telesom
logo
logo
logo
|

Dhoolla-caddayntu Waa Xirfada Guusha iyo Caafimaadka Qalbiga

Dhoolla-caddaynta iyo dulqaadku waxay dadka u horseedaan inay gaadhaan guulo badan oo dhinaca nolosha ah, waxaanay kaga gudbi karaan waxyaabo carqalad ku noqon lahaa.

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Kansas ee dalka Maraykanka, ayaa baadhitaan ku sameeyey faa’iidada laxaadka leh ee dhoola-caddaynta, iyagoo si gaar ah daraasadooda diiradda ugu saaray xaaladaha keena farxadda dhoolla-caddayntu weheliso.

Khubaradani waxay daboolka ka qaadeen in qofba midka uu ka dhoolla-caddayn badan yahay ka soo kaban ogyahay cadhada iyo murugada la soo darista.

Mrs. Tara Kraft oo daraasaddan hormood ka ahayd, ayaa iyadoo arrimahan ka hadlaysay waxay tidhi; “Dhoolla-caddayntu kama turjumayso oo keliya farxadda, laakiin waxay faa’iido u leedahay qalbiga qofka iyo inuu ka soo kabto dhacdooyinka murugada leh ee uu la kulmo.

Waxaannu ogaannay in dhoolla-caddaynta iyo dulqaadku qalbiga qofka nadiifiyaan, isla markaana qofku cadhada iyo dhibta si fudud ku illaawo hadduu farxad badan yahay.”

Kooxda daraasadda fuliyeyy waxay sheegeen oo kale in dhoolla-caddaynta iyo dulqaadku saamayn weyn ku leeyihiin xaaladda jidhka qofku ku sugan tahay.

Cilmi-baadhayaashu waxay guud ahaan dhoolla-caddaynta u qaybiyeen laba nooc oo kala ah; dhoolla-caddaynta caadiga ah, kaasoo qofka laga dareemo muruqyada afkiisa ku xeeran iyo mid dhab ah oo laga dareemi karo muruqyada indhaha iyo afka ku xeeran.

Daraasad tan ka horreysay ayaa soo bandhigtay in farxadda qofku adeegsado marka uu murugaysan yahay ay ka caawin karto inuu cadhada iska illaawo, sidoo kalena dhoolla-caddayntu saamayso xaaladda cadifadeed ee qofku ku sugan yahay.

Daraasaddan cusub, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay nooceeda ee kala saarta qaybaha dhoolla-caddaynta bani’aadamka si loo ogaado in qofku murugaysan yahay iyo in kale.

Ibraahim Khadar Siciid

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)