Gobol ku Yaal Shiina oo Saraakiisha Dawladda iyo Ardaydaba Laga Mabnuucay Inay Soomaan Bisha Ramadaan

Maamulka gobolka Xinjiang oo dhaca waqooyiga galbeed ee dalka Shiina, ayaa laga mabnuucay in saraakiisha Muslimiinta ah iyio ardaydu soomaan inta lagu gudo jira bisha barakaysan ee Ramadaan, iyadoo kooxo xuquuqal-insaanka u dooda oo arrintan digniin ka bixiyeyna dalka laga mastaafuriyey.
Ogaysiisyo badan oo lagu daabacay mareego dawladdu leedahay hoggaamiyaha xisbiga shuuciga ku baaqay xayiraad lagu soo rogo dhaqdhaqaaqyada Muslimiintu ku cibaadaysanayaan bishan barakaysan, isagoo mabnuucay in la booqdo masaajidada, lana soomo Ramadaanta.
Gobolka Xijiang waxa ku nool ugu yaraan 9 Milyan oo ah qoomiyada la yidhaa Uighurs oo badankoodu Muslimiin ah, waxaanay badankoodu hoggaamiyaha Shiinaha ku eedeeyeen inuu yahay hoggaamiye cabudhiya diimaha iyo arrimaha siyaasadeed.
Gobolkan waxa hore u daashaday xad-gudubyo jinsi ku salaysan, balse dawladda Shiinuhu waxay diiday in ay cadaadis iyo dhibaatooyin ku hayso saraakiisha ka soo jeeda qoomiyada Uighur, iyagoo tilmaamay in dadkaas dawladdoodu caawiso.
War-murtiyeed ka soo baxay magaalada looga taliyo Gobolka Xinjiang oo Zongland waxa uu dhignaa sidan; “Guddi nabadgelyo ayaa sugaysa arrimaha siyaasadda iyo xasiloonida bulshada bisha Ramadaan, waxaana mabnuuc ka ah xubnaha ka tirsan xisbiga Community Party, saraakiisha dawladda oo ay ku jiraan kuwa hawlgabka iyo ardayda inay ka qaybqataan gudashada cibaadada diimiga ah ee bisha Ramadaan.”
War-murtiyeedkan oo laga daabacay website ay leeyihiin maamulka Gobolka Xinjiang, ayaa masuuliyiinta xisbiga dawladda laga codsaday inay u keenaan hoggaamiyayaasha xaafadaha gobolkaas cunto hadyad ah si loo hubiyo inay sooman yihiin iyo in kale.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments