Guddiga Dib-u-dihiska Madaarka Burco oo Lagu dhawaaqay

Shir ka dhacay shalay xarunta maamulka Gobolka Togdheer, ayaa lagaga dhawaaqay guddi loo xilsaaray dhismaha Madaarka Burco.
Guddigan oo ka kooban 13-xubnood waxay isugu jiraan wasiirro, xildhibaanno, culimo iyo waxgarad dhammaantood reer Togdheer ah.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Cabdoo Axmed Aayir, ayaa shirkaas ka shaaciyey xubnaha guddiga cusub ee loo xilsaaray dib-u-dhiska Madaarka Burco, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista, Cabdoo Axmed Aayir, Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maxamuud Axmed Xasan, Duqa Burco, xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marrexaan), xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Cali Maxamuud Axmed, Cabdiraxmaan Maxamed Timir, Yaasiin Maxamed Shide, Sh. Yuusuf Cabdi Cawad, Maxamuud Diirye Xayd,, Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac, Sh. Maxamed Axmed Yaasin iyo Eng. Faarax Xuseen Axmed.
Duqa magaalada Burco Md. Maxamuud Axmed Dhaga-laab oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa guddiga cusub ee uu ka midka yahay kula dardaraamay isku duubni iyo inay markasta heegan u noqdaan gudashada masuuliyadda culus ee loo xilsaaray.
Sidoo kale, waxa uu Maayarku shacabka iyo qurba-joogga reer Togdheer u soo jeediyey inay doorkooda ka qaataan dib-u-dhiska Madaarka Burco, si meesha looga saaro cabashooyinka dadweynaha reer Burco ka muujiyaan madaar la’aanta magaaladooda muddada dheer ka jirtay.
Qaar ka mid ah xubnaha guddiga cusub, ayaa iyaguna ballanqaaday inay ku dedaali doonaan sidii Madaarka Burco loo dhisi lahaa, isla markaana ka soo bixi doonaan masuuliyadda la saaray.
Xukuumadda Somaliland ayaa beryahan dambe ku hawlanayd qorsheyaal ku wajahan sidii dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaadhan loogu samayn lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco, xarunta Gobolka Togdheer.




Recent Comments