Dawladda Sucuudiga oo ku Hanjabtay Inay Dhulka soo Dhigi Doonto Diyaaradaha Dagaalka Israel

Jurislam (Togdhnews)- Dawladda Sucuudiga, ayaa ku hanjabtay inay dhulka soo dhigi doonaan diyaaradaha dagaalka Israel hadday hawadiisa u isticmaalaan weerarro ka dhan ah waddanka Iran.
Warkan oo lagu baahiyey wakaaladda wararaka UPI oo xiganaysay war lagu qoray wargeyska Israel ka soo baxa ee Yedioth Ahrnoth, kaasoo shaaciyey in waqtigan dawladda Yuhuuddu isu diyaarinayso sidii ay weerarro hanjabaad ah ugu qaadi lahayd dalalka Suuriya iyo Iran.
Sida laga soo xigtay khubarada difaaca ee dawladda Israel waxa jiro qorsheyaal ku saabsan weerarro millateri oo la doonayo in lala beegsado goobaha Iran ku kaydsato hubka nukliyeeray, waxaanay Israel qorshaynaysaa inay saddex dariiq mid uun u marto hawlgalkaas, kuwaasoo kala ah jidka woqooyi ee dhinaca Turkiga iyo Suuriya, jidka koonfureed oo mara Sucuudiga amma aagga badhtahama oo Urdun iyo Ciraaq ah.
Hanjabaaddan Sucuudiga ayaa timi waqti maamulka Maraykanku booqdeen magaalada barakaysan ee Quddus (Juurislam) si ay u joojiyaan weerarrada Israel ku qorshaynayso inay ku qaaddo Iran, waxaanay ilaha xogogaalka ah ee wararkan laga helay sheegeen in weerarka noocan ah mid adduunka oo dhan khilaaf ka dhex abuuri kara.
Maamulka Maraykanka ayaa sheegay inay farriinta hanjabaadda ah ee Sucuudiga gaadhsiiyeen dawladda Israel, waxana ka mid ah hadallada khubarada Sucuudiga oo aan la magacaabin laga soo xigtay; “Dawladda Sucuudi Carabiya waxay dhulka soo dhigi doonta diyaaradaha dagaalka Israel ee doonaya inay hawada ka duqeeyaan Iran.”
Haseyeeshee, Wasiirka Difaaca Israel, ayaa beeniyey in farriinta hanjabaadda ah ee Sucuudiga ka timi gaadhay maamulkiisa, waxaannu intaa ku daray in qorshahooda ku aaddan Iran aanay jirin cid wax ka beddeli karta.
Dhanka kale, il-wareed aan la magacaabin oo wargeys Israel ka soo baxa la hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda Riyadh hawadeeda u oggolaan doonto Israel hadday dabada ku wadato dawladda Maraykanka oo aanay weerarka keligeed fulinayn.
Dariiqa keliya ee ay Israel ka duqayn karto Iran waa Sucuudiga, sababtoo ah Turkiga waxa ka dhexeeya colaad, maadaama sannadkii 2010 millateriga sida halista u tababar ee Israel weerar ku qaadeen xubno saarnaa doon Turkiga laga leeyahay oo la odhan Mavi Marmara, kuwaasoo dhammaantood dilay, sidaa darteedna waxa loo badinayaa in aanay jirin sabab Turkigu ugu oggolaan karo Yuhuudda inay hawadeeda Iran ka duqayso.
Sidoo kale, dhanka Urdun iyo Ciraq aad bay u adag tahay in Israel wax ka weerarto, waayo waxay tallaabadaasi dhaawac u geysan karta heshiiska guud ee ka dhexeeya waddamada ku yaal mandaqadda Bariga Dhexe.
Togdheernews




Recent Comments