telesom
logo
logo
logo
|

Wasiirka Caddaaladda oo Xaqiijiyey Sababta loo Shaqaalaysiin Waayey Sharciyaqaanno la Baray Garsoorenimo

 

Hargeysa (Togdheernews)- Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa shaaciyey sababta ilaa hadda hay’adaha garsoorka looga hawlgelin waayey 40 sharciyaqaan oo dhamaystay tababar u socday muddo lix bilood ah, kuwaasoo loo ballanqaaday in marka tababarku u dhammaado laga dhigi doono garsoorayaal ka hawlaga maxkamadaha dalka.

Ilo-wareedyo kala duwan, ayaa u xaqiijiyey Jamhuuriya in wasaaradda caddalaadda iyo 40 ka sharci-yaqaan ee garsoorayaasha loo tababarayey ay heshiis kala saxeexdeen bishii November 2011, heshiiskaas oo dhigayey in marka tababarka lixda bilood ahi u dhammaado laga hawlgelin doono maxkamadda Somaliland, iyadoo arrintaasina ka mid ahayd qorshaha qaran ee dib-u-habaynta garsoorka dalka, balse ilaa hadda dhallinyaradaas wax shaqo ah oo loo dhiibay ma jirto, kuwaasoo bannaanka joogay muddo saddex bilood ah oo ka soo wareegtay markii ay wasaaradda caddaaladda heshiiska la saxeexdeen.

Qaar ka mid ah 40 dhallinyaro ee tababarku u dhammaaday oo sababo jira awgood magacyadooda u qariyey, ayaa Jamhuuriya u sheegay in wasiirka caddaaladdu awoodi waayey inuu dhallinyaradaas shaqo geliyo, maadaama ay dhamaysteen tababarkii garsoorenimo oo muddo lix bilood ah u socday, kuwaasoo tilmaamay in xubno ka mid ah dhallinyarada tababarka la siiyey ay ka tanaasuleen hamigoodii ahaa inay noqdaan garsooyaal dadka iyo dalkooda u shaqeeya, kadib markii dhinacna loo dhaqaajin waayey, isla markaana ay ka niyad-jabeen sida wasaaradda caddaalladdu wax u wado.

Jawaabta wasiirka caddaaladda Somaliland

Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid oo Jamhuuriya cabashadan shalay wax ka weydiiyey, ayaa xaqiijiyey in dhallinyaradaasi dhamaysteen tababarkii lixda bilood ahaa, balse waxa uu xusay in la isla qaatay in tababarka muddo saddex bilood oo dheeraad ah loogu kordhiyo si loo helo garsoorayaal aqoontooda iyo tababarkooduba dhisan yahay.

 “Dhallinyarada tababka la siiyey dhinacna looma dhaqaajin waayine, waxa la isku qanciyey in ardaydaas weli tababarkii wax u hadhsan yihiin, sannadkii hore miisaaniyadda waannu ugu talogalay in hay’adaha garsoorka la geliyo dhallinyaro tabababar oo aqoon leh. Ku talogalkaas mooyaane weli lama odhan helaw adigaa shaqaale ah oo cid la shaqaaleeyey ma jirrto, ku talogalkuna waxa uu ahaa in qaybta dambe ee sannadkan dhallinyaro lagu kordhiyo garsoorka, markii 40 dhallinyarada ah tababarka loo furayeyna hawlgal adag baannu u galnay sidiaannu ugu heli lahayn lacag yar oo xaqul-shaah ah oo la siiyo muddada ay tababarka ku jiraan, intii tababarku socdayna waxay qaadanayeen $150 doollar oo ay bixisanaysay hay’adda UNDP, iyagoo tababarka ku jira.

Hay’adda UNDP muddo dheer oo hore ayey lacagta jaamacadaha ka bixin jirtay ardayda sharciga baranaya, waxayna arkeen in dadkii ay ku tabcayeen aan garsoorka wax badan laga gelin dawladdii hore, dabadeedna iminka ballanqaad cad oo qoraal ah ayaannu galnay in dhallinyarada sharciga barata laga hawlgelin doono garsoorka oo aniguna warqad baan qoray, madaxweynuhuna warqad ballanqaad ah ayuu qoray, taasoo ah in dhallinyaradda sharciga barta garsoorka lagu dari doono,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Md. Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sheegay in dhallinyarada 40ka xubnood ah ay tababarka qaadanayeen bishii December ee sannadkii 2010 ilaa bishii May ee sannadkan 2012, isla markaana ahaayeen tijaabo si haddii loogu guulaysto loo sii joogteeyo, isagoo tilmaamay in  weli tababarkaas wax uga dhiman yihiin, lana doonayo in loo sii kordhiyo, balse labadii bilood ee June iyo July ay bannaanka joogeen iyagoon waxba qaban, kuwaasoo uu xusay in tababarka loo sii wadi doono, wax xannibaad ah oo la saarayna aanay jirin.

 “Waxaannu doonaynay in bishii 1 July 2012 loo bilaabo saddex bilood oo korodhsiimo ah, laakiin waad iska garanaysaa oo wax hay’adaha lala gelayo ayaa waqti iska qaata dhammaystirkiisa. Waannu kala saxeexanay in saddex bilood oo tababar dheeraad ah la siiyo, laakiin fulinta arrintaas ayaa jiitantay oo durba xilligii la bilaabi lahaa ee July bil kale ayaannu dib uga dhacsanahay oo bishii August ayaaba la galay, waxaasina wax loo kasay ma aha ee waxa keenay jiitanka mashaarciida hay’adaha lala galayo oo iska jiitama.

shallinyaraddaas tiradoodu 40 ka tahay marka la isku daro tababarkii hore iyo tababarkan dheeraadka ee imtixaan laga qaado wixii guulaysta waannu ku tallojirnaa in garsoorka lagu daro.”

Wasiirka caddaalada oo la weydiiyey mudada tababarka dheeraadka ah ee dhallinyaradaas la siinayo bilaabmayo, waxa uu ku jawaabay; “Waxay ku xidhan tahay marka macallimiinta tababarka siinaya kharashkooda meel la dhigo ee dhallinyarada laftoodana kharashkoodii yaraa ee ay qaadan jireen inta tababarku socdo loo diyaarinayo, markaas arrimahaasi diyaar noqdaan ayaa la bilaabayaa, imikana waxaannu ku jirnaa sidii arrintaas loo dhaqaajin lahaa, mudaas labada bilood gaadhaysana dhallinyaradaas ayuunbaa loo maqanyahay.”

xigasho Jamhuuriya

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)