Burco : Arady u fadhiisan lahayd Imtixaan oo laga joojiyay iyo Saameynta ka dhalatay
Burco (Togdheernews.com) - qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo walaadiinta gobolka Togdheer , ayaa cambaareeyay talaabo wasaarada waxbarashada Somaliland ku laalaashay go,aan ay hore ugu fasaxday in imtixaan lagaga qaado 280-arday ,oo ka kala socday gobolada Togdheer,Sanaag iyo Sool.

imtixaanka laga joojiyay ardaydadn ayaa ahaa mid ay qaadi lahaayeen macalimiin ajanabi ah oo ka socoday dugsiga Abaarso Tech, kaasoo ay ku qaadanayeen ardayda u sareysa imtixaankaasi, si ay uga mid noqdaan ardayda wax ka dhigata dugsiga sare ee Abaarso.
Hinda Jaamac oo ka mida aqoonyahankii arintan dhaleeceeyay ayaa sheegtay in markii hore wasaarada waxbarashadu Somaliland ogolaatay in laga qaado ardayda imtixaankan islamarkaana ka kala yimaadeen gobolo kala durugsan balse ayaan daro tahay in laga joojiyo ardayda imtixaankaasi “Wasaarada waxbarshadu qoraal fasaxa ayay ku ogolaatay in ardayda sadexda gobol ee bariga ay maamulka dugsiga Abaarso Tech imtixaan kagaga qaadaan magaalada Burco, waxaana qoraalkaasi sameeyay oo ku saxeexna Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarshada Maxamed Xasan, waxayna Sumadeedu ahayd Ref.Moi/Dg/ou/960/12. Oo ku taariikhaysan 15-4-012. Haseyeeshee waxa la yaab noqtay markii wasaaradii qoraalkaasi bixisay hadana ay baajisay imtixaankii ardayda.” Waxay Hindi intaasi raacisay in macalimiintii maraykanka ahayd ee imtixaanka qaadi lahayd ay boolisku ku amreen in laga saaro Burco oo ay ku laabtaan dhinaca hargaysa, meelkastana loo dhigay askar ,ka dibna booliskii k saaray magaaladii, taasina waxay muujinaysaa cadaalad darada ka taagaan dhinaca waxbarashada dalka.

Dr .Axmed X. Xasan oo ka mid Aqoonyahanka gobolka Togdheer oo ka hadlay arintan ayaa tilmaamay in isagu dadaal badan ugu jiray horumarinta waxbarshada gobolka togdheer ,ilaa afar dugsina ka hirgaliyay degaanka gobolka balse qaadan waa ku noqtay marku maqlay arintan “ Waxa soo baxday fursad ay ardayda togdheer ka heleen dugsiga Abaarso Tech, ka dibna waxaanu soo martiqaadnay macalinmiinta dugsigaasi oo yimaadeen Burco, waxay sameeyeen baadhitaan iyo xogogaal raadin dhinaca waxbarshada gobolka ka dibna waxay ogolaadeen inay imtixaan ka qaadaan ardayda gobolka ee fasalada sideed, si ay fursad uga helaan dugsigaasi , iyagoo qoraal fasaxa ka haysta wasaarada waxbarshada haseyeeshee imtixaankii laga qaadi lhaa ardayda waxa baajisay wasaaradii fasaxday ,taasina waa wax lala yaabo, sidaas darteed waxaanu u soo jeedinaynaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay wax ka qabato arintan.” Ayuu Yidhi Dr.Axmed.

Sidoo Eng,Xuseen Xandule oo isaguna ka hadlay goobtaasi ayaa xusay inaanay arintan ka hadhayn ee ay ka daba tagayaan .
Booliska
gobolka togdheer oo lagu soo amaray inay ka soo saaraan macalimiinta ajanabiga ah ee ka socotay dugsiga abaarso ee imtixaanka qaadi lahayd oo mudadii ay ku sugnaanyeen magaalada ay baadi goobayeen boolisku ayaa maalintii salaasadii boolisku ka saareen magaalada iyadoo dib lloogu celiyay magaalada Hargaysa oo ay markii hore ka yimaadeen..

Talaabadan oo si balaadhan looga dareemay gudaha magaalada Burco ayaa looga balamay in kulan weyn oo lagaga hadlayo dhacdan la qabto maalmaha soosocda.
Togdheernews.com




Recent Comments