Kooxda Jama Aden (Karaiin) iyo Billada London Olympics ee Dahabka

Waxaa Shalay Salaasadii ciyaarihii London 2012 olympics ku guulaystay Orodka masaafadda dhexe ee 1500m ciyaartoy ka mid ah xulka tababaraha caankaa ee Jama Mohamud Aden (karaiin). Ciyaartoygan oo magaciisa la yidhaa Taoufik Maklaoufi ayaa u ordayey waddankiisa
Algeria. Waxaa goobtaa si xarrago leh wacdarro uga dhigay ciyaaryahankan isagoo ku orday orodkan 1500m saacadda 3 minutes, iyo 34.08 ilbidhiqsi. Waxaa isagoo ka socda USA helay billadda silver ka Leonel Manzano isagoo ku orday 3:34:79, iyo billada Bronxe/maartaa oo uu helay Abdalaati Iguider oo ka socday Morocco, kuna orday 3:35.13.
Waxaa sidoo kale in aad loo xuso ah in shan ciyaaryahan oo ka mid ah kuwo Jama Aden ay ka soo gudbeen is-reeb reebkii kana qayb qaateen semifinals. Waxaa sidoo kale la filaayaa in ciyaaryahnkiisa Abubaker Kaki ee Sudan uu guul weyn ka soo hoyndoono orodka 800m ee uu u taaganyey finalka.
Waxaan marka kale leenahay dhamaan ciyaaryahanada sida Mo Farah, iyo Coach Jama ba Hambaly!.
Issa Awaleh




Recent Comments