Yaa Ka Mas’uula TV-ga Qaranka Oo dubaalada Loogaabiyay Beryahan Danbe? Saciid Xaaji

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa qurbaha maanta ku nool,kuwaasoo yimi dhowr iyo labaatankii sano ee u danbaysay,qofwaliba siduu doono howyimaadee,hadaba sanadihii u danbeeyey waxa shacabku bilaabay in dalkii dib ugu laabto,dibna loo dhisto,iyadoo qofkastaabaa gashaday dalkii wixii uu helayay,hadaba waxaa la sheegaa in war-baahinta gaar ahaan Tv-yadu ka mid yahiin(ka qaranku weli xiligaa muu gaadhin debeda) waxyaalaha dadka dalkooda ku soo xidhay,kadib markii ay tv-yada iyo warbaahinta kale ka dheehdeen horumarka dalkii ka soconaya.
Dowladu waxay garwaaqsatay in loo baahanyahay in TV-ga qaranka lagu baahiyo debeda ,shacabka qurbajooga ah ee reer Somalilandna loogubedelo Tv-yada aan dalka laga lahayn kuwo wadanka ku abtirsada.waxaana la unkaylaamo debeda ah,hadaba waxaa bilowdy markii ugu horaysay TV ay Somaliland leedahay oo debeda ka shaqaysa ,taas oo ka hana qaaday Magaalada London ee dalkaUK.Mudo yar kadibna waxaa isna loo soo magacaabay maamul laanta waqooyigaMaraykanka,kaas oo madax looga dhigay Samiir barre Awgaab.
Hadaba laantii tv-ga ee cariga Ingiriisku way shaqaysaa inkastoo sidii ladoonayay aanay ushaqayn cabashooyin badanina kaimanayaan oo shacabku ku dhaliilaan tayada iyo tirada barnaamijyada laga soodiyaariyo oo aan sidaa u badnayn.
Samiir maaha sida uu isba sheego nin khibrad u leh shaqadan,markii uu agaasimihii hore Md faysal Sheikhmagacaabayay,waxaa la filayay inuu wax ku soo kordhiyo tvga iyo sumcadiisa iyoinuu soo daayo barnaamijyo tayo leh oo dadku ay daawadaan.waxaase shacabka reerSomaliland ee carigani aad uga cabanayaan wax qaba la’aanta shaqaalahan loo sooigmaday inay tayeeyaan barnamijyada kabaxa Tv-ga,cabashadaas oo ah mid joogto ah.
Qormadami maaha mid taabanaysa sifo shakhsi ee waa mid siqoto dheer uga hadlaysa shaqaalaha tvga guud ahaan iyo gaar ahaan laantawaqooyiga Maraykanka.
Shaqaalaha SLNTV waxaa dadku ku dhaliilayaan hagrasho oo ahruntiina mid ka muuqata haday yihiin kuwa gudaha ka shaqeeya iyo haday yihiinkuwa gudaha ka howl galaba,taas macnaheedu maaha inay wada dhaliilanyihiinlaakiin waxaa jira qaar badan oo howl kar ah shaqadoodana u daacad ah,laakiindhaliishu waxay dusha uga dhacaysaa sigaara madaxda TV-ga kuwaas oo shacabku kudhaliilayaan in Tv-yadii gaarka loolahaa dhaafeen.
Waxaanan ka xusi karnaa fashilaada ku habsatay shaqadiiTV-ga,iyadoo ay badanyihiin:
1-Xafladii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee caasimadahargaysa ka dhacay oo TV-ga qaranku awoodi waayay inuu soo tebiyo,halka Tv-yokale oo ka dhaqaale yari ay u suurto gashay inay soo daayaan xafladaas.
2-Shirkii London ee loo qabtay wadamada Somaliland iyo Somalia,kaas oo ahaa warkiiugu farxada badnaa reer Somaliland ay maqlaan tan iyo markii Somaliland dib uxorowday ,waayo waxay ahayd markii ugu horaysay ee aduunku u aqoonsado wixiilaysku odhanjiray Somalia inay yihiin laba dhinac oo siman,shirkaa sidaynuognahay Tv-ga qaranku wuu ku fashilmay inuu shacabka toos ugu soo tebiyo.
3-Xafladii 18May ee lagu maamuusayay madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland ,taas oo lagu qabtaymagaalada Virginia,taana inkastoo Samiir joogay,islamarkaana ay sedexkamaradood oo Tv-gu leeyahay yaaleen madasha,hadana muu awoodin inuu toos u sootebiyo,markii danbena muu soo dayn iyadoo duuban,markii la waydiiyayna wuxuueeda saaray madaxdii ka saraysay ee hargaysa joogtay,laakiin inuu khaladkalahaa waxaa kuu cadaynaya markii uu qirtay in cajaladihii oo aan waxba laguduubin ay kamaradaha iskaga jireen oo markiidanbe loogu yimi.
Wuu ku mahadsanyahaySafiirka Somaliland iyo intii kala qayb qaadatayba,qaabkii quruxda badnaa eexafladu u dhacday.
Agaasime Samiir waxaa ka soo shaac baxay intii uu jagadan kumagacaabnaa khaladaad iyo gol-dalooloyin badan oo ay ka mid yihiin:-
-Isagoo aqbalay shaqadan isla markaana yidhi waan ka adkahayisagoo haba yaraatee aan wax aqoona u lahayn,taas oo uu isaga laftiisuba meelkasta ka sheego.
-Isaga oo aan ku noolayn magaalada Minnesota oo ah xaruntaSomalidu ku badantahay ,meeshaas oo ay u fududahay ruuxa weriyaha ah inuu duubobarnaamijkasta oo uu doono.
-Iyadoo shaqada uu ka shaqeeyaa(Taxi) u baahantahay inuujoogo mudo 12 saacadood ah maalin kasta.
-Isagoo ka baaqday ilaa maalintii la magacaabay inuu waxbarnaamij ah oo tayo leh u diro Hargaysa iyo xarunta.
-guuldaradii xafladii Virginia ee 18 May uu shacabka u sootebin kari waayay.
-Isagoo ka dhigay qalabkii TV-ga qaranka wax uu isaguleeyahay oo uu xitaa shaqaalihii kale u diiday inay barnaamijyo ku diyaariyaan.
-Isagoo ka dhigay Studio-gii iyo qalabkiiba mid uu garabkaku sito.
Waxaa intaa ka daran musuqmaasuqa uu samaynayo ee uu kudhacayo hantidii dowlada iyo tii shacabkaba,Samiir wuxuu bilaabay wax yar uunka dib markii la magacaabay inuu heshiisla galo qolooyin caraba si ay receiver ugu progaramgareeyaan,si looga daawan karo SLNTV iyadoo aan dowlada Somalilandwaxba kala socon,marka laga reebo ashkhaas Tvga ka shaqeeya.
Qoladii receiverka wax ku shubaysay waxay awooday oo keliya inay ku shubaan SLNTV ,kaas oo aan weliba ahayn nadiif.kadibwaxay dadkii reer Somaliland ka iibiyeen receiver-kii ,kaas oo ay kiiba kaqaadeen $260,laakiin maxaa dhacay intaa kadib,qalabkii dhamaan wuxuu noqday midaanshaqaynayn oo howl gab ah.maanta waxaa cabasho nasoo gaadhsiiyay dad badan ooreer Somaliland ah,kuwaas oo lacag lagaga qaaday,alaab aan shaqaynayn,waxaanan balan qaadaynaa inaan soo waraysano dadkaa hadii loo baahdo.Laakiin xoolahaas waxaa ka dhacay Niman uu hogaaminayo Samiir Awgaab Agaasimaha SLNTV ee Waqooyiga Maraykanka.
Howshaa hore markayfashilantay,waxay hadana bilaabeen inay laxidhiidhaan shirkado maraykan ahisagoo isticmaalaya ID-ga dowlada si ay ugu qanciyaan inuu sifo sharci ahhowshan ugu metelayo dowlada Somaliland,taana dowladaa looga fadhiyaacadaynteeda.
Waakan e-mailkii uuSamiir u dirayay shacabka Somaliland,si uu ugu shego inuu howshaa bilaabay iyomeelaha laga helayo,taas oo aan la hubin tayadeeda:
robert shawhan shawhan19–@gmail.com
Ogaysiis muhiima
Maamulka tilifishanka qaranka jamhuuriyada somaliland eewaqooyigaAmerica waxa uu ogaysiinayaa dadwaynaha reer somaliland ee ku dhaqanwadamadamaraykanka iyo Canada, in hada laga bilaabo ay ka daawankaraantilifishanka qarankajamhuuriyada somaliland cable-ka cusub ee loo yaqaano (–). cable -ka (–) waacable-ka ugu danbeeyay uguna casrisan ee wax lagudaawado,ooay is timcalaanmalayiin qof oo american ah waxan ku jira tilifashinada ugucaansan dunida,waxana laga heli karaa dukaamada waawayn sida(—————)iyodhamaan meelaha lagu iibiyo(—–)ah macluumaad ka reciverkawaxad ka daalcankartaa barta uu ku leeyahay internetka oo ah (wwwcom).waxan aad ugu rajowaynahay in ay si aad ah wax uga tari doonto baahiyahadadwaynaha rer somalilandee waqooyiga America u qabaan daawashada tilifishankaqarankooda,oo bilihii ugudanbeeyay ay codsiyo isdabo jooga ah naga soogaadhayeen.
Samiir bare awgab Agaasimaha tv qarankawaqooyiga america
Cawaale cabdi Cawaale Weriye SLNTV
Sent from my iPad
Waxaa ugu danbeeyey musuqmaasuqaa laxadka leh ee uu ninkani ku kacay,lacagihii dowladu u soo dirtay si uu Studio ugu furo oo uu danihiisa gaarka ah u siticmaalay,sida isagoo baabuur ka iibsaday iyo wax lamid ah.
Ugu Danbayntii waxaa shacabka reer Somaliland ee ku dhaqanwaqooyiga Maraykanku ka sugaayaan dowlada manta laba arimood:
1-In Loo soo cadeeyo cida lacagtoodii u celinaysa.
2-Xiliga la furayo SLNTV laanta waqooyiga maraykanka oo hadaaanba la hubin inay frantahay iyo in kale.
Saciid Xaaji Cali Saciid…
burcomann@hotmail.com




Recent Comments