telesom
logo
logo
logo
|

Ma dhab-baa in dawladda Somaliland taageerayso sidii Sheekh Shariif mar kale loogu dooran lahaa madaxweynaha Soomaaliya?

 

Hargeysa (Togdheernews) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay caddaysay mawqifkeeda la xidhiidha warbixin fadeexado musuqmaasuq xambaarsan oo guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ka diyaariyeen madaxda sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Badhtamihii bishan July waxa bannaanka u soo baxday warbixin ay diyaariyeen guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka dalka Soomaaliya iyo Eretria, taasoo dibadda soo dhigtay fadeexado musuqmaasuq oo ay ku kaceen madaxda sare ee dawladda Soomaaliya oo uu ku jiro Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, taasoo lagu sheegay inay 70% ka mid ah dhaqaalihii caalamku ku taageeray masuuliyiintaasi lunsadeen, waxaanay warbixintaasi hadda hortaal Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si rasmi ah uga doodi doona.

Haddaba waa maxay mowqifka dawladda Somaliland ee la xidhiidha fadeexadaha musuqmaasuq ee lagu eedeeyey madaxda dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, waxa arrintaas ka jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo khadka telefoonka Jamhuuriga ugu warramay habeenkii Jimacaha, waxaannu yidhi; “Warbixintaas sida caalamku u arkay ayuun baannu u aragnay, haseyeeshee, haddana arrimahaasi waa qodobo ay tahay in dadka la eedeeyey ka garbaxaan, markaa waa eedaha musuqmaasuq ee warbixintan ku xusani waa arrin u dhexaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, markaa wax Somaliland iminka ka faalloon karto maaha.

Hase ahaatee, dhinaca kale waxaannu soo dhowaynaynaa meelo warbixintu ka tilmaamayso Somaliland oo guddida Qaramada Midoobay sheegeen in Somaliland wadashaqayn kala yeelatay xakamaynta xagga hubka, sida diyaaraddii hubka u sidday ee Somaliland qabatay. Waxa kaloo warbixintu xustay in Somaliland horumar ka samaysay xagga dawlad-wanaagga iyo la-daagalanka budhcad-badeeddaba, qodobaddaasina waa kuwo aannu uga mahadnaqayno guddida Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka.”

Geesta kale, muddada dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa loo qorsheeyey inay dhammaato 20 bisha August ee sannadkan 2012, iyadoo xilligan uu magaalada Muqdisho ka socdo shir odayaasha dhaqanku ku ansixinayaan dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, laguna soo xulayo xildhibaannada baarlamaanka oo dooran doona madaxda rasmiga ah ee dalkaas, waxana muuqda loollan xooggan oo loogu jiro tartanka madaxweynenimo ee Soomaaliya marka la gaadho 20ka bisha August ee foodda innagu soo haysa.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa mar labaad u xusulduuban sidii markale madaxweyne rasmi ah loogu dooran lahaa, waxana jira warar sheegaya in dawladda Somaliland taageersan tahay in Sheekh Shariif loo doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Haseyeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya weydiiyey waxa ka jira arrintaas, waxa uu ku jawaabay; “Dawladda Somaliland marnaba kuma dhex milmayso loollanka siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya. Ragga u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya ma jirto sabab Somaliland u kala jeceshahay oo ay qaar ama mid ka mid ah si gaar ah ugu ololaynayso, arrimahaasina waa kuwo u gaar ah Soomaaliya, waxaanuna jecelnahay inay Soomaaliya ka dhalato dawlad shacabkeedu raalli ka yahay oo soo celisa nabadda iyo kala dambaynta.”

Mar uu ka jawaabayey Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar su’aal ahayd; ‘Miyaanay sax ahayn in Somaliland gacan ka gaysato sidii baarlamaanka la soo xulayo iyo madaxweynaha la dooranayaba looga dhigo kuwo taageeri kara qaddiydada Somaliland si hadhaw loo marsado wixii faa’iido u leh qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland? Isagoo wasiirku taas ka jawaabayey waxa uu yidhi; “Annagu ka Somaliland ahaan marnaba ma doonayno in aannu wax farogelin ah ku samayno arrimaha u gaarka ah Soomaaliya iyo waxyaabaha hadda ka socda Muqdisho, wax Somaliland khuseeyana maaha, laakiin markasta waxaannu ku dedaalaynaa in aannu Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ka dhaadhicino in qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland tahay wax aan gorgortan geli karin oo loo baahan yahay in aqoonsi rasmi ah loo fidiyo.”

Marka la gaadho 20 bisha August ee sannadkan 2012 waxa la doonayaa in Soomaaliya yeelato madaxweyne iyo baarlamaan cusub, haddaba talow dalka Jamhuuriyadda Somaliland ma aqoonsan doonaa dawladda cusub ee ka dhalata Soomaaliya? Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo su’aashaas jawaab ka bixinayey waxa uu ku tiraabay;

Xigasho Jamhuuriya

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)