Haweenka Uur-ka Leh oo la Ogaaday inay u Unugul Yihiin Jooniska la Yidhaa Hepatitis E
Mid ka mid ah cilmi-baadhasaha ugu ballaadhnaa ee caafimaad ee lagu fuliyo adduunka sannadkan gudihiisa oo fuliyey mac-hadka la yidha AIIMS (India Institute of Medical Science), ayaa lagu ogaaday in haweenka uurka leh unugul yihiin qaadista jooniska, gaar ahaan nooca la yidhaa Hepatitis E, kaas oo sababa in beerku shaqada joojiyo, iyagoo tilmaamay in ugu u dhawaan 60% haweenka uurka leh halis ugu jiraan cudurkaas.
Jooniskan E-da la yidhaa waa mid si fudud looga hortagi karo, waxaana laga qaada biyaha wasakhaysan oo la cabo, isagoo dadka ilaa heer dhimasho gaadhsiiya, kadib marka beerkoodu shaqada joojiyo, sababtoo ah beerku waxa uu awood u yeelan waaya inuu dhiigga ka saaro walxaha sunta ah.
Daraasad qaadatay 20 sannadood oo ugu yaraan baadhitaan lagu sameeyey 1,000 bukaan, ayaa mac-hadka AIIMS uu bilaabay hawlgalkiisan caafimaad intii u dhaxaysay Janaury 1986 ilaa December 2006, iyagoo barbardhig ku sameeyey sida ay ugu kala nugul yihiin dumarka uurka leh iyo kuwa aan lahayn iyo ragga da’doodu u kala dhaxayso 15 ilaa 45 jir.
“Waxaannu helnay in Hepatitis E uu yahay sababta ugu weyn ee beerku shaqada u joojiyo 60% dumarka uurka leh iyo kuwa da’da yarba, sidaa darteed fayraska sababa in beerku shaqada joojiyo waxa uu asiiba haweenka aan uurka lahayn 30%, halka ragga uu 23% saameeyo,” waxa sidaa yidhi S.K. Acharya oo ah khabiir ka tirsan mac-hadka daraasadan fuliyey ee AIIMS, isaga oo u sheegay Wakaallada Wararka Hindiya ee IANS.
Daraasadu waxay tilmaantay in dumarka uurka leh aad ugu nugul yihiin joonniskan, iyadoo u soo jeedisay inay doorbidaan nadaafada, cabaana biyo tayadooda nadaafadeed la iska hubiyey si aan beerkoodu shaqada u joojin, fayraska cudurkan dhaliyaana u asiibin.
Waxa jira shan nooc oo jooniska ah sida Hepetitis A, B,, C, D iyo E, marka laga yimaabo fayraska waxa jooniskan sababa sidoo kale khamriga, xashiishada, kiimikada, beer subagowga iyo cudurro kale oo hab-dhiska difaaca jidhka si kedis ah u soo weerara.
Hay’adda caafimaadka adduunku ee WHO waxay sheegta in 5 milyan oo qof jooniska naftooda u waayi doonaan sannadada soo socda waddamada koonfurta bari ee Eeshiya.
According to World Health Organisation (WHO) estimates, nearly 5 million people will loose life due to viral Hepatitis over the next decade in Southeast Asia.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments