Wararki ugu danbeeyey ee Ciyaaraha Olympic-ka Yurub
Cayaaraha Olympic-da ee ka socda London waxaa maanta la qabtay ilaa 24 tartan oo kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu kala baxay, qaarna aan natiijadooda weli la hayn, waxaana sidoo kale la bixiyay billadihii ugu horreeyay.
Gabar lagu magacaabo Yi Siling oo u dhalatay dalka China ayaa ku guuleysatay billadda dahabka ah ee tartanka liishka 10m ee gabdhaha. Waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee billad dahab ah ku guuleysta Olympic-da sanadkan.
Jongoh Jin oo u dhashay Koonfur Kuuriya (Korea Republic) ayaa ku guuleystay billadda dahabka ah ee liishka bistooladda ee 50m ee wiilasha.
Sarah Menezes oo u dhalatay Brazil ayaa ku guuleysatay billadda dahabka ah ee lagdanka Judo-ga gabdhaha ee 48kg.
Alexander Vinokourov oo u dhashay Kazakhstan ayaa ku guuleystay tartanka baaskiilka ee waddooyinka isagoo helay billadda dahabka ah.
Arsen Galstyan oo u dhashay Ruushka ayaa billadda dahabka ah ka helay tartanka lagdanka Judo-ga ee wiilasha ee 60kg.
Sanadkan waxaa markii ugu horreysay cayaaraha Olympic-da lagu soo daray feerka gabdhaha, kaa soo ay ku tartami doonaan gabdho badan.
Ilaa iyo hadda 5 billadood oo dahab ah ayaa lagu guuleystay cayaaraha Olympic-da oo galay maalintii labaad, wixii kale ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa.





Recent Comments