Xukuumadda oo Go’aansatay Inay Albaabada u Xidho Wargayska Madaxabanaan Ee Hubaal

Xukuumada Somaliland ayaa go’aansatay inay albaabada u laabto Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal oo ka soo baxa Caasimada Hargeysa, kaas oo Wasaarada Warfaafintu ay ku sababaysay in aanu wargeyskaasi ka mid ahayn Wargeysyada u diiwaangashan.
Hase Yeeshee Wargeyska Hubaal ayaa soo bandhigay Waraaqaha diiwaangalinta Wargeyskaasi ee Xeer Ilaalinta guud, Waraaqaha Cashuur bixinta iyo ta warfaafintu ku ogolaatay.
Qodobada Wasaarada Warfaafintu ay u cuskatay in Albaabada loo laabo Wargeyskaasi ayaa noqonaya kuwo baal marsan sharciga u yaala saxaafada Madabaan oo tilmaamaya in Wargeysyadu ay iska diiwaangaliyaan Xeer Ilaalinta Guud.
Wargeyska Hubaal oo muddo ku dhaw 10 cisho ka soo baxay Caasimada ayaa waxa guddoomiye ka ah Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayaa Sababata ku kaliftay xukuumada in wargeyskan ay albaabada u xidho waxa lala xidhiidhinayaa warar uu wargeysku qoray oo uu ka soo xigtay wargeys la yidhaa the Indian Ocean Newslater, iyadoo la sheegay in wararkaasi ay xukuumada ka cadhaysiiyeen. Ururada saxaafada dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee saxaafada u dooda ayaa xukuumada ku eedeeyey inay si joogto ah ugula kacdo falal ka dhan ah warbaahinta madaxabanaan ee dalka, iyadoo dhawaan ururka CPJ uu ka codsaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu wax ka qabto cabudhinta, cago-juglaynta iyo xadhiga ay xukuumadiisu kula dhaqanto Suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ee Madaxabanaan.
Haatuf




Recent Comments