telesom
logo
logo
logo
|

Boqorka Sucuudiga oo Madaxweynaha Iran ku Casuumay kulan Degdega oo Wadamada Islaamku ku Yeelanayaan

Makka (Togdheernews/W.Wararka)- Boqorka waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis, ayaa casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Iran Mr. Maxamuud Ahmedinejad oo aan xidhiidhkoodu wanaagsanayn si uu uga qaybgalo kulan degdeg ah oo madaxda dalalka islaamku ku yeelan doonaan dhammaadka bishan magaalada barakaysan ee Makka.

Wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa shaacisay shalay inuu casuumaadda Boqor Cabadalla gaadhsiin doono Madaxweynaha Iran Safiirka Sucuudiga u jooga magaalada Tehran Mr. Maxamed Al-Kilabi, inta lagu gudo jiro kulan uu la yeelan doono madaxa xafiiska madaxtooyada Iran Mr. Raxim Mashawi.

Boqor Cabdalla waxa uu ku baaqay kulan aan caadi ahayn oo lagaga arrinsanayo midnimada islaamka iyo sidii loo wada wajihi lahaa dhibaatooyinka kala qaybsanaanta iyo kacdoonnada ka dhacaya dalalka muslimka.

Dhibaatooyinka ka socda dalka Suuriya ayaa la rajaynayaa inay noqdaan ajendayaasha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono kulankaas oo loo qoondeeyey inuu magaalada Makka ee waddanka Sucuudiga ku qabsoomo 15 ilaa 16ka bishan August.

Diblomaasi ka tirsan dawladda Sucuudiga ayaa wargeyska Arab News u sheegay in 57 hoggaamiye oo ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC (Organization of Islamic Cooperation) lagu casuumay kulankaas, waxana ka horreyn doona qabsoomidda shirkaas kulan gogol-xaadh ah oo ay 13-ka bishan August isugu iman doonaan wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada islaamka.

Xoghayaha Guud ee ururka OIC Mr. Akmaludin Ixsanoglu, ayaa isaguna Arab News u sheegay in wadahadallada kulankaas lagu darsan doono xaaladda waddanka Suuriya iyo sidii muslimiintu ugu midoobi lahaayeen dhibaatooyinka ku soo fool leh iyo kuwa waqti xaadirkan taagan.
Togdheernews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)