telesom
logo
logo
logo
|

MUCJISOOYINKA KU DUUGAN XAYAWAANNADA ALLE KAWNKA KU ABUURAY

 Mucjisooyinka Shimbirta Ciyowga:

Ciyawgu waa shimbir aad loo wada yaqaan. Waxay caan ku tahay inay shimbir kasta la doonato daandaansi oo ay cunto beedkooda, waa shimbir ay wada neceb yihiin dhammaan shimbiruhu.

Waxa qaata dadka ugaadhsadyaasha ah si ay ugu ugaadhsadaan shimbiraha kale. Jaaxid oo ahaa aoonyahan aad wax uga qoray xawayaanku waxa uu yidhi, shimbirta ciyowgu ma soo baxdo maalintii, waayo waxay ka cabsataa in la cawryo.

Waxay ka kooban tahay noocyo badan oo kala duwan, waxaanay dhammaantood jecel yihiin inay meel cidla’ ah keligood iska fadhiistaan.

Waxyaabaha ay gaarka ku tahay:

Markay seexato labadeeda indhood midna way xidhan tahay, ta kalena way furan tahay. Waxa la yidhi haddii wadnaha ciyowga la soo qaado oo la saaro gacanta bidix haweenay huruda waxay ka sheekaysaa dhammaan waxyaabihii ay maalintii aragtay oo dhan.

Waxa intaa dheer oo dadku aad u wada xasuustaan marka shimbirtan laga sheekaynayo qoorteeda oo dhinac kasta u jeedsata.

 

   Mucjisooyinka Shabeelka:

Waa xawayaan midabkiisu u egyahay boodhka oo kale. Wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah; mid dubkiisu gaaban yahay, jidhkiisuna weyn yahay iyo mid dubkiisu dheer yahay, jidhkiisa kalena yar yahay.

Aqoonyahan Jaaxid oo ka mid ahaa dadkii sida weyn xawayaanada wax uga qoray wuxuu shabeelka ku tilmaamay inuu jecel yahay cabbitaanka oo uu yahay xawayaan dabeecad adag.

Marka laga sheekaynayo qaabka uu ula dhaqmo carruurtiisa waxa lagu sheegay in tiisa dheddig aanay ka tegin ilmeheeda yar ilaa uu qoortiisa ku duubo abeeso si aannu ugaadhsaduhu uga qaadan intay qaqadhaabsiga ugu maqan tahay.

Hadduu shabeelku xannuunsado wuxuu cunaa jiirka, markaas ayuu bogsadaa. Waxa uu aad u neceb yahay libaaxa, waa xawayaan sharaf badan oo isla qab weyn. Waxa la yidhi ma cuno baqtiga iyo ugaadha xawayaannada kale soo ugaadhsaday toona sida libaaxa, wuxuuna caan ku yahay inaanu adkaysan karin marka uu cadhoodo.

Bootintiisa ugu yar waxa lagu qiyaasay labaatan mitir, ta ugu dheerna afartan mitir.

Faa’iidooyinkiisa:

Ilaahay ayaa garanaya xaqiiqda ee waxa la yidhi qofka haragiisa badh ka mid ah qaata wuxuu noqdaa mid dadku ka cabsadaan, qofka babaasiir lehna haddii uu haragiisa ku fadhiisto wuu ka tagaa xannuunkaasi.

    Mucjisada Fiid-meerta:

Waa shimbir lagu arko meelaha madmow, gaar ahaan haan markay cadeeddu dhacdo, sababta oo ah waxba kuma aragto iftiinka xataa iftiinka dayaxa.

Culimada saynisku waxay sheegaan inay dirto jabaq aad u sarraysa oo ay ku garanayso meelaha ka horreeyaa nooca ay yihiin iyo intay kaga baydhi karto.

Waxay awood ka heshaa kaneecada oo iyaduna xilligaas soo baxda, waa xayawaan aad u duulimaad dheer, waxaana la qiyaasaa inay saacaddii duuli karto boqol iyo 60km. Waxay noolaataa muddo aad u dheer sida haad-ka-adagta oo kale. Waa shimbir ay shimbiraha kale neceb yihiin.

Dadka qaar waxay ka sheekeeyaan inay tahay xayawaankii uu abuuray Nebi Ciise (CS) markay reer Nasaara ka codsadeen inuu sameeyo shimbir aan lahayn lafo, Ilaahay awooddiisana tan uu sameeyey.

Waxyaabaha ay cajiibka ku tahay waxa ka mid ah inay ku jirto xayawaannada aadka u jecel ubadkooda, oo xataa jacayl dartii la tilmaamo inay nuujiso ubadkeeda iyadoo ku socota xawaare aad u sarreeya oo ku mashquulsan waxa ka horiman kara ee ay isku dhici karaan.

 Beershiya

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)