telesom
logo
logo
logo
|

Sadaqada iyo Faa’ida ay leedahay Bisha Barakaysan ee Ramadaan

                                                         Sadaqada
Bisha Ramadaan ee barakaysan waa in la badiyaa acmaasha wanaagsan oo si aad ah loo baxsadaa sadaqada,oo dadka ehelka iyo qaraabada iyo masaakiinta la siiyo.
Sadaqadu waa shey qaali ah oo ka mid ah waxyaalaha qofku Alle ugu dhowaado,oo sadaqada waxa loo kala qaybiyaa:mid furan oo qofku maalka Alle siiyey markuu isagu doono wax ka bixiyo,iyo mid waajib ah oo maalkiisa iyo naftiisa uu ka bixinayo oo loo yaqaan sako,waxa sadaqadu faa'iido weyn u leedahay qofka bixiya,oo Alle xaggiisa ajar iyo derejo ka hela,sidoo kale waxa ay wax u tartaa qofkii la siiyey ee u baahnaa,ee ku daboolaya baahi uu qabey.
Waxa diinteenna xaniifka ahi ina baraysaa in aynu sadaqada bixinno,oo ogaanno in maalkan iyo xoolahan Alle ina siiyey,oo ay tahay in aynnu ku shukrino,oo dadka wax ka siinno oo sadaqada baxsanno:
يا أيّها الّذين ءامنوا أنفقوا ممّا رزقناكم من قبل أن يأتي يوم لا بيع فيه ولا خلّة ولا شفاعة والكافرون هم الظالمون(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,bixiya waxa Alle idinku irsaaqay,ka hor intaanay idiin iman maalin aanay jirin wax la kala iibsanayo iyo cid Saaxiib ah iyo cid isu shafeecaysaa,gaaladuna waa kuwa daallimiinta ah.
Maalka iyo xoolaha qofku leeyahay waa wax Alle siiyey,waxana loo baahan yahay waxa Alle siiyey in uu wax ka bixiyo oo khayr ku qabto,waayo sida uu ku helay ee ku kasbaday,iyo wuxuu ku sameeyey ama sida uu u isticmaalay waa la weydiinayaa,oo haddii qofku dadka la wada jeclaado wanaag iyo khayr,isagana Alle waa siinayaa,oo haddii uu bixiyo oo sadaqadaysto maalkiisa,Alle waa u labanlaabayaa:
مثل الّذين ينفقون أموالهم في سبيل الله كمثل حبّة أنبتت سبع سنابل في كلّ سنبلة مأئة حبّة والله يضاعف لمن يشاء والله واسع عليم(البقرة)
Aayadda:waxa ay la mid yihiin kuwa u bixinaya maalkooda dar Illaahay,sida xabbad midho ah oo dhashay todoba qaybood,oo ay qayb kasti leedahay boqol xabbadood oo midho ah,Alle waa u labalaabaa cidduu doono,Alle waa ka cilmiga leh,ee uu waasic yahay cilmigiisu.
Waxa Alle Isagaa korreeyee,ina amrayaa in aan bixinno sadaqada,oo maalkeenna sheyga wanaagsan ee aynu jecel nahay bixinno,oo sida aynu u jecel nahay dadka ula jeclaanno,oo waxa aynu nacno keliya aynaan bixin:
يا أيّها الّذين ءامنوا أنفقوامن طيبات ما كسبتم وممّا أخرجنا لكم من الأرض ولا تيمّموا الخبيث منه تنفقون ولستم بأخذيه إلا أن تغمضوا فيه واعلموا أنّ الله غنيّ حميد(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeyow,bixiya waxa wanaagsan ee aad kasbateen iyo waxa Aannu dhulka idiinka soo saarnay,oo ha bixinnina waxa xun ee aydinaan qaadateen idinkoo indhaha isku qabanaya mooyee,oo ogaada in Alle yahay Qani oo mahad badane yahay.
Waxa qofku sadaqada u bixin karaa si sir ah oo aan la arkaynin,wuuna u bixin karaa si caddaan ah oo la arkayo,labadaba wuxu helayaa ajar badan:
الّذين ينفقون أموالهم بالّيل والنّهار سرًّا وعلانية فلهم أجرهم عند ربّهم ولا خوف عليهم ولاهم يحزنون(البقرة)
Aayadda:kuwa bixinaya maalkooda habeen iyo maalinba,oo u bixinaya si sir ah iyo si caddaan ahba,waxa ay leeyihiin Alle agtiisa ajar,oo wax cabsi ah iyo wax murugo ahi uma sugnaan.
Alle subxaana watacaalaa,qof kasta oo sadaqo bixiya wuxu siiyaa beddelkeeda oo la labanlaabay,oo ama ajar ah ama irsaaqadda oo Alle u siyaadiyo ah,ama belaayo Alle kaga kor qaado oo ka badbaadiyo ama xanuun hayey kaga dul qaado…iwm:
وما أنفقتم من شيءٍ فهو يخلفه والله خير الرّازقين(سبأ)
Aayadda:waxa aad bixisaan Alle beddelkooda ayuu idin siinayaa,Isaga ayaana ah ka ugu khayr badan cidda wax irsaaqda.
Waxa Alle ina farayaa in awooddeenna aan ula nimaadno waxa la ina farayo oo sadaqada baxsanno,waxana Alle inoo sheegayaa in ay innaga inoo tahay faa'iido iyo waxtar sadaqada aynu bixinaynaa:
فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْراً لأَنفُسِكُمْ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ(التغابن(
Aayadda:Alle ka cabsada inta aad awooddaan ee karaankiinna ah,oo maqla oo adeeca oo wax bixiya waxay khayr u tahay naftiinna'e,kii naftiisa ka ilaaliya shaxeexnimada iyo bakhaylnimada kuwaasi waa kuwa aflaxay.
Xoolaha ama Maalka uu qof leeyahay waa irsaaqad Alle siiyey,oo lagu eegayo laguna imtixaamayo bal sida uu u adeegsado iyo inuu bal sida diintu farayso u isticmaalo iyo inkale,waxa Alle maalka uu ina siiyey oo xorriyad inoo siiyey adeegsigiisa iyo sida aynu ula dhaqmaynno,waxa Alle inaga rabaa keliya in aynu ku shukri naqno oo sidoo kale dadka baahan wax ka tarno.
Waxa aad bixisaa waa wax aad sii hor marsatay,oo waa sidii wax aad Alle sii amaahisay oo kale,sida Aayaddan Alle inoogu caddaynayo:
من ذا الّذي يقرض الله قرضًا حسنًا فيضاعفه له أضعافًا كثيرًا والله يقبض ويبصط وإليه ترجعون(البقرة)
Aayadda:kii Alle qardaysiiya(amaahiya)qardo wanaagsan,waxa loo labalaabayaa  labalaab badan,Alle Isagaa cidduu doonona risqiga ka qabta oo ku yareeya,cidduu doonona u badiya,xaggiisa ayaana loo noqonayaa.
Sida ay u kala fadilan yihiin dadka ay tahay in sadaqada la siiyo waa sidan:
يسئلونك ماذا ينفقون قل ما أنفقتم من خير فللوالدين والأقربين واليتامى والمساكين وابن السّبيل وما تفعلوا من خير فإنّ الله به عليم(البقرة)
Aayadda:waxay ku weydiinayaan(Nebi Allow)waxa ay bixinayaan,waxad ku tidhaahdaa waxa khayr badan in aad wax siisaan Waalidiinta iyo dadka Qaraabada ah,Agoonta iyo Masaakiinta iyo dadka waddada haya ee Safarka ku jira,waxa aad samaysaan ee khayr ahna Alle waa og yahay oo cilmi buu u leeyahay.
Qofka sadaqada bixinayaa waa in uu dar Alle u bixiyaa,oo Alle ka dhawraa oo ka sugaa abaalmarin iyo ajar,waa in aanu dadka uu wax siinayo u manno sheegan,oo u siin waxa uu siinayo mar kale ha kuu gudo oo ha ku siiyo:
الّذين ينفقون أموالهم في سبيل الله ثمّ لا يتبعون ما أنفقوا منًّا ولا أذًى لهم أجرهم عند ربّهم ولا خوف عليهم ولاهم يحزنون (البقرة)
Aayadda:kuwa maalkooda dar Alla u bixainaya,ee aan ka daba geynaynin manno sheegasho iyo dhibid,waxa ay ajarkooda ku leeyihiin xagga Alle,wax cabsi ah iyo wax murugo ahna ma arkayaan.
Qofku waa in uu dar Alle sadaqada u baxsado oo aanu iska burin,oo aanu istusnimo iyo manno sheegasho samayn oo aanu ku dhibin dadka wax siinta iyo sadaqada:
يا أيّها الّذين ءامنوا لا تبطلوا صدقاتكم بالمنّ والأذى كالّذي ينفق ماله رئآء النَاس(البقرة)
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,sadaqooyinkiinna ha ku burinina manno sheegasho iyo dhibaatayn,sida qofka u bixinaya maalkiisa istusnimo uu dadka is tusayo.
Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa in uu si miisaaman oo nidaamsan u habeeyo maalka Alle siiyey,oo in macquul ah ka bixiyo oo ka sadaqadaysto,inta kalena ku daboolo baahida kale ee naftiisa iyo inta uu ka yahay masuul,si uu ugu taageersado gudashada cibaadada Alle ka rabo,lama rabo in aanad wax bixin oo ku gacan adaygto,sidoo kale lama rabo in aad xoolahaagoo dhan bixiso:
ولا تجعل يدك مغلولة إلى عنقك ولا تبسطها كلّ البسط فتقعد ملومًا محسورًا (الإسراء)
Aayadda:ha ka dhigin gacantaada mid ku dhegsan cunahaaga,bakhaylnimo darteed,hana u fidinin fidin dhamaanteed,oo xoolaha oo dhan ha bixin,dabadeed ay murugo iyo isciil kaambi kuu timaaddo.
Waxa u qiimo badan sadaqo,in aad bixiso waxa aad jeceshahay,oo dadka kalena la jeclaato,oo dar Illaahay u siiso:
لن تنال البرّ حتّى تنفقوا ممّا تحبّون وما تنفقوا من شيءٍ فإنّ الله به عليم(العمران)
Aayadda:ma helaysaan wanaagga iyo samaha ilaa aad bixisaan waxa aad jeceshihiin, Allena waa og yahay oo cilmi buu u leeyahay waxa aad bixinaysaan.
Markii Aayaddani Rasuulka Alle,sallallaahu calayhi wasalam ku soo degtay,ayaa Saxaabi la odhan jirey Abu Dalxa yidhi:Rasuul Allow,waxan Adduunka ugu jeclahay beertayda Beyrxaa,dar Illaahay ayaan u sadaqadaystay ee ciddaad doonto iyo sida aad doonto u qaybi,Rasuulku wuxu ku yidhi:oo ku celceliyey kelmedda bakhin,bakhin..oo macneheedu yahay waad guulaysatey,waad guulaysatey,isagoo Rasuulka Alle,sii wata  hadalkii ayuu yidhi:waan maqlay hadalkaaga,waxana ay aniga ila tahay in aad Qaraabada u qaybiso,sidaas ayaan yeelayaa Rasuul Allow,inta uu yidhi Abu Dalxa,
ayuu u qaybiyey Qaraabadiisii iyo ilma Adeerradii.
Sidaas ayaa Asxaabtii Rasuulku ugu tartami jireen khayrka,oo u bixin jireen waxa ay ugu jecel yihiin,waxayna si fiican u fahansanaayeen in Adduunku yahay goob shaqo,  oo Aakhiro loo shaqaysanayo,tahayna in fursadda cimriga aan la dayicin,sadaqadu waxa ay qofka u tahay burhaan iyo xujo:
عن أبي مالك –الحارث بن عاصم-الأشعري رضي الله عنه قال رسول الله "الطهور شطر الإيمان ،والحمد لله تملأ الميزان،وسبحان الله والحمد لله تملآن-أو تملأ-ما بين السّماء والأرض،والصّلار نور ،والصّدقة برهان، والصّبر ضياء،والقرءان حجة لك أو عليك،كلّ النّاس يغدو فبائع نفسه،فمعتقها أو موبقها"رواه المسلم
Xadiiska:waxa laga weriyey Abi Maalik- Xaaris Ibnu caasim,oo Ashcari ahaa,in Rasuulka Alle yidhi:daahirnimadu waa iimaanka badhkii,Alxamdulillaahina waxa ay buuxisaa miisaanka,subxaana Allah iyo Alxamdulillaahina waxay buuxiyaan inta Samada iyo Arlada u dhexaysa,salaadduna waa nuur,sadaqaduna waa burhaan(xujo iyo marag)Quraankuna ama xujuu kuu yahay ama xujuu kugu yahay,dadkoo dhami way kallahaan oo naftooda iibiyaan,waa mid naftisa xoreeya iyo mid halaajiya oo hoojiya.
Sakadu waa sadaqo lagu daahirinayo maalka ama nafta,waxana xoolaha ama maalka laga bixiyaa sakada marka ay sannad ka soo wareegtoba mar,oo waa in xoolahaas ama maalkaasi gaadho inta ay ka go'ayso,oo ku waajib noqonayso sakadu,sidoo kale waxa nafta laga bixiyaa sako lagu daahirinayo sannad kasta mar,oo waa sakada loo yaqaanno sakaatul fidri,ee bisha Ramadaan marka soonka la dhameeyo la bixiyo,oo qofkii haysta quudka maalintaas ay ku waajibto markaa sadaqadaas ah sakada,Beerta waxa sakadeedu waajibtaa waqtiga goosashadeeda,oo la eegaa inta ka go'aysa.
Waxa Rasuulka sallallaahu calayhi wasalam,la amray in uu dadka baro oo sadaqada ka qaado:
خذ من أموالهم صدقة تطهّرهم وتزكّيهم بها وصلّ عليهم إنّ صلاتك سكنٌ لهم والله سميع عليم (التّوبة)
Aayadda:(Nebi Allow)ka qaad maalkooda sadaqad daahirisa oo nadiifisa,oo u ducee  xidhiidhina,waxa ay ducadaadu tahay degganaan iyo xasilooni'e,Alle waa ka maqla ee cilmiga leh.
Sadaqadu waqti kasta way wanaagsan tahay waxana aad loo badsadaa waqtiga bisha Ramadaan,iyo tobanka bisha Dilxija ee la xajiyayo.
Qofka sadaqada ku dadaala bixinteeda ee weliba inta badan sir ahaan u bixiya,waxa uu ka mid yahay todobada Alle u hadhaynayo maalinta Qiyaamaha,ee aan hadh kale jirin hadhka Alle mooyee:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال :سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول"سبعة يظلهم الله في ظلّه يوم لا ظل إلا ظله: إمام عادل، وشاب نشأ في عبادة الله، ورجلان تحابا في الله اجتمعا عليه وتفرقا عليه، ورجل ذكر الله خالياً ففاضت عيناه، ورجل قلبه معلق بالمساجد، ورجل تصدق بصدقة فأخفاها حتى لا تعلم شماله ما تنفق يمينه، ورجل دعته امرأة ذات منصب وجمال فقال: إني أخاف الله رب العالمين " أخرجه البخاري ومسلم
Xadiiska:Abu Hurayra Alle ha ka raalli noqdee,waxa laga weriyey,in uu yidhi:waxan maqlay Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo leh:todoba ayaa Alle hadhkiisa u hadhaynayaa maalin hadhkiisa mooyee aanu hadh kale jirin:Iimaan(hoggaamiye) caadil ah,qof dhalinyaro ah oo ku barbaaray cibaadada Alle,iyo laba nin oo dar Alle isu jeclaaday kuna kulma sidaas kuna kala taga,iyo nin isagoo keliya Alle xusa oo indhihiisu ilmeeyaan,iyo nin qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka,iyo nin sadaqadaystay sadaqo oo qariyey ilaa aanay ka ogaan gacantiisa bidix waxa tiisa midig bixinayso,iyo nin ay haweenay u dhalatay qurux oo leh mansab ay u yeedhatay,oo yidhi Alle ayaan ka baqayaa Rabbiga caalamiinta.
Waxa ka mid ah sifooyinka Muslinka dhabta ah deeqsinimada iyo faxalnimada,oo waxa la innaga reebay bakhaylnimada oo ah sifo ay leedahay kufaartu:
الّذين يبخلون ويأمرون النّاس بالبخل ويكتمون ما ءاتاهم الله من فضله وأعتدنا للكافرين عذابًا مهينًا(النّساء)
Aayadda:kuwa bakhaylaya ee dadka amraya bakhaylnimada,oo qarinaya waxa Alle siiyey ee fadligiisa ah,waxannu u diyaarinnay gaalada Cadaab xun,oo dhib leh.
Qofka sadaqada la bakhaylaa waxa uu naftisa kala bakhaylay in uu khayr iyo ajar helo,oo Alle ugu abaalgudo wanaag:
ها أنتم تدعون لتنفقوا في سبيل الله فمنكم من يبخل ومن يبخل فإنّما يبخل عن نفسه والله الغنيّ وأنتم الفقراء(محمد)
Aayadda:waa kaa la idiinku yeedhayo in aad dar Alle wax u bixisaan,waxa idinka mid ah mid bakhaylaya,oo kii bakhaylaa waxa uu ku bakhaylayaa naftiisa,Allena waa Qani idinkuna fuquro ayaad tihiin.
Shaydaanku wuxu dadka ku ridaa oo faraa bakhaylnimo iyo daba ka werwer:
الشّيطان يعدكم الفقر ويأمركم بالفحشاء والله يعدكم مغفرة منه وفضلا والله واسع عليم (البقرة)
Aayadda:Shaydaanku wuxu idiin yaboohayaa oo idiinku yeedhayaa faqri,oo wuxu idin amrayaa faxshi iyo xumo,Allena wuxu idiinku yeedhayaa denbi dhaafkiisa iyo fadligiisa,Alle waa ka cilmigiisu waasic yahay.
Gaaladu waxay maalkooda u bixiyaan si ay dadka ugu lumiyaan,oo ay uga xidhaan oo isaga hortaagaan khayrka una jiho habaabiyaan dadka:
إنّ الّذين كفروا ينفقون أموالهم ليصدّوا عن سبيل الله فسينفقونها ثمّ تكون عليهم حسرة ثمّ يغلبون والّذين كفروا إلى جهنّم يحشرون(الأنفال)
Aayadda:kuwa gaalada ahi waxa ay maalkooda u bixiyaan si ay ugu awdaan,oo ugu daboolaan waddada Alle,way bixin doonaan dabadeed waxay ku noqon doontaa xasarad,dabadeedna waa la jebin doonaa,kuwa gaaloobey waxa loo soo xashrinayaa oo loo soo ururinayaa Jahannama.
Qofka waxa laga rabaa in uu inta uu awoodi karoba itaalkiisa sadaqad baxsado:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"فاتّقوا النّار ولو بشقّ تمرة".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: ka cabsada Naarta haba ahaato timir badhkeede.(yacni intaad bixin karto).
Qofka la bakhayla sadaqada ee gacan adayga,maalkan mar uu ka tagoba wuu ka tegi oo god buu hurran yahay,hadduu maalkiisa sakada ka bixin waayo oo xaseeyo dahabka iyo fiddada,Aakhiro ayay naar ku noqonayaan:
قال رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :" مَا مِنْ صَاحِبِ ذَهَبٍ وَلآ فِضَّةٍ لآ يُؤَدِّي مِنْهَا حَقَّهَا إِلآ إِذَا كَانَ يَوْمُ الْقِيَامَةِ صُفِّحَتْ لَهُ صَفَائِحُ مِنْ نَارٍ فَأُحْمِيَ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَيُكْوَى بِهَا جَنْبُهُ وَجَبِينُهُ وَظَهْرُهُ كُلَّمَا بَرَدَتْ أُعِيدَتْ لَهُ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ حَتَّى يُقْضَى بَيْنَ الْعِبَادِ فَيَرَى سَبِيلَهُ إِمَّا إِلَى الْجَنَّةِ وَإِمَّا إِلَى النَّارِ " رواه مسلم وأحمد
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: ma jiro qof Dahab ama Fiddo leh oo aan xaqeeda bixin,si kale ma aha'e maalinta Qiyaamaha waxa ay noqonaysaa safeexado naar ah,oo Naarta jahannama ah,oo lagu kubbaynayo wejigiisa iyo dhinacyadiisa iyo dhabarkiisa,mar kasta oo ay qabowdona dib baa loogu celinayaa Naartii,waa maalin lagu qiyaaso konton kun oo sanno dhiggeed,ilaa la kala xukumo Addoomada oo qofku arko waddadiisa,ama Janno ama Naar.
Sadaqadu way noocyo badan tahay,waxa jirta sadaqo aan maal ahayn,waxa jiray dad jecel in ay sadaqo baxsadaan laakiin aan maal haysan,oo u  cawday Rasuulka Alle, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,iyagoo tilmaamaya in dadka xoolaha badan haystaa sadaqadii baxsanayaan,oo cibaadadii kalena la wadaagayaan:
عن أبي ذر رضي الله عنه أيضًا أنّ ناسًا من أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلّم قالوا للنّبيّ:يا رسول الله ذهب أهل الدّثور بالأجور يصلّون كما نصلّى ويصومون كما نصوم ويتصّدقون بفضول أموالهم.قال أوليس قد جعل الله لكم ما تصّدّقون،إنّ لكم لكلّ تسبيحة صدقة،وكلّ تكبيرة صدقة،وكلّ تحميدة صدقة،وكلّ تهليلة صدقة، وأمر بالمعروف صدقة،ونهيٌ عن المنكر صدقة،وفي بضع أحدكم صدقة:"قالوا يا رسول الله أياتي أحدنا شهوته ويكون له فيها أجر؟قال :"أرأيتم لو وضعها في حرام،أكان عليه وزر؟فكذالك إذا وضعها في الحلال كان له أجر"رواه مسلم.
Xadiiska:waxa Abu Dar Alle ha ka raalli noqdee laga weriyey,in qaar ka mid ah Asxaabta Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,ku yidhaahdeen Nebiga:Rasuulkii Allow,dadka maal qabeenka ahi ajarkii oo dhan bay haleeleen,waxa ay u tukanayaan sida aannu u tukanno,oo waxay u soomayaan sidaannu u soomaynno, waxayna sadaqaysanayaan maalkooda inta dheer iyaga,waxa Rasuulku ku yidhi:oo miyaan Alle idiin samayn wax aad sadaqadaysataan,waxay tasbiix kasta oo aad tasbiixsataan idiin tahay sadaqad,takbiir(Allahu akbar)kastina waa sadaqad,oo Alxamdulillaahi kasti waa sadaqad,oo tahliil(Ashahaadasho)kasti waa sadaqad,oo faridda khayrka iyo iska reebidda munkarka iyo xumuhu waa sadaqo,oo galmada mid idinka mid ihi xaaskiisa u tago waa sadaqo,waxay yidhaahdeen:Rasuulkii Allow,ma qof shahwadiisii gudanaya bay haddana sadaqo u tahay,wuxu yidhi Rasuulku:bal ka warrama haddii uu qofkaasi xaaraan u tago miyaanay denbi ahayn!,waa sidaas oo kale oo haddii uu xalaashiisa u tago waxa uu helayaa ajar.
Waxa xataa sadaqo ah in weji furan iyo bashaashnimo,aad dadka ku qaabisho:
 قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"وتبسمك في وجه أخيك صدقة)راه الترمذي )
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: dhoolla caddayntaada aad wejiga walaalkaa u dhoolla cadaynaysaa,ee ku qaabishaa waa sadaqad.
Sida qofku u baxsanayo sadaqada iyo noocyadeedaba Alle waa inoo waasiciyey,oo inoo badiyey,markaa qof kasti ha ka dhigto dhaqan iyo caado sadaqaysiga.
Sadaqadu waxay leedahay faa'iidooyin aan la soo koobi karin,oo Adduunka korkiisa iyo Aakhiroba qofka sadaqada ku dadaalaa uu helayo:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم "والصدقة تطفىء الخطيئة كما تطفىء الماء النار".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: waxa ay sadaqadu damisaa denbiga sida biyuhu u damiyaan dabka,ama naarta oo kale.
Faa'iidooyinka sadaqadu leedahay waxa kaloo ka mid ah,in ay qofka qalbi raxiim ka dhigto oo qof debecsan ka yeesho:
إذا إردت تليين قلبك فأطعم المسكين، وامسح على رأس اليتيم)رواه أحمد)
Xadiiska:haddaad doonayso in qalbigaagu jilco oo aad qalbi raxiim noqoto,quudi oo cuntaysii Miskiinka oo Agoonta madaxa u salaax.
Sadaqada fadliga badani waa ta Ehelka iyo Riximka aad siiso:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم "الصدقة على المسكين صدقة، وهي على ذي الرحم اثنتان صدقة وصلة"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: sadaqada miskiinka la siiyaa waa sadaqo,ta Riximka la siiyaana waa laba,oo waa kii sadaqada iyo kii xidhiidhinta Riximka.
Sifooyinka wanaagsan ee diintu ina amrayso,waxa ka mid ah sadaqada:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم "تُطعم الطعام، وتقرأ السلام على من عرفت ومن لم تعرف } "في الصحيحين{
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: sii dadka cuntada oo cuntaysii,oo salaan qof aad taqaanno iyo ka aanad aqoonba.
Sadaqadu waxa ay ka mid tahay saddexda shey ee markuu qofku dhinto,camalkiisu u socdo ee aan laga goyn,sida camalada kaloo dhan loo gooyo:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"إذا مات الإنسان انقطع عمله إلا ثلاثة إلا من صدقة جارية،أو علم ينتفع به،أو ولد صالح يدعو له".رواه مسلم.
Xadiiska:wuxu Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi: hadduu dhinto Insaanku camalkiisu wuu go'aa oo istaagaa,saddex mooyee:
Sadaqo jaari ah,ama cilmi lagu intifaaco,ama weled saalix ah oo u duceeya.

Sadaqada baxsada oo
Sahayda iyo xoolaha
Aad siiso baahane
Inay ku safayso mooyee
Saxar kaama lumisee
Derejooyin sare iyo
Ajar bay ku siisaa
Sifadii Rasuulkiyo
Waa samo barwaaqee
Ehelka sii intii dhibban
Saboolkiyo miskiinkana
Sooryadiyo maalkaba
Sadaqada u roonow
Saacidaad ka helaysaa
Sadaqada ta maalka ah
Iyo teeda soorta ah
Midna yay ku seegine
Seetayso khayrkoo
Waqtigu socod ma joojee
Yaanu semenku kaa lumin
Sibiq yaanu kugu marin
Sahansoo wanaaggana
Socotada ku kala bixi
Oo sadkaagu Aakhiro
Jannadii ha saanyado
Ku samayso sadaqada
Iyo falidda samahaba
Subxaanow Ilaahay
Siduu amrayo yeeloo
Samcan wa daaca dhehayoo
Suul daaro ka ogow
Soortaada Ehelkiyo
Saboolkuba ha quuteen
Socotada safraysana
Saadka ugu roonow
Iyo waxay sarriigtaan
Samadoon ahow oo
Dadka sama la jeceloo
Saacidoo dhamaantood
Saacadday ahaatoba
La sugaaya khayroo
Aan saluugin weligii
Sadka Eebbe siiyoo
Siinaaya deeqaha
Bixinaaya sadaqada
Sakadana ilaaliya
Ahaw kii salaaddiyo
Sakada iyo soonkiyo
Sadaqadiyo khayrkuba
Sifo ay u yiinoo
Suubbinteed cibaadada
Saxarli'i u teediya
Khayrkaa sunsumayana
Sacabbada ku qaatoo
Sadkiisu aanu dayacmayn
Saatirkiis u mahad naqa
Seeraaro Shaydaan
Siridiisa dagista ah
Seefihiisa dulmiga ah
Sakhiraada beenta ah
Intuu seeta dheerayn
Ku siraan la tirin karin
Sug buu kugu yidhaahdaa
Sadaqada ha bixinnine
Sannaddada danbaad heli
Saad aad u badanoo
Sidaad doonto aad odhan
Suntuu kugu mudaayaa
Saluug iyo bakhaylnimo
Sifadeeda weeyaan
Surmi yuu ku gelinine
Saxariirtu gelayuu
Saaxiibbo badan iyo
Saaqiddada u badsadaa
Yuu ku sirin walaalow
Suuradaha Quraankiyo
Sunnihii Rasuulkeen
Sahay ha kuu ahaadeen
Seerahaaga yuu iman
Silicna yuu ku badinoo
Seeftiisu kugu dhicin
Baxso sadaqadaadoo
Sii Ehelka xaqa u leh
Iyo kii sabool u ah
Sama waxad helaysaa
Sarreeyow Ilaahay
Siinaayo khayrlaha
Saaciidadiisa waad hanan
Oo wuu ku sooryayn
Saraca iyo Maalkaba
Sahal buu ka dhigiyoo
Samaan baad ku noolaan
Aakhirona sarrayniyo
Jannaduu ku siinoo
Sidaad jeceshay adigiyo
Sad kaloo ka sii badan
Ayaa saatir kuu sugi
Ee sadaqadii bixi
Sii kii mutaystaba
Sadaqayso weligaa
Sadaqayso weligaa
Sadaqayso weligaa.
Waxan Allaha Raxiimka ah ka baryaynaa in uu ina siiyo arsaaq xalaal ah,oo waasic ah,oo aynu sadaqada noocyadeedoo dhan ka baxsanno si aan ugu liibaanno.

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)