Halkan ka akhriso Natiijooyinkii ugu danbeeyey iyo Ciidi ku guulaystay Billaha ugu Badan
Dalka China wuxuu ilaa iyo hadda helay 30 billadood oo toddobo iyo toban ka tiran ay dahab yihiin, waana dalka ugu badan dhinaca billadaha dahabka ee cayaaraha Olympic-da adduunka ee ka socda magaalada London ee xarunta dalka Britain.
Mareykanka oo kaalinta labaad ku jira wuxuu helay 28 billadood oo koow iyo toban ka tirsan ay dahab yihiin, halka South Korea oo kaalinta saddexaad ku jira uu helay 12 billadood oo lix ka tirsan ay dahab yihiin.
South Africa ayaa ilaa iyo hadda ah dalka keliya ee Afrika ah ee labo billadood oo dahab ah helay inta uu socdo tartanka.
Cayaaraha Olympic-da ee London ka socda waxaa ka qeyb galaya 204 dal.
Sidan hoose ayay dalalku ugu kala guuleysteen billada





Recent Comments