Dr. Gaboose oo Siilaanyo ku Eedeeyey Inuu Doorashada Degaanka Dib-u-dhigaayo si uu Doorashada Barlamaanka iyo Madaxtooyaduna Dib u Dhacaan

Hargeysa (Togdheernews)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa caddeeyey in caqabadaha hortaagan doorashada golayaasha degaanka uu masuuliyadeeda leeyahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), taasoo uu ku tilmaamay in looga gol leeyahay in madaxweynaha iyo Golaha Barlamaankuba -muddo dhaaf sharci darro ahadarro dalka ugu sii taliyaan.
Dr. Gabboose waxa uu madaxweynaha u soo jeediyey inuu xil ka saaran yahay in uu qaado tallaabo kasta oo doorashadu ku qabsoomaysay, isagoo ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta haddii doorashada golayaasha degaanku waqtigii loogu talagalay ku qabsoomi waydo.
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta urur-siyaasadeedka UMMADDA, waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha hortaagan in doorashada la muddeeyo.
“Doorashooyinka dawladaha hoose waa ta ugu muhiimsan, uguna baaxada weyn doorashooyinka dalka ka dhaca, waa seeska dimuqraadiyada, fursadna u ah qof kasta oo muwaadina oo higsanaaya himiladiisa siyaasadeed.
Waxa doorashadan ka abuurma xildhibaannada golayaasha degaanka iyo saddexda xisbi qaran, waxaanay gogol-xaadh u tahay doorashada madaxtooyada. Waxa nasiib-darro ah in doorashadii golaha degaanka ee ugu horraysay, uguna dambaysay ay dalka ka qabsoontay 2002 oo ku beegan toban sanno ka hor, taasoo laga dheehan karo in muddo dheer golayaashu ku fadhiyaan, kuna maamulaan dalka sharci-darro, waxay noqdeen aalad u nugul musuqmaasuqa iyo in looga taliyo qasriga madaxtooyada, taasoo ka saartay meesha madax-bannaanidoodii iyo la-xisaabtankii dadweynaha.
Sida caado u noqotay doorashooyinka Somaliland, kuwan iyo kuwii horreba, madaxda dalka musuqmaasuqa aafeeyey, kalsoonina aan ku qabin shacbigoodu inay mar kale soo doortaan, waxay cimri-dherar ka dhigtaan xaalad abuur dhaqaalo la’aan, qaybyo tir sharci iyo waxyaabo kale oo badan.
Doorashooyinka golaha degaanka oo qabsoomi wayda waxay sababaysa in ta Barlamaankuna dib-u-dhacdo, gogol-dhigeeduna yahay in si ula kas ah loo qorsheeyey in doorashada madaxtooyadu iyana dib u dhacdo, taasoo dhibi jirtay madaxweyne Siilaanyo waqtigii uu mucaaridka ahaa.
Deeq-bixiyayaashu iyagoo ku mahadsan caawimadooda, haddana waxay ahayd masuuliyad damiirku ina faraayo in sannadba sannadka ka dambeeya yaraato baahida loo qabo ku tiirsanaanta deeq-bixiyayaasha,” ayuu yidhi Dr. Gabobose, waxaannu intaa ku daray; “Doorashooyinka oo qabsoomi waya waxay dhiirigelinaya, kursi jacayl iyo kaligii talisnimo ay bulshadu reer Somaliland waayo-arag u tahay waxay dhaxalsiisay, waxaan ogsoonahay in dedaal dheer oo komishanku u galeen siday u suuragelin lahaayeen in doorashadu dhacdo dabayaaqada sannadkan ay kala kulmeen caqabado farsamo iyo culays dhaqaale oo kaga yimi tirada ururrada iyo asxaabta oo aad u badan iyo isbeddelka habka doorashada oo loo guuray liiska furan oo ah in musharax kastaba gaarkiisa u tartamo.”
Dr. Maxamed Cabdi Gabmoose waxa uu xusay in Koomishanka Doorashooyinku sheegeen in aan astaan lagu geli karin doorashada golayaasha degaanka ee soo socota, isaga oo Golayaasha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiilllada) ku eedeeyey in aanay qadarin Koomishanka Qaranka Doorashooyinka, waxaannu yidhi; Daraasad sugan kadib, waxay komishanku ku qanceen inaanay suuragal ahayn in boqolaal musharax astaamahooda la isugu keeni karo hal waraaq codbixin oo kaliya si fiicana aan loo arki karin, waxaanay ku taliyeen si doorashadu u qabsoonto in astaanta musharaxa halkeeda lagu beddelo lambar, taasoo labada gole ee sharci-dejinku ku diideen iyagoo aan qadarin inay dhegaystaan guddida koomishanka ee farsamo ahaan hawsha qaabilsana, inkastoo aan la dafiri karin ciladaha ku gadaaman labada hab, haddana waxa ina horyaala doorasho iyo doorasho la’aan sannadkan 2012-ka.
Mudane Madaxweyne maaha in Koomishanka Doorashooyinka Qaranku dhibane u noqdo oo uu ku dhex wareego xafiisyad Nairobi, Madaxtooyada iyo kuwa golayaasha qaranka, iyadoo ay tahay adiga waajibaadkaagii qaran in dhiraandhirinta dhammaan hawlaha suuragelinaya doorashada inay waqtigeedii ku qabsoonto.
Mudane Madaxweyne waxay bulshadu xogogaal u tahay, muhiimada gaarka ah ee aad siisay wadahalkii Soomaaliya iyo Sheekh Shariif, balse waxaannu tuhunsanahay Madaxweyne iskaba daa dedaale inaad doonaysid in doorashadu dib u dhacdo si aad maalmo sharci-darro ah mustaqbalka u sii joogtid, waxaana markhaati ka noqon doonta adigoo adeegsanaya awooddada dastuuriga ah inaad wax ka beddel ku samayso diidmada labada gole oo ah inta qudha ee doorashadu maanta u xaniban tahay, taasoo si deg deg ah lagaaga sugaayo inaad u soo afjartid si jadwalka Koomishanka Doorashooyinku qorsheeyeen u noqdo mid midho dhal ah.
Waxa aad dhawr jeer ku celisay Mudane Madaxweyne in doorashada golayaasha degaanku dhacayso sannadkan 2012-ka, ummadduna waxay kaa sugaysa inaad ballanqaadkaga ka dhabaysid, waxay bulshadu xasuusan tahay ka soo guryo noqoshadaadii Dubay inaad heshiiskii idin dhex maray adiga iyo Sheekh Shariif kaga sharci garaysay laba aqal muddo saacado gudahood ah mudnaanta gaarka ah ee ay kuu lahayd.”
Weriye: Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)
Togdheernews/Hargeisa




Recent Comments