telesom
logo
logo
logo
|

20 Sano , kadib Yuusuf Garaad oo iska Casilay BBC iyo Sababa keentay.

Yuusuf Garaad Cumar, oo ahaa madaxa laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay idaacadaas.

Yuusuf Garaad, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay bogagiisa Facebook iyo twitter, waxaanu yidhi “20 sano ka dib, waxaan maanta [shalay] ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga ee BBC.”, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal.”

Yuusuf Garaad, oo muddo dheer soo ahaa madaxda laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa waxa ay dad badani aaminsanyihiin inuu imika u wareegayo dhinaca siyaasadda, waxaanay is casilaadiisu ku soo beegantay wakhti la filayo inay Muqdisho ku qabsoonto doorashada madaxtinimada Somaliya, ka dib marka la doorto Baarlamaanka cusub.

Yuusuf Garaad, ayay dad badani ku eedeeyaan in mudadii uu madaxa Idaacadda ahaa uu ka dhigay xarun u adeegta siyaasadiisa iyo aragtiyihiisa shakhsiyeed, halka ay kuwo kalena ku ammaanaan inuu horumar gaadhsiiyay laanta Afka Somaliga.

Yuusuf Garaad waxaa uu ku dhashay magaalada Buulo burte bishii juun sanadkii 1960, wuxuuna dugsiga sare kaga baxay Xamar sanadkii 1983kii, markaas ka dibna waxaa u ku biirey Jaamacadii Umadda, tasoo uu sanadkii 1988kii ka baxay kulliyaddii luuqadaha ee Jaamacaddaasi, isagoona mar noqdey gudoomiyaha ururka ardayda Jamacadda qeybteedii gahayr.

Intii uu ka shaqeynayey BBCda laanta afka Soomaaliga waxaa uu wax barasho jaamacadeed oo cusub ka galay Jaamacad ku taal dalka Mareykanka oo lagu magacaabo TUFTS University, waxaana uu ka qaatay shaadda koobaad ee jamacadda BA iyo tan labaad ee Masters degree, isagoo bartay madada Xiriirka Calamiga ah.

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)