dhexeeyo caafimaadka jidhka, daacadnimada iyo beenta, beentuna waxay ku keeni karta xannuuno ay ka mid yihiin madax-xannuun iyo cune-xannuunka.”
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments