telesom
logo
logo
logo
|

Gaadiid Tikniko ah oo isku Soo dhiibay Goor dhaweyd Ciidanka Qaranka Somaliland Jiida Hore .

 

Laas-caanood  (Togdhnews)-  Laba  baabuur  oo  tikniko ah oo  ay saaran  yihiin   qoryaha  dagaalku  , ayaa  goor dhoweyd  isku soo dhiibay  ciidanka  qaranka  Somaliland  ee  jiida  hore  ee  gobolka Sool, ka dib markii  ay ka soo  goosteen    maleeshiyada  Khaatumo.

Labadan gaadhi  oo  ay  kala   ah   baabuur noociisu  yahay   TR- oo saaran yahay  qoriga  loo yaqaan  ZUU iyo   gaadhi  landCriuser  oo uu  saaran yahay qori dhashiike  ah. Gaadiidkan  ayaa  ah kuwo  hore looga  baxsaday  ciidanka qaranka  Somaliland  ,gaar ahaan  guutada  17 –aad  ,ee uu  madaxda  ka yahay Ismaaciil Cambaashe.

Gaadiidka iyo ciidanka  saaran ayaa ka soo  kicitimay   goob u  dhow  degaanka Taleex  oo xarun  u ah  kooxda la  magac baxday Khaatumo.

Ciidankan iyo gaadiidkan ayaa  si weyn loogu soo dhaweeyay  magaalada  laascaanood  oo  ay soo gaadheen goor dhaweyd.

Wixii  Faahfaahin Dheeraad  ah kal Soco   TogdheerNews.Com.

TogdheerNews.Laascaanood

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)