Guddiga Doorashada oo ku Eedeeyey Golayaasha Sharci-dejinta inay Carqalad ku Yihiin Doorashada Degaanka
Komishanka oo shaaciyey in aanay Sannadkan doorasho dalka ka qabsoomi karin haddaanay baarlamanku ansixin in lambarro lagu galo goorashada
Hargeysa (Togdheernews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku eedeeyey goleyaasha sharci-dejinta inay carqalad ku yihiin qabsoomidda doorashooyinka dawladaha hoose, iyagoo dhinaca kalena hoosta ka xarriiqay in aanay wax doorashooyin ah sannadkan dalka ka qabsoomi karin haddii aanay labada ee Guurtida iyo Wakiilladu ansixin in doorashada dawladaha hoose lagu galo lambarro.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay shaaca ka qaadeen in Madaxweyne Siilaanyo xeerka doorashooyinka dib ugu celiyey goleyaasha sharci-dejinta, kana dalbay inay isugu yimaaddaan fadhi aan caadi ahayn oo ay ku ansixiyaan qorshahoodii ku wajahnaa in murrashaxiinta degaanku doorashada ku galaan lambarro.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari) oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay qabsoomidda doorashada dawladaha hoose u xanniban tahay arrimo sharci.
“Waxaannu qoladiina warbaahinta idiinku yeedhnay inaannu idinla socodsiiyo halka ay marayaan arrimihii doorashooyinku, waxyaabihii arrimaha doorashada ku xidhnaa ee qabyada naga ahaa, wixii ka soo qaybsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin.
Waxa doorashada nagaga xidhnaa waxa ugu weyn waxay ahayd arrimo sharci, dhaqaalaha oo qabyo naga ahaa, farsamada iyo hawlaha doorashada; hadday noqoto shaqaalaysiinta shaqaalaha iyo agabka doorashada.
Labada arrimood ee ugu weyn waxay ahaayeen dhaqaalaha iyo arrinka sharciyadda. Qaybtii dhaqaalaha ee aannu ka codsanay xukuumadda iyo deeq-bixiyayaasha, xukuumaddu qaybteedii misaaniyadda sannadkan 2012 ku jirtay way noo shubtay, deeq-bixiyayaashana ballanqaadkii waannu ka haynaa ay ballanqaadeen wixii ku soo kordhay kharashkii doorashada, markii laga soo gudbay liistadii xidhnayd oo hore u ballanqaadeen wixii kharashkeedu noqonayo, waqtigii dambe ee loo gudbay in qofka lagu doorto lambarka, taasna way nala qaateen wixii kharash ka soo kordhay, balse waxay ku xidheen waxaannu soo shubayna alacagta marka sharciyadiinu idiin dhammaystirmaan.
Sidaad ka warqabtaan Madaxweynuhu waxa uu Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada ku celiyey Xeer No. 20, qodobkii sumnadda aannu annagu soo codsanay in lagu isticmaalo lambar halkay astaan ka tahay. Waxaannu leenahay Koomishanka Doorashooyinka Qaranku isaga loo igmaday qaabka farsamo ee ay ku suurtogelayso doorashadu. Gole kale looma igman, sharciyad uun baana nagaga xidhan, goleyaasha sharci-dejintana waxaannu leenahay Ilaahay ha u naxariisto addoonka qaddarka naftiisa garta, waana in goleyaasha loo sharxo qaddarka nafteennu karayso oo ay fahmaan.
Waxaannu u malaynaynaa in ummaddu miyi iyo magaalaba wada garanayaan lambarka, markaa golayaasha sharci-dejinta waxaannu ka codsanaynaa inay xeerka dhaqan-geliyaan, madaxweynuhuna wuu ka codsaday sidaa aannu farsamo ahaan u soo dhignay, ururradii iyo xisbiyadiina way isla qaateen. Sidaa darteed, dadweynahaha waxaannu u bayaaminaynaa in aan summadda iyo lambarku waxba kala duwanayn oo aannu annagu u aragnay in 90% dadkeennu fahmayaan lambarka,” ayuu yidhi Ciise Xamari.
Sidoo kale, Faarax Abiib Aadan oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa isaguna tilmaamay in hawlihii kale oo dhan u dhammaystiran yihiin guddigooda, tijaabooyinkii farsamana sameeyeen, waxaannu isagoo arrintaas ka hadlayey yidhi; “In badan baa la iswaydiinayey maxaa doorashada golayaasha degaanka dib u dhigay? Golaha degaankana waqtigiisi wuu dhaafay oo xulashadiisii ugu dambaysay 2000-dii ayey ahayd, intii dawladda cusub qabsatayna muddo-kordhintii Barlamaanku u sameeyey golayaasha degaanka waxay ku ekayd bishii April 2012.
Sidaa awgeed, haddaannu nahay Koomishanka Doorashooyinka waxaannu tijaabinnay siday ku suurtoobaysa in qofka toos loo doorto, qoladii deeq-bixiyayaashuna waxay isa soo taageen inay miisaaniyadooda ku saleeyeen habka liistada xidhan oo keliya oo aanay ku bixinayn waxa liistada furan la yidhaa, waayo kharash badan baa ku baxaya. Waannu iska daba wareegnay, waxaanuna markaa raadinay habka ugu fudud ee doorasho ku qabsoomi karto, kharashkana lagu yaran karo, qadhaan-bixiyayaashana la oggolaysiin karo. Waxaannu door-bidnay oo tijaabinay inta calaamaddii la beddelo in lambar laga dhigo oo waraaqdii codbixinta soo koobaysa, dhaqaalihiina soo koobaysa.
Barlamaanku markii hore xeerkan wuu ansixiyey, waxaanay nagu raaceen in lambarka lagu shaqeeyo. Halkaa markay marayso waannu hawlgalnay komishan ahaan oo gobollada ayaannu u baxnay si aannu shaqaalihii u soo qorano. Haseyeeshee, manaan filayn in xeerku nagu soo noqdo. Markii xeerku Barlamaanka ka gudbay Guurtidu dib bay u soo celisay, iyagiina tii Guurtida ayey dib ugu raaceen, halkaasni sheeko xidhan bay noqotay, waxaanay kellifaysa in dib mar dambe loo hawlgalo.”
Waxa kaloo isaguna halkaas ka hadlay Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ka mid ah toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, waxaannu si gaar ah farta ugu fiiqay sida guddigoodu farsamo ahaan uga shaqeeyey masuuliyaddii ka saarnayd qabashada doorashada dawladaha hoose.
“Xaalkayagu waa kulaylka maxa dheriga ka keenay, waana halka xaaladdu marayso haatan, sidaa darteed waxaan faahfaahin ka bixinayaa in farsamo ahaan aannu hawshadayadii ka soo baxnay. Farqiga u dhexeeya doorashadii 2002 la galay iyo tan waxa u dhexeeya liistada xidhan oo macnaheedu yahay in xisbiga la doorto, dabadeedna tirada guud ee uu cod helo xisbigaasi ayuu murrashaxiinta ku helayey. Tii waa laga soo gudbay oo waynaga nidhi waa in doorashada qofka shaqsi ahaan la doorto, komishankuna habkan cusub tijaabo ayuu ku sameeyey,” ayuu yidhi Cabdifataax Ibraahim Axmed.
Geesta kale, Mr. Raabbi Cabdi Maxamed, ayaa isaguna daboolka ka qaaday in aanay sannadkan wax doorasho ah dalka ka qabsoomi karin haddii aanay labada gole Baarlamaan ansixin in murrashaxiinta degaanka loo sameeyo lambarro ay ku galaan doorashada dawladaha hoose.
“Si ay sannadkan u suurtogasho in doorasho la galo farsamaha ugu habboon waa in lagu galo lambarrada. Xeerkii madaxweynuhu dib buu ugu celiyey golayaasha sharci-dejinta, waxaanan filayaa inay berri [Salaasada maanta] ka fadhiisan doonaan oo ay ka doodayaan. Hadday dhacdo in golayaashu soo celiyaan lambarka oo mar labaad diidaan, waxaannu komishan ahaan idiin caddaynaynaa inaanay suurtogalayn in sannadkan doorasho la qabto, waayo dhaqaale ahaan dhawr jeer baannu ku noqnoqonay qolyaha innaga caawiya xagga doorashooyinka, mar dambana laguma noqon karayo, tirabana laba jeer oo hore ayaa loo tegay, dhaqaalahana waxba iska beddelay sababo aynu innagu keenay awgeed,” ayuu yidhi Md. Raabbi Cabdi.
Togdheernews.com




Recent Comments