Ciidanka AMISOM oo Toddobaadka Dambe la soo Degaya Diyaarado Dagaal

Muqdisho (Togdheernews/W.Wararka)-Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay inay toddobaadka dambe la soo degi doonaan afar dayuuradood oo nooca qumaatiga u kaca ee loo adeegsado dagaalada iyo duqeymaha, kuwaasoo ay kula dagaalami doonaan kooxda Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan taliska Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sidoo kale labo dayaaradood oo nooca gurmadka caafimaadka loo adeegsan doono ay caawin doonaan dayuuradaha dagaalka ee ay la soo degayaan, iyadoo diyaaradahani qayb ka noqonayaan ballanqaadkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu u sameeyay hawlgalka AMISOM oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab.
Golaha Amaanka ayaa sidoo kale sannadkan 2012 horaantiisii ogolaaday in tirada ciidammada AMISOM la gaadhsiiyo illaa 18,000 askari, iyadoo ay ku soo biireen wadammada Jabuuti, Kenya iyo Siere-leone.
Sida warku sheegayo Marka ay ciidammada AMISOM helaan dayuuradahan nooca dagaalka ah oo sida la sheegay, casri ah ayaa waxaa bilaabanaya waxa ay ugu yeedheen dagaalka wajiga 2aad ee howlgalka gobolada koonfurta fog ee Soomaaliya.
Warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid diyaarado dagaal todobaadkan bilogiisa lagu arkay hawada sare ee degmada Afgooyeiyo deegaano kale oo ku yaalla gobolka shabeelaha hoose kuwaas oo inkastoo aysan duqeyn geysan haddana cabsi ku riday dadka degan deegaanadaasi iyagoo ka baqaqaba in waxyeelo ka soo gaarto.
Saraakiisha hawlgalka AMISOM ayaa intaa ku daray in dayuuradahan cusub loo adeegsan doono dagaalo ay qorsheynayaan inay ku qaadaan gobolada ay Al-shabaab maamulaan ee Jubooyinka iyo labada Shabelle oo ka duwan dagaalada Muqdisho oo ah magaalo, waana taas sababta taliska AMISOM uu ugu baahday in dagaalada uu u adeegsado dayuurado.
Horaantii sannadkii 2007-da ayaa magaalada Muqdisho waxa lagu soo riday dayuurad Helicobter ah oo ay wateen ciidammada Itoobiya ee mudadaas dalka soo galay, waxaana dayuuradaas lala helay gantaal xili ay ka qeyb qaadaneysay dagaal xooggagii, islaamiyiinta iyo ciidammada Itoobiya ku dhexmaray isgoyska Xararyaale.
Sidoo kale waxa ka sii horreeyey dhowr dayuuradood oo ciidammada Maraykanka looga soo riday magaalada Muqdisho sannadkii 1993-dii markii dagaal ay fooda isku dareen taageerayaashii marxuum Jen. Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidammadii Maraykanka ee xiligaas dalka u yimi howlgalkii loogu magac daray rajo soo celinta Soomaaliya ee gargaarka lagu gaadhsiinayey dadka faraha badan ee macaluusha u dhimanayey.
Togdheernews




Recent Comments