Quraanka iyo Sunnah
Quraanka iyo Sunnaha
Bisha Ramadaan waa bil barako badan,waa bil Quraan oo akhriska Quraanka iyo ku fekeridda Aayadaha Alle iyo ku cibra qaadashadoodu waa daruuri,waxa aaynu ku jirnaa tobankii u dambeeyey guntiga ha loo wada giijisto cibaadada.
Quraanku waa qawlkii Illaahay oo Alle ku soo dejiyey Nebigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Nebi Muxamad.
Quraanku wuxu koobsanayaa dhamaan caqiidada iyo iimaanka iyo qaanuunka iyo xeerka Alle u dejiyey Insaanka,ee Axkaam iyo Sharci leh sidoo kale nidaamka macaamilada iyo xidhiidhka ee loo wada dhaqmayo,waxa Quraanka Alle inoogu sheegay wacdi iyo waciidba oo digis iyo bushaaroba leh,waxa kale oo Quraanku inoo sheegay Qisas ah dhacdooyin dhab ah oo cibro iyo wax ku qaadasho leh,iyadoo uu Quraanku inooga warramay Qowmamkii innaga horreeyey iyo siday u noolaayeen iyo halaagyadii ku dhacay iyo sababtay ku kasbadeen halaaggaas.
Quraanku wuxu inoo sheegay Aayaad kowniya ah oo ka hadlaya kownkan iyo abuurkiisa iyo sida ay u tahay in lagu fekero oo awoodda Alle lagu xasuusto.
Quraanku waa qawlkii Alle oo qof aan daahir ahayn looma oggola in uu taabto:
إنّه لقرءان الكريم في كتاب مكنون لا يمسّه إلا المطهّرون تنزيل من ربّ العالمين(الواقعة)
Aayadda:waa Quraan kariim ah oo ku xafidan kitaab oo aanu taaban karin mid aan daahir ahayni,waxa uu ka soo degey xagga Rabbiga caalamiinta.
Sidoo kale Quraanka waxba lagama sarraysiin karo waayo waa qawlkii Alle,waxana Quraanku ka kooban yahay:114 Suuradood iyo 6236 Aayadood waana 30 jis.
Waxa aad Quraanka ka helaysaa hanuun iyo in aad kala soo baxdo dariiqa iyo wejiga saxa ah ee nolosha,oo waxa uu ku siinayaa bushaarooyinka ah abaalgudkaaga haddaad wanaag samayso:
إنّ هذا القرآن يهدي للّتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الّذين يعملون الصّالحات أنّ لهم أجراً كبيراً(الإسراء)
Aayadda:Quraanku waxa uu kugu hanuuninayaa sida iyo dariiqa saxa ah,waxana uu u bushaaraynayaa Muuminiinta samaysa camalka wanaagsan oo ugu bushaareynayaa in ay leeyihihiiin oo helayaan ajar weyn oo ah abaalgud fiican.
Ujeeddooyinka Alle Quraanka u soo dejiyey waxa ka mid ah si uu ugu kala caddeeyo dadka waxa ay isku khilaafsan yihiin,oo ugu hanuuniyo waddada iyo jidka toosan:
وما أنزلنا عليك الكتاب إلا لتبيّن لهم الّذي اختلفوا فيه وهدىً ورحمة لّقوم يؤمنون(النّحل)
Aayadda:kuuguma Aannu soo dejin Kitaabka(Quraanka) wax kale oo aan ahayn in aad u caddayso waxa ay isku khilaafsan yihiin,waxana Quraanka ugu sugan hanuun iyo raxmad ciddii Alle iyo Nebigiisa rumaysay ee Muuminiinta ah.
Quraanku waxa uu ka sugnaaday xagga Eebbe,waa Manhaj dhamaystiran oo koobsanaya dhamaan qaybaha kala geddisan ee nolosha iyo baahiyeheeda oo dhan, waxa qof walba la siiyey xorriyad buuxda Quraankaas in uu u hoggaansamo oo waxa uu dhigayo la yimaaddo oo adeeco iyo in uu diido oo doorto in uu hawadiisa raaco, taas oo ku dhamaanaysa abaalmarin hadba qofka doorashadiisa ah,iyo sida uu ku saleeyey in uu Quraanka raacay iyo in kale,oo kii Quraanka u hoggaansama waxa loogu abaalgudayaa wanaag iyo Janno,kii diidana waxa uu helayaa ciqaab iyo Cadaab:
وأن أتلوا القرءان فمن اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فقل إنّما أنا من المنذرين(النمل)
Aayadda:(Nebi Allow)u akhri Quraanka kii hadooba ee hanuunaa naftiisa ayuu hanuuniyey,kii baadiyoobana(isagay jirtaa),waxa aad ku tidhaahdaa:anigu waxa aan ahay mid ka mid ah kuwa digaya,oo waan digayaa keliya.
Quraanku,waxa uu ku soo degey,oo Alle u doortay,Afka carabiga:
كتابٌ فصلت ءاياته قرءانًا عربيًّا لقوم يعلمون(فصلت)
Aayadda:Kitaab weeye Aayadihiisu cadcad yihiin oo fasilan yihiin,oo ah Quraan carabi ah waxa uu u sugnaaday ciddii garanaysa.
Kitaaba Quraanka wax kasta waa lagu sheegay oo si fiican loo fasiray dhamaan:
ولقد صرّفنا للنّاس في هذا القرءان من كلّ مثل فأبى أكثر النّاس إلا كفورًا(الإسراء)
Aayadda:xaqiiqdii Waannu ugu sheegnay dadka Kitaabkan meselo kasta,in fara badan oo dadka ka mid ahina way diideen in ay ku kufriyaan mooyee.
Waxa Alle dadka tusaale u siinayaa Isaga oo qiimaha iyo weynida uu Quraanku leeyahay caddaynaya,haddii Quraankan lagu soo dejin lahaa Buur sida arrinku noqon lahaa:
لو أنزلنا هذا القرءان على جبلٍ لرأيته خاشعًا متصدّعًا من خشية الله وتلك الأمثال نضربها للنّاس لعلهم يتفكّرون(الحشر)
Aayadda:haddii Aannu Quraankan ku soo dejin lahayn Buur waxa aad arki lahayd iyada oo khushuucsan,oo la madax wareersan cabsida Alle,oo arrinkaasi waxa uu u yahay tusaale dadka waxa la arkaa in ay fekeraane.
Quraanka dadka gaalada ah ee diiday in ay rumeeyaan waxa ay qaarkood ku andacoodeen in uu gabay yahay,dabadeed Ilaahay Aayada badan ayuu dadka ugu caddeeyey in qawlkii Alle uu yahay oo aaanu gabay iyo hadal kale midna ahayn:
وما علّناه الشعر وما ينبغي له إن هو إلا ذكر وقرءانٌ مبين(يس)
Aayadda:ma Aannu barin(Rasuulka)gabay umana qalmo arrinkaa wax kale ma ahee waa Digri iyo Quraan cad.
Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegay in Rasuulku waxyi ku soo degey keliya uu soo gudbinayo ee aanay ahayn waxa uu isagu jeclaado:
وما ينطق عن الهوى إن هو إلا وحيّ يوحى(النجم)
Aayadda:kuma dhawaaqo oo ma yidhaahdo hawadiisa ee waa waxyi loo waxyoodey.
Waxa laga dalbay kuwii diiday Quraanka in ay keenaan isaga oo kale ama Aayad keliya oo Quraanka oo kale ah,oo weliba la yidhi is wada kaashaada:
قل لَئنِ ِٱجتَمَعَتِ ٱلإنسُ وٱلجِنُّ علىٰۤ أَن يَأتُواْ بِمِثل ِهٰذا ٱلقُرءانِِ لا يَأتُونَ بِمِثلِهِ ولو كان بعضهم لبعض ظهيرًا (ٱلإسراء)
Aayadda:waxa aad tidhaahdaa(Nebi Allow) haddii ay isu tagaan Insiga iyo Jinku si ay u keenaan Quraankan oo kale ma keeni karaan,xataa badhba badhka kale ha taageersadee.
Waxa laga dalbayaa haddii shaki kaga jiro Quraanka bal in ay Suurad keliya oo Quraanka oo kale ah keenaan:
وإن كنتم في ريب ممّا نزلنا على عبدنا فاتوا بسورة من مثله(البقرة)
Aayadda:haddii aad ka shakisan tihiin waxa Aannu ku soo dejinney Addoonkayaga, la kaalaya oo keena Suurad la mid ah Suuradaha Quraanka.
Qofka ugu khayrka badan dadka Muslimiinta ah waa ka ama dhigaya Quraanka ee dadka baraya ama dhiganaya,oo Quraanku waa nuur oo waa qawlkii Alle oo wax lala simo aanay jirin:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"خيركم من تعلم القرءان وعلّمه".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: ka idiinku khayr badani waa ka Quraanka dhiganaya ee dhigta ka dibna sii dhiga ee dadka bara.
Quraanku waxa uu ku ilaashan yahay oo ku xafidan yahay Awoodda Ilaahay,oo siyaabo badan ayaa Alle ku xifdiyey,waxa ka mid ah in dad fara badan oo Muslin ah oo Adduunka meelo kala geddisan ka joogaa ay Quraanka dusha ka xifdisan yihiin,oo uu laabohooda ku xifdisan yahay oo ku ilaashan yahay:
إنّا نحن نزلنا الدّكر وإنّا له لحافظون(الحجر)
Aayadda:Annaga ayaa soo dejinnay Digriga(Quraanka),oo Annaga ayaa xifdiyayna
oo ilaalinayna.
Qofka xifdisan Quraanka ee sida la rabo ugu dhaqma oo dabbaqaa waa qaali,oo naartu ma taabato qof Quraanka xifdisan,haddii isaga iyo Kitaabka la is barbar dhigo waxa imanaysa 30kii jus ee Quraanka oo Kitaabkii ku qoran,sidoo kale qofkii laabtiisa ku xifdisan,waxa soo hadhay warqadihii iyo shakhsigii Bini'Aadmiga ahaa,haddii la isu miisaamo waxa qiimo badanaya Insaanka oo Alle ka faddilay Makhluuqaadka oo dhan,halkaa waxa kaaga soo baxaya in qofka Quraanka xifdisan ee ku dhaqma oo dhabbaqa,uu ka qiimo badan yahay Kitaabkii oo isagii ayaa kitaab soconaya noqday, waxana mar kasta u shardi ah in uu ku dhaqmo oo dabbaqo oo aanu noqon dameer malab la saaray!.
Xifdiga Quraanku waa hawl yar yahay oo waxa keliya oo uu u baahan yahay dadaal iyo niyadda oo loo keeno oo loo diyaar garoobo,Allena wuu kugu taageerayaa in aad ku guulaysato,adiguna ku dadaal oo carruurta aad dhasho iyo kuwa aad talada ku leedahayba isku day in ay Quraanka xifdiyaan,waayo carruurtu way ka hor xifdiyi og yihiin qofka weyn in kastoo Alle ka dhigay sahal oo u fududeeyey Quraanka dadka:
ولقد يسرنا القرءان للذكر فهل من مذكر(القمر)
Aayadda:xaqiiqdii Waannu u shalnay Quraanka digri ahaan iyo waano qaadashoba, ee ma jirtaa cid waano qaadanaysaa.
Sunnuhu waa waxa Rasuulka ka sugnaaday ama Qowl ama ficil uu sameeyey,ama wax isagoo arkaya cid kale samaysay oo uu ama aqbalay ama ka aamusay,oo aanu diidin ama reebin,Sunnaha Rusuulka ama Axaadiistu waa sheyga labaad,ee loo noqonayo marka Quraanku yahay ka kowaad ee lagu sargoynayo waxkasta oo la qabanayo,Sunnuhu wuxu sharxaa Quraanka oo fahankiisa iyo fasiriddiisa caddeeyaa:
وأنزلنا إليك الذكر لتبين للنّاس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون(النحل)
Aayadda:waxa Aannu kugu soo dejinnay Digriga(Quraanka),si aad dadka ugu caddayso waxa Aannu u soo dejinnay waxa la arkaa in ay fekeraane.
Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu calayhi,waxa uu dadka u fasiray Quraanka, oo dariiqii ayaa Asxaabtuna mareen,waxa ay u sii gudbiyeen Taabiciyiintii ilaa iyo Taabicitaabici ay ka gaadhey,sidaas ayay silsilaadaas innagu soo gaadhey,waana in aad u lahaataa Sheekh oo aad ka qaadataa dariiqada tafsiirka Quraanka,waayo waxa jira wax la yidhaahdo Laqmo ama Laqmayn oo ah sida iyo qaabka loo fasirayo,ee loogu dooranayo kelmedo ku habboon macnaha guud ee Aayadda,oo ma aha qof afka carabiga keliya yaqaannaa in uu Quraanka luqad ahaan u fasiro,"Alcilmu bitacalum".
Marka Quraanka la fasirayo waxa lagu fasiraa dariiqa ugu mudun oo ah Quraan lagu fasirayo Quraan,oo Aayad ayaa Aayad kale lagu fasiraa taasi oo inta badan asbaabu nusuulkii iyo sababihii Aayaddu u soo degtey ay tafsiiridda qaybta ugu muhiimsan ka galaan,waxa iyana qaybtooda ka qaata Axaadiista iyo Sunnaha Rasuulka,oo lagu fasiro Quraanka Sunnihii oo waxa jira meelo badan oo Aayadduhu si guud uga hadleen oo si guud u soo qaateen ayay Sunnadu balballaadhisaa oo fasirtaa sida: Salaadda,Sowmka,Sakada,Xajka…iwm,Sunnaha ayaa caddeeyey oo faahfaahiyey arkaantooda iyo waajibkooda,mustaxabkooda,iyo waxyaalaha makruuhaadkooda ahba,iyo hay'adohooda,waqtiyadooda,qaddarradooda,iyo nisaabka sida sakada inta ka go'aysa sheyga…iwm,waxa caddeeyey oo fasiraad ka bixisay Sunnada.
Waxa Rasuulka Alle,sallallaahu calayhi wasalam dadka Muslimiinta ah kula sii dardaarmay,in ay adkaystaan oo si fiican u qabsadaan Quraanka iyo Sunnaha:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"تركت فيكم ما إن تمسكتم لن تضلّوا بعدي أبدًا كتاب الله وسنّتي"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: waxa aan idiinka tegey wax haddii aad qabsataan aydinaan lumayn aniga gadaashay, waa Kitaabka Alle iyo Sunnadayda.
Isku day in aad Quraanka xifdido uguna dadaal carruurta yaryar in aanay fursad dhaafin inta ay u fududahay ee ay yaryar yihiin,waxanad joogteyn kartaa akhriska Quraanka,adiga oo isku deyaya in bishiiba aad mar dhamayso ugu yaaraan,waxa sidoo kale aad joogtaysataa in aad akhrisato Aayatul kursida,markaad seexanayso iyo marka aad soo kacdoba,Qulhuwallaha iyo Qulaacuuddadana sidoo kale,labada Aayadood ee Albaqra ku dhamaatona habeen kasta akhriso,Jimce kasta isku day in aad joogtayso akhriska Suuratul Kahaf,waxay qofka akhriya u noqotaa nuur ilaa inta labadaa jimce u dhexaysa,Alle taageerso oo itaalkaaga dadaal Quraankana wehesho.
Qorshahaan fulinayiyo
Qaraarkaan ku kacayoba
Quraanka iyo sunnahaan
Qiil uga dayaa'oo
Qaabkaa u raacshaa
Qowlkii Ilaahay
Aayadaha Quraanka ah
Qumanow Rasuulkii
Qowlkiisa Sunnaha ah
Qiyaas weeye noloshoo
Qurub iyo waxaa weyn
Qummaati bay u sheegeen
Quluubtii Islaamkee
Qushuucu uu u dhaadhacay
Qodob bay u raacaan
Qaadaadhigoodoo
Qabashadooda hawlaha
Qaabaynta hindisaha
Qasdi uga sameeyaan
Qaadir bay ka tuugaan
Qayrka inuu ku sugo oo
Qiyaamaha u hiiliyo
Qaadaha dhiigga wada iyo
Qulqulkaa dareenkuu
Quraanku iigu xidhanyoo
Qadoodigiis ma karayoo
Quudka ruuxda weeyee
Qaybtii ugu horreysaa
Qaaruxiraa ku soo degey
Qaybihiisa kale laba
Qaarna Makay ahaayeen
Qaybta kale Madiina'e
Qarad iyo ujeedduu
Qaatay sabab nusuulku'e
Qeexidda iyo fasirkaa
Qormo looga yeelaa
Qaabkuu u soo degey
Qiso iyo dhacdooyinka
Qaadashada cibrada ee
Qaridhayso Aayaddu
Qaanunkiyo xeerkiyo
Qaabaaynta dhaqankiyo
Qodobada awooddiyo
Qudradda Eebbe sheegaya
Quudka iyo Irsaaqadda
Qiyaas Eebbe u dhigee
Qiyaamaha sifayntii
Qeex baa la siiyee
Qaaddi adigaa isu ahoo
Qalad iyo sax ku yahay
Qaad waa xorriyadaadee
Quruskaaga waad heli
Qiyaamaha maalintiisee
Quraanku hooy rafiiqiyo
Qalbigaa ha kuu dego
Qaad wadada tii saxa
Quus sii Ibliiskana
Qolka yaanu kugu xidhin
Qoomamadu ka buuxdoo
Qaxar iyo dhibaatiyo
Qaylo aan wax qabanayn
Qorshe been la mariyiyo
Qurux yuu ku seejinin
Qaadirkaa ku tiirsoo
Quraankana rafiiqsoo
Qaad waddada tii xaq ah
Qaad waddada tii sax ah
Qaad waddada tii dhab ah.
Alle ha inoo fududeeyo in aynu xifdino Kitaabkiisa oo ugu dhaqanno sida uu ina amaray,oo Quraanku inoo noqdo nuur If iyo Aakhiroba.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w
The Quran and the Sunnah
In the Holy Month of Ramadan we try to recite the Quran,and to try to finish at least one and two or tree times,and we should read and recite with careful and thinking it's meaning,so we should practice all good deeds in the Ramadan.
The Quran is the words of Allah He has ordered to His Messenger as a revalation,and the Quran contains all about the faith and the ideology and about the law and that certain sytem Allah has set to this Universe and way which people use in their life and how they relate and communicate,in the Quran we can get every bit of this life and it's needs and what all around it,there is a glad tidings and as well there is a warning from the punishment and the bad ends such casting down to the Hellfire,in this Quran we can get many verses telling us about this Universe and how it is build and how we should think about and understand the power of the Allah and His excellancy and His suprime power and to think about this World and it's existence,and there are verses which telling us a history of the ancient nations and how they used to live and how they treated with their Messengers who sent to them,what reward they gained,as well there is a stories about the Messengers of Allah,and in the Quran we can get every thing where it is not left any but it told and give enough explanation.
The Quran is the words of Allah and it's not allowed to person who is not pure to touch it,till he get pure and clean:
إنّه لقرءان الكريم في كتاب مكنون لا يمسّه إلا المطهّرون تنزيل من ربّ العالمين(الواقعة)
Verse in Alwaqia(77-80):This is,indeed,a noble Qur'an,In a well-preserved Book. Which none shall touch except those who are purified.It is a revelation from the Lord of the worlds.
Always you never put on the Quran something over it,that is to be upper of the things because it's the Allah's words.
The Quran contains in 114 chapters and 6236 verses and it is 30 parts.
You will get from Quran guidance and goodness and you will extract from the Quran the best way of life and how you manage your affairs all,and through it you will enlight knowing and understanding why you here for,and what is needed from you,so this Quran will guide you into the right path:
إنّ هذا القرآن يهدي للّتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الّذين يعملون الصّالحات أنّ لهم أجراً كبيراً(الإسراء)
Verse in Al-esra(9):Surely, this Qur'an guides to what is most right; and gives to the believers who do good deeds the glad tidings that they shall have a great reward;
There many reason and aims by that why this Quran has been revealed such to clear and make widely understand what may people differ and to guide them all to the right path:
وما أنزلنا عليك الكتاب إلا لتبيّن لهم الّذي اختلفوا فيه وهدىً ورحمة لّقوم يؤمنون(النّحل)
Verse in Annahal(64):And WE have not sent down to thee the Book except that thou mayest explain to them that concerning which they have created differences and as a guidance,and a mercy for a people who believe.
The Quran is from Allah and it contains a system and the full curriculum of these people,there is every thing in their needs and it is given to all a full freedom to accept and obey this message or refuse it then at the end every one will get his reward towards what he has done and according to his choice,those who chase after their desires and those who guide themselves to the faith and the right path,every one will get his reward,where who follow their desires will get a severe punishment instead those who guided to the right path will get glad tidings of the Pradise:
وأن أتلوا القرءان فمن اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فقل إنّما أنا من المنذرين(النمل)
Verse in Annamli(92):`And to recite the Qur'an.So whoever follows guidance follows it only for the good of his own soul;and as to him who goes astray,say,`I am only a Warner.'
The Quran is revealed by Arabic Language,and by Allah wisdom is the choice among the Languages in the World:
كتابٌ فصلت ءاياته قرءانًا عربيًّا لقوم يعلمون(فصلت)
Verse in Foselat(3):A Book,the verses of which have been expounded in detail and which will be repeatedly read,couched in clear,eloquent language,for a people who have knowledge,
Every thing is told in the Quran,and Quran didn't miss any except to give an explanation and knowledge about it:
ولقد صرّفنا للنّاس في هذا القرءان من كلّ مثل فأبى أكثر النّاس إلا كفورًا(الإسراء)
Verse in Al-esra(89):And surely We have set forth for mankind in various ways all kinds of similitudes in this Qur'an, but most men would reject everything in respect of it but disbelief.
Allah the highiest gave us an example about how this Quran is great and important that if it has been revealed on a mountain you would see it in fear and in a humble state and rent asunder for fear:
لو أنزلنا هذا القرءان على جبلٍ لرأيته خاشعًا متصدّعًا من خشية الله وتلك الأمثال نضربها للنّاس لعلهم يتفكّرون(الحشر)
Verse in Al-hashri(21):If WE had sent down this Qur'an on a mountain,thou wouldst, certainly,have seen it humbled and rent asunder for fear of ALLAH.And these are similitudes that WE set forth for mankind that they may reflect.
This Quran is the words of Allah and it is not possible to anyone to bring like it,even a verse like it and it is not a poem or what else may unbelievers say:
وما علّناه الشعر وما ينبغي له إن هو إلا ذكر وقرءانٌ مبين(يس)
Verse in Yousuf(69):And WE have not taught him poetry,nor does it behove him to be a poet.It is but a reminder and a Qur'an that expounds and makes things plain.
The Quran is the words of the Allah and it is a revalation on to His Messenger may peace and bless of Allah be upon him:
وما ينطق عن الهوى إن هو إلا وحيّ يوحى(النجم)
Verse in An-najmi(3-4):Nor does he speak out of his own desire.It is nothing but pure revelation revealed by God.
Those who refused to accept the Quran and became unbelievers are asked to bring such like this Quran they are refusing but they can't even they support each other:
قل لَئنِ ِٱجتَمَعَتِ ٱلإنسُ وٱلجِنُّ علىٰۤ أَن يَأتُواْ بِمِثل ِهٰذا ٱلقُرءانِِ لا يَأتُونَ بِمِثلِهِ ولو كان بعضهم لبعض ظهيرًا (ٱلإسراء)
Verse in Al-esra(88):Say, `If men and jinn should gather together to produce the like of this Qur'an, they could not produce the like thereof, even though they should help one another.'
It is asked and requested from unbeliever if they show any doubt about the Quran to bring only one chapter like it,but it is not possible for them to bring because this is from Allah and it is His words and no one else can't bring a verse like it:
وإن كنتم في ريب ممّا نزلنا على عبدنا فاتوا بسورة من مثله(البقرة)
Verse in Albaqara(23):And if you are in doubt as to what WE have sent down to OUR servant,then produce a chapter like it.
The best person among believers is the one who learn and then teach the Quran:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"خيركم من تعلم القرءان وعلّمه".
Hadith:Messenger of ALLAH may peace and bless be upon him said:The best one of you is who study Quran and teaches to others.
Allah glory to Him is guarded this Quran and He will guard His revelation,in spite of the cavils of the Unbelievers no word can be changed from it,and there are lot in number among the believers who got it by head and this Quran is kept in their hearts:
إنّا نحن نزلنا الدّكر وإنّا له لحافظون(الحجر)
Verse in Al-hijri( 9):Verily,it is WE Who have sent down this Exhortation,and most surely WE are its Guardians.
The person who got the 30 parts of the Quran by head is preferred and from the Book of which Quran is written on it,where both are holding the whole verses of the Quran, then their comparison will be the person himself as a human being and the pages of the Book which is made from trees,so the men is higher from all and who got the Quran by his head is very pereferable than all,and has his respect and high dignity, there who having to get this Quran by head should know it's meaning and understand it well,otherwise he will like an ass carrying a honey,he must learn it well.
Getting head by whole Quran is easy it only needs to give a hard work,and try best and put schedule for it which you follow it perfectly till you succeed to finish it.
Allah made all about getting the Quran by head and it's knowledge easy and understandable for whom try to learn and give his time to learn and to get it by head:
ولقد يسرنا القرءان للذكر فهل من مذكر(القمر)
Verse in Alqamar(32):And,indeed,WE have made the Qur'an easy to remember.But is there anyone who will take heed ?
The Sunnah of the Prophet is what we got from our Messenger wether it's a words or an action he has done during his lifetime,and about what he saw and passed with other's action and what he said about it or he if he passed it with silence as positive acceptance,all these are called Sunnah.
The Sunnah is the expalanation of the Quran and closing and making clear by it's understanding:
وأنزلنا إليك الذكر لتبين للنّاس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون(النحل)
Verse in Annahal(44):And WE have sent down to thee the Reminder that thou mayest explain to mankind that which has been sent down to them,and that they may reflect.
Our Prophet may peace and bless upon him has explained the Quran to the people, and made them understand it's meaning and what message it carrying,then his Companions follow a same way for explaining the Quran,and from the Companion the Tabi'in followers took a same way for explaining such these chain of generation after generation has been transferred this way of explaining and translating the verses of the Quran,and every one who want to learn explaing of the Quran must take from a certain Sheikh a scholar who know this knowledge well,every knowledge should be asked by it's experts it is not attempts and someone who knows forexample Arabic Language can't explain Quran as lingual understanding but he should take from the experts of explaining(Tafsir)knowledge.
When we explaining the Quran the best way for it is to explain Quran by Quran that means to get verse which has same meaning or giving more explanation about the same topic,and then the second way is to explain the Quran by Sunnah where there are verses which gives whole meaning of the things and need to understand deeply what exactly it mean by it's inner explanation such about the Prayers,Fasting,Zakat, Hajj the Pilgrimage…itc.these and others need to classify it's parts and what is it's duties and it's pillars and it's preferable way,and what is hated in it,and all about these things is explained clearly by the Sunnah.
The Messenger of allah may peace and bless of the Allah be upon him told and adviced to the people to hold tight by the Quran and Sunnah and understand it well:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"تركت فيكم ما إن تمسكتم لن تضلّوا بعدي أبدًا كتاب الله وسنّتي"
Hadith:The Messenger of Allah may peace and bless be upon him said:I left for you what if you hold tight you will not get astray after me at all it is the Book of Allah(Quran) and my way the Sunnah.
Try your best to get the Quran by head it's easy to succeed and also try hard to make your children not to miss the chance of getting the Quran by head during their first ages of the childhood,where is more easy to gather more information in the time of childhood,try to make the Quran with your real friend you share with it most of your time,and practice it's reading in most of your time,at least you should finish the whole Quran once in every month,if you do more than that is your favour and it is a scales you put high in your deeds,there are a certain verses you should recite every time mostly when you want to go the bed and when you wake up it is Ayat alkursi,and ma'udatayn,and al-iskhlas and in every Friday try to recite surat alkahaf where it is a light between the what is between the that two Fridays,so we are here in this World to work and gain a marks and make our scales high so try hard to work,only in this World we have chance to work if we leave and make our travel to the Hereafter there is no work there is only rewards toward what you earned and you done in this World.
Qorshahaan fulinayiyo
Qaraarkaan ku kacayoba
Quraanka iyo sunnahaan
Qiil uga dayaa'oo
Qaabkaa u raacshaa
Qowlkii Illaahay
Aayadaha Quraanka ah
Qumanow Rasuulkii
Qowlkiisa Sunnaha ah
Qiyaas weeye noloshoo
Qurub iyo waxaa weyn
Qummaati bay u sheegeen
Quluubtii Islaamkee
Qushuucu uu u dhaadhacay
Qodob bay u raacaan
Qaadaadhigoodoo
Qabashadooda hawlaha
Qaabaynta hindisaha
Qasdi uga sameeyaan
Qaadir bay ka tuugaan
Qayrka inuu ku sugo oo
Qiyaamaha u hiiliyo
Qaadaha dhiigga wada iyo
Qulqulkaa dareenkuu
Quraanku iigu xidhanyoo
Qadoodigiis ma karayoo
Quudka ruuxda weeyee
Qaybtii ugu horreysaa
Qaaruxiraa ku soo degey
Qaybihiisa kale laba
Qaarna Makay ahaayeen
Qaybta kale Madiina'e
Qarad iyo ujeedduu
Qaatay sabab nusuulku'e
Qeexidda iyo fasirkaa
Qormo looga yeelaa
Qaabkuu u soo degey
Qiso iyo dhacdooyinka
Qaadashada cibrada ee
Qaridhayso Aayaddu
Qaanunkiyo xeerkiyo
Qaabaaynta dhaqankiyo
Qodobada awooddiyo
Qudradda Eebbe sheegaya
Quudka iyo Irsaaqadda
Qiyaas Eebbe u dhigee
Qiyaamaha sifayntii
Qeex baa la siiyee
Qaaddi adigaa isu ahoo
Qalad iyo sax ku yahay
Qaad waa xorriyadaadee
Quruskaaga waad heli
Qiyaamaha maalintiisee
Quraanku hooy rafiiqiyo
Qalbigaa ha kuu dego
Qaad wadada tii saxa
Quus sii Ibliiskana
Qolka yaanu kugu xidhin
Qoomamadu ka buuxdoo
Qaxar iyo dhibaatiyo
Qaylo aan wax qabanayn
Qorshe been la mariyiyo
Qurux yuu ku seejinin
Qaadirkaa ku tiirsoo
Quraankana rafiiqsoo
Qaad waddada tii xaq ah
Qaad waddada tii sax ah
Qaad waddada tii dhab ah.
We our Almighty Allah to make us easy for getting the Quran by head and to practice it as He please it,and we ask Allah that we get Quran as a light for us in the World and in the Hereafter.
Saeed Ibrhim Hussein
As/w/w




Recent Comments