Dumarka Reer Japan oo Waayey Rikoodhka Cimri-dheerarka Adduunka oo ay Haysteen

Haweenka u dhashay waddanka Japan ee qaaradda Aasiya oo hore u haystay rikoodhka cimri-dheeraanta dumarka adduunka, da’dooduna gaadho celcelis ahaan 86.3 jir, ayaa hoos uga dhacay xilligan derajadaas, iyadoo dawladda Japan sheegtay inay arrintaas sababeen dhul-gariirkii iyo dabaylihii Sunaamiga ee dalkooda ku dhuftay sannadkii 2011.
Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada ee Japan, ayaa sheegay in masiibooyinkaas oo ku naf wayeen 20,000 (labaatan kun oo ruux) ay tahay sababta ugu weyn ee hoos ridday cimriga haweenkooda waddankiisa, isagoo intaa ku daray in dumarkooda beryahan dambe uu ku sii banadanayo falalka is-dilku.
Haweenka ku dhaqan Hong Kong ayaa waqtigan haysta dumarka ugu cimriga dheer caalamka, kuwaasoo da’doodu celcelis ahaan gaadho 86.70 jir.
Warbixin-sannadeedle ay soo saarto dawladda Japan oo la baahiyey shalay, ayaa lagu xusay in cimriga haweenkooda hoos-u-dhac weyn ku yimi, sidoo kalena cimriga ragga dalkaas oo ahaa 79.55 jir uu hoos ugu dhacay 79.44, kuwaas oo galay kaalinta toddobaad oo Talyaanigu ku jiray, waxana ragga ugu cimriga dheer dunida hoggaaminaya kuwa u dhashay Switzerland oo da’doodu celcelis ahaan tahay 80.2 jir.
Ibraahim Khadar sicid
Togdheernews




Recent Comments