Kulan dhexmaray Xaglo Toosiye iyo Xubnihii Wasiirada Xukuumada.
Burco(Togdhnews)-Hogaamiyihii Ururka SSC Saleebaan Xaglo toosiyo iyo xubno ka tirsan wasiirada Somaliland ayaa maanta kulna ku dhexmaray magaalada caynaba ee xarunta gobolka Saraar.
Mr.Xaglo Toosiye oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Caynaba,ayaa sheegay inay si dhaba u qaateen heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen isaga iyo madaxweyne siilaanyo ,islamarkaana iminka ay sii dhamaystiri doonaan waxyaalaha ka hadhsan heshiiskaasi.
shirkan ku dhexmaray labada dhinac magaalada caynaba oo saxaafadu dibadu ka hayd ayaan si dhaba loo ogayn waxay ka wada hadleen, balse waxay tilmaameen in isafahan weyn lagu gaadhay.
Warar faahfaahsan oo la xidhiidha kulan iyo socdaalka xaglo toosiye, saameynta Buuhoodle iyo durba waxa ka abuurmay kala soco Shabakada TogdheerNews.
TogdheerNews..Burco.




Recent Comments