telesom
logo
logo
logo
|

Guddoomiyaha Guurtida Oo Buriyey Go’aan Uu Ku Xigeenkiisu Ku Kala Diray Guddida Joogtada

 

 

 

 Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Arbacadii Todobaadkii hore dalka dib ugu soo laabtay ayaa la sheegay in uu gaashaanka ku dhuftay go’aan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux (Fure) fadhigii Goluhu fasaxa ku galay 17-kii July 2012-ka uu shaqo joojin kaga sameeyey Guddida joogtada in muddada fasaxa ay

hawlahoodii ay Golaha ugu xil-saarnaayeen ay qabtaan, taas oo Guddida joogtadu-na ay qayral Sharci ku tilmaameen, isla markaana ay u joojin waayeen inay u hogaansamaan  amarka Sheekh Axmed Sheekh Nuux faray.Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la sheegay inuu maalintii Sabtidii Todobadkan oo uu u soo shaqo tagay Xafiiskiisa uu Guddida joogtada Golaha Guurtida ku amray in hawlihii ay golaha ugu xil-saarnaayeen muddada fasaxa Goluhu ku jiro ay sidoodii u sii wataan, isla markaana ay gutan waajibadkooda, taas oo Ilo-wareedyadu sheegeen in Guddida joogtada oo dhagaha ka furaystay go’aankii hore ee Sheekh Axmed Sh. Nuux (Fure) uu shaqada kaga joojiyey fadhigii 17-kii Julay 2012-ka ee Goluhu fasaxa labada Bilood ku galay ay hogaansameen

go’aanka uu Guddoomiye Saleeban ka qaatay arintaa khilaafka sharci ka taagnaa.Guddida joogtada Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye u yahay Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo talaabadaa Sheekh Axmed Sheekh Nuux uu shaqada kaga joojiyey ku tilmaamay qayrul Sharci ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen go’aanka Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan uu ka qaatay khilaafkii u dhexeeyay Sheekh Axmed Sheekh Nuux iyo Guddigooda, kuwaas oo iyagu hawlahoodii muddada labada kal-fadhi dhexdooda iyagu sii wata.Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu Sabtidii Todobaadkan Xafiiskiisa u soo shaqo tagay ayaa la

sheegay inuu go’aan rasmiya ka soo saari doono arrinta khilaafka cakirani ka taagnaa ee la xidhiidhay labada Xil ee uu isku hayo Xoghayah Golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilahi-dheere) oo ay Goluhu sharci-daro ku tilmaameen Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Urur Siyaasadeedka Nasiye oo ay Xildhibaanadu ku tilmaameen mid baal-marsan Shuruucda iyo qawaaniinta dalka u taala, isla markaana ay Shirguddoonka u soo jeedinayeen in Xilkaasi laga qaado, maadaama uu Xil Urur Siyaasadeed qabtay

Xoghayuhu.Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi Sheekh Axmed Sh. Nuux (Fure) oo isagu xiligii uu ahaa ku simaha Guddoomiyaha muddo laba Todobaad ka hor Saxaafadu wax ka weydiisay labada Xil ee uu isku hayo Xoghayaha Goluhu Cabdilaahi-dheere ayaa isagu sheegay in arrinkaasi Guddoomiyaha Golaha Guurtida marka uu dalka ku soo laabto ay wada-tashi ka yeelan doonaan, isla markaana ay go’aan ka qaadan-doonaan labada Mansab ee uu xiligan isku hayo Cabdilaahi-dheere.Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo la sheegay inuu go’aan cad ka gaadhi-doono labada Xil ee Xoghayaha Goluhu isku hayo ayaa la sheegay in Xildhibaanada Golahaasi ay ka dhursugayaan go’aanka ka soo bixi-doona Shirguddoonkooda.

Haautf

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)