telesom
logo
logo
logo
|

Wakiilka Dawladda Denmark u Fadhiyi Doona Somaliland oo si Rasmi ah Dalka u Yimi

 

Hargeysa (Togdheernews)- Wakiilka dawladda Denmark u fadhiyi doona dalka Somaliland, ayaa si rasmi ah u yimi caasimadda Hargeysa kadib markii la furay xafiiska uu ka hawlgeli doono.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaciyey furitaanka qunsuliyadda dawladda Denmarka kadib markii uu shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiilka loo soo magacaabay xafiiskaasi oo magaciisa la yidhaa Soren Skou Rasmussen.

“Maanta (shalay) waxa dalka si rasmi ah u yimi wakiilka dawladda Denmark u fadhiyi doona Somaliland si uu u bilaabo hawlihiisii wakiilka uu kaga noqonayey dalka dawladda Denmark. Arrintaasina waxay ka dambaysay wadahadal iyo booqashooyin dhexmaray dawladdaha Somaliland iyo Denmark, kadibna ay go’aansatay inay wakiil halkan ku yeelato. Hawlaha ugu waaweyn ee wakiilkaasi uu halkan ka qaban doono waxa ugu badan inuu kobciyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal ee Denmark iyo Somaliland oo iminka u badan dhinaca horumarka, iskaashiga iyo arrimaha xagga nabadgelyada. Markaa runtii sharaf weyn ayey noo tahay xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba in maanta dawladdii ugu horreysay ee reer Yurub ah ay halkan xafiis rasmi ah oo wakiil ka noqonaya danahooda iyo iskaashiga ka dhexeeya dalkeena iyo dadkooda,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi oo markii uu dhammaaday shirka uu la yeeshay wakiilka dawladda Denmark warbaahinta la hadlay.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in dhawaan la furi doono xafiis dawladda Ingiriisku ka furanayso magaalada Hargeysa, waxaannu yidhi, “Waxa iyana dhawaan aannu filaynaa inuu soo dhammaado hawlihii farsamo ee lagu diyaarinayey xafiiskii farsamo ee uu soo degi lahaa wakiilka dawladda Ingiriiska u fadhiyi doona dalka Somaliland caasimaddiisa Hargeysa oo iminka isaguna gebogabo ku dhaw, lana filayo in dhawaan masuuliyiintii loo soo magacaabay ay dalka iman doonaan.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka inay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dawladdaha Denmark iyo Ingiriisku, “Arrimahani waxay ku soo beegmeen waqti xidhiidhka, cilaaqaadka iyo iskaashiga dunidu la leedahay Somaliland uu aad u kobcay haddii ay tahay Afrika, Yurub iyo waddamada Carabtaba. Waxaannu rajaynayaa in dalal kale oo waaweyni ay ku dayan doonaan tallaabada ay qaadeen dawladaha Denmark iyo Ingiriisku oo iyaguna halkan ay xafiisyo ku yeelaan doonaa ka shaqeeya masaaliixda iyo danaha u dhexeeya dalalkooda iyo Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)