Mudaharaad Caano-joojin ah oo ka Dhacay Dalka Ingiriiska

In ka badan 2,000 qof oo ka mid ah dadka caanaha ka ganacsada ee dalka Ingiriiska, ayaa maalintii saddexaad ka mudaharaadsan qiimaha caanaha lagu iibiyo oo hoos loo dhigay.
Xubnaha ururka ay ku bahoobeen caanoolayaasha Ingiriiska ee FFA (Farmers for Action), ayaa sameeyey mudaharaad caano-joojin, kadib markii dukaamada waaweyn ee ay caanaha ka iibiyiin hoos u dhigeen qiimihoo hore looga siisan jiray.
Mudarahaadka ayaa habeennadanba ka socday degaannada Somerset, Shropshire iyo Worcestershire, iyagoo caanoolayaashu ka cabsi qaba in ganacsigooda halis la gelo, sababtoo ah waxa hoos loo dhigay qiimaha caanaha lagaga iibsado, hal kor loogu qaaday sicirka cuntooyinka ay quudiyaan lo’da caanaha laga soo saaro.
Xoghayaha degaanka Mr. Caroline Spelman iyo Wasiirka Caanaha ee Ingiriiska Mr. Jim Paice, ayaa qorshaynaya inay mudaharaadayaasha kula kuklmaan xarun la yidhaa Royal Welsh, halka ururka FFA qorsheeyey in mudaharaadku sii socdo.
Xoghayahe Spelman, ayaa sheegay in beeralaydu u baahan tahay in caanaha qiimo sare laga siisto, haddii shirkadaha caanaha soo saaraa danayn waayaan oo qiimo fiican ka siisan waayaan.
Wargeyska Daily Telegraph qoraal lagu baahisay ayaa u dhigna sidan; “Caanuhu waa waxyaabaha noogu muhiimsan, maalmahanna waxa hoos u dhacay qiimaha caanaha lagu iibsado, iyagoo bilaabay in dad badan oo caanalayaal ah dhib la soo daristo, halisna geliyaan shirkadaha caanaha soo saara.”
Dalka Ingiriiska ayey sharci-darro ka tahay in dawladdu dejiso qiimo gaar ah oo la siisto caanaha, balse waxay masuuliyiintu soo jeediyeen in loo baahan yahay sharci gaar ah oo lagu kala xukumo dadka caanalayda aha, dukaamada ka iibsada iyo warshadaha caanaha sameeya.
Afhayeenka ururka caanalayda ee FFA Mr. Andrew Hemming, ayaa sheegay in mudaharaadka ay ka qaybqaateen ku dhawaad 2,000 beerlayda caanaha soo saara, isagoo sidoo kalena xaqiijiyey in dhammaan goobihii caanaha la gayn jiray laga joojiyey.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments