telesom
logo
logo
logo
|

Madaxdhaqameedyo, Xildhibaano iyo Guddida Dan iyo Duco oo Qaadacay Go’aan Salaadinta Subeer Awal ka Soo Saartay murankii Warshada Sibidhka Berbera

JAMHUURIYADA SOMALILAND

WAR-SAXAAFADEED

Ref. js/ws/001/07/2012                                                                       Tar: 30/07/2012

UJ:  JAWAAB CELIN

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 30/07/2012 kulan isugu yimi xubno ka tirsan Salaadiinta,  xubno ka mid ah golayaasha qaranka (Wakiilada, Guurtida iyo Deegaanka), Guddida Dan iyo Duco, Cuqaasha iyo aqoonyahanda   beesha reer saaxil,  si ay uga jawaab war saxaafadeed kusoo baxay warbaahinta kala duwan, kaas oo lagaga been abuurayay xaalada wershada sibidhka Berbera laguna sheegay in sulaadiin matalaya beesha SUBEER AWAL  ay  go’aan ka gaadheen  hirgelinta wershadaas, taas oo meel ka dhac ku ah nidaamka dawladnimo iyo shuruucda wadankeena u taal.

 

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa:-

 

    In aanay jirin Salaadiin loo xil saaray xal-u-helida  arinta wershada sibidhka, mana jirto wax kalsooni ah oo cidi ku siisay hawshaas, anaga waxaa noogu war dambaysay warshada sibidhka iyadoo ay guddida beesha ee  Dan iyo Duco Ku wareejisay Madaxweynaha JSL si uu go,aan xukuumadeed uga gaadho .

 

    Kama war qabno mana ogin goorta uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Max’d Max’ud(Silanyo) uu taladii iyo go’aankii warshada sibidhka ku wareejiyay Salaadiinta SUBEER AWAL, warkaas ay Salaadintu sheegeena waa mid aan sal iyo raad toona lahayn.

 

    Sida dastuurka JSL dhigayo waxaa hantida qaranka iyo khayraadka dalkaba umada waxa wakiil uga ah  dawlada, distoorka qaranka iyo dawladnimadeena waxaanu u horseedi karaa bur bur iyo sharciyad la’aan.

 

    Waxaanu cambaaraynaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay warsaxafadeedkaa  aan salka iyo raadka toona lahyn, umadana fidnada iyo khalkhalka ka dhex abuuraya, inagoo ku jirna bisha barakaysan ee ramadaan.

 

    Waxa nasiib daro ah aadna aanu uga xunahay in Suldaankii Guud ee Beesha Subeer Awal Suldan Xasan Suldan C/lahi Suldan C/raxman iyo Suldan Cisman Suldan Cali Kooshin oo ay beeshu aad ugu hanwaynayd, qadarin badna aanu u haynay labadaa Suldaan oo ahaa kuwa hogaaminayay war-saxaafadeedkan marin habawsan ee ay fidmada badani ku gedaaman tahay.

 

    Waxaanu Xukuumada JSL ugu baaqaynaa inay talaabo sharci ah ka qaado cid kasta oo qaanuunka wadanka ku xadgudubta , kana ilaaliso Madax-dhaqameedyada beelaha Somaliland wax ka baxsan shaqadooda, hadii kale waxa berina dhici  karta inay Madaxdhaqameedyo isku wada beel ah soo saaraan go’aan ku lidi ah gooni isku taaga Somaliland.

 

     Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanan kasoo hor jeedin cid kasta (ajanabi iyo muwaadinba) oo maalgashanaysa guud ahaan gobolka saaxil si waafaqsan shuruucda dalka u taala aan deegaankana dhib ku ahayn,  talo ahaan waxaanu ku soo jeedinaynaa in sidii horeba xukuumadu Jamhuuriyada Somaliland  ugu talisay in la isugu tago hal (1) wershad sibidh  oo Ganacsatada Somaliland u dhantahay cidna aan gaar u ahayn si cadaaladana loo wada gaadhsiiyo, Anaga oo ka soo horjeedna in cid gaara loo xidho  buuraha sibidhka Berbera shakhsiyaad iyo qabiil toona.

 

    Waxaanu  ka war-qabnaa in ay gacmo shisheeye adeegsanayaan sulaadiintan warsaxafadeedka soo saaray.

 

Wabilaahi Tawfiiq

    Suldan Maxamud Suldan Axmed-Sheekh_____________
    Suldan Sharif Batun Muxumed_____________________
    Suldan Cali Saleban Maxamed_____________________
    Suldan Sayid Aw Jamac Warsame__________________
    Boqor Maxamed Axmed Yasin (Tuulo)______________
    Xil. Sicid Cilmi Rooble___________________________
    Xil. Sicid Cartan Cisman__________________________
    Xil. Maxamed Farax Qabile________________________
    Xil. Axmed Xasan Aden (Wayso-cade)_______________
    Xil. Saleban Garas_______________________________
    Xil. Dayib Xasan Boobe__________________________
    Xil. Mubarig Maxamed Carab_____________________
    Xil. Maxamud C/lahi Aden (Bidhidh)_______________
    Xil. Yusuf Cali Nuur____________________________
    Xil. Cabdi Jamac Ducale (Musbar)_________________
    Xil. Cawil Cali Sugule________________
    Xil. Jama  (gidhi-gidhi)__________________________
    Head of Chiefs Axmed Caqil Yare__________________
    Chief Caqil Jamac Caare Samatar___________________
    Caqil Yusuf Mire Ducaale_________________________
    Caqil Max’ud C/lahi Faarax________________________
    Caqil C/raxman Jama Liban(Jirise)__________________
    G/ku xigeen Max’ud X. Aden Guled________________
    Xoghaye C/Rashid Maxamed X. Yusuf______________
    Md. X. Shide X. Diriye Farax______________________
    Md. Aden Cali Yonis_____________________________
    Md. Saleban Jama Jibril (Saleban Mijir) ______________
    Md. Ibrahim X. Cabdi Cilmi _______________________
    Md. Abdi Elmi Max’ud(Cabdi Nijaar)________________
    Dr.  Idiris X. Nuur Sarmaan________________________
    Dr.  Axmed Maxamed Dirir________________________
    Md  Ibrahim Cisman______________________________
    Md.  Khadar Maxamud Gahayr______________________
    Md. Max’ud Farax Ducale__________________________
    Md. Mustafe Axmed C/lahi_________________________
    Md. Saleban Cawil(Ceerigaabo)_____________________
    Md. Xamud Xusen C/lahi__________________________
    Md. Max’ed Aw Adan Wayrax______________________
    Md. Maxamed Axmed Xusen (farare)_________________

40. Md. Max’ud Max’d Cabdale (Dayr)________

 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)