Daawo: Arooskii Ugu Yaabka Badnaa oo ka dhacay Hargaysa
Magaaladda Hargeysa ee Xarunta dalka Somaliland gaar ahaan Hutel Imperial ayaa waxa habeen hore ka dhacay Munaasibad Aroos oo Mucjiso ah, isla markaana aan wali hore uga dhacin dalka iyo inta la ogyahay Mandaqadan, Arooskaas oo loo qabtay Lamaane Is Calmaday oo labadooduba Indho la’.
Arooska Lamaanaha Indhaha l’a ee Habeen hore ka dhacay Hargeysa ayaa noqday kii ugu xiisaha badnaa Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan dhulka kale ee ay Soomaalidu ka degtay gobolka Geeska Afrika ka dhac.
Habeenkii xalay ayay Magaalada u ahayd mucjisadii Qarniga , ka dib markii ay dadab-galeen Nin iyo gabadh aan qabin laxaad indhaha, kuwaasoo aroosku noqday kii ugu xiisaha badnaa Magaalada Hargeysa iyo dhul kale ee ay Soomaalidu ka degtay gobolka Geeska Afrika .
Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo Marwadiisa Hooda Maxamed IIdaan ayaa Habeen hore iyaga oo gacmaha is-haysta soo fuulay Masraxa hoolkii aroosku ka dhacay oo ahaa Hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa , taas oo aad uga yaabisay dad badan oo ku sugnaa arooskaas , isla markaana waxa ay iswaydaarsadeen sharaabka si la mida lamaanayaasha indhaha qaba.
Sidoo kale Waxa hoolkaas soo buux dhaafiyay dadweyne isagga kala yimid xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo u daawasho yimid dhacdadan layaabka leh.
Dhinaca kale Proffessor C/risaaq Aw Daahir Khaliif (Guray) oo ka mid ahaa Dadkii ka qaybgalay Arooskaas Mucjisada ah ee Habeen hore ka dhacay Hutelka Imperial ayaa isaga Xalay Haatuf uga waramaya Dareenkiisa ku wajahan Arooska Lamaanahaas Indhaha La’ waxa uu yidhi “Anigu runtii waxa ay ugu ahayd wax la yaab leh, waxaanu uu ahaa arooskaasi mid cajiib leh, isla markaana waan u ducaynayaa Lamaanahaas is Calmaday in Ilaahay isku Barakeeyo oo uu Awlaad Saalixiin ah kala siiyo Insha Allaah”.





Recent Comments