telesom
logo
logo
logo
|

Qarax ka dhacay Xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi

Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax goor dhow ka dhacay xaafadda ay Soomaalida sida weyn u degto ee Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Moi Air Force oo ku yaalla Laamiga koowaad ee xaafadda Islii.

Afhayeenka booliska Kenya, Anthony Kibuchi ayaa sheegay in warar horudhac ah oo ay heleen ay muujinayaan inuu jiro shaki laga qabo inuu jiro qof isqarxin rabay.

Afhayeenka waxa uu sheegay in qofka laga shakiyay inuu qaraxa waday uu go’go’ay, isagoo tilmaamay in dadka ku dhaawacmay qaraxa ay ku jiraan kuwo ay halis tahay xaaladdooda.

 

Togdheernews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)