Dadka Jeex-Qallalku ku Dhaco oo loo sameeyey Qalab Indhaha Lagaga Xidhayo, Hadalkana Qoraal u Beddelaya

Bukaanka qaba xannuunada jeex-qallalka (baralays) ee aan awoodin in jidhkoodu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo, isla makaana hadalku ka soo baxayn, ayaa loo hirgeliyey qalab indhahooda lagu xidhayo oo hadalladooda u beddelaya qoraal si dad kale u fahmaan.
Khubaro u dhashatay waddanka Faransiiska ayaa soo saaray qalab tiknoolaji cusub ah oo dadka baralayska ah ee aan hadali karin ku tababaraya in wiilasha indhahoodu dhaqdhaqaaqaan markay damacsan yihiin inay hadlaan, kadibna qalabkan hadal u beddelayo dhaqdhaqaaqa wiilka ishu sameeyaan, iyagoo la shaqaynaya neerfisyada farriimaha maskaxda geeya.
Cilmi-baadhayaashan oo uu hoggaaminayo Dr. Jean Lorenceau oo ka tirsan Jaamacadda Pierreet Marie Curie ee magaalada Paris, ayaa sheegay in qalabkoodan cusub bukaanka u saamaxayo in hadalka ay rabaan qoraal ahaan uu u turjumo.
“Waxaannu hirgelinay qalab dadka u saamaxaya in wiilasha indhahoodu dhaqdhaqaaq sameeyaan, isla markaana hadalka maskaxdoodu damacsan tahay qoraal ahaan u beddelaya,” ayuu yidhi Dr Lorenceau.
Ibraahim Khadar Sicid
Togdheernews.com




Recent Comments