Burcad Badeeda oo Sii daysay dad u afduubna

Kooxo burcad badeed ah oo muddo sanad ka badan afduub u heystay toddobo qof oo u dhashay dalka Pakistan ayaa sii deysay kaddib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah.
Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegay in burcad badeedda ay qaateen lacag madax furasho oo dhan hal milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.
Maxamed Cali Xaashi Axmed oo ka mid ah odayaasha ku dhaqan deegaanka Ceel-Huur oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa Bar-kulan u sheegay in shalay la sii daayay toddobada qof ee u dhashay dalka Pakistan oo ay burcad badeeddu ku heysteen xeebaha degmada Xarardheere.
Wuxuu intaas raaciyay in odayaasha deegaanka ay halgan xooggan u galeen sidii loo sii deyn lahaa la-heystayaashaas ajaaniibta ah.
Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxaha burcad badeedda ay madax furasho ka qaataan ajaaniibta ay afduubtaan, iyadoo xilliyada qaar ay isku khilaafaan dhexdooda lacagaha madax furashada ah kaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac.
Togdheernews.com




Recent Comments