Saynisyahanno Daawo Lagu Fardaamiyo Cudurada Muruqyada ka Helay Sunta Caarada
Khubaro iyo shirkado daawooyinka ku takhsusay oo is kaashaday, ayaa daaha ka qaaday in caarada noocyadeeda kala duwan laga samayn karo daawo lagu fardaamiyo xannuunada ku dhaca muruqyada, gaar ahaan cudurka la yidhaa Muscular Dytrophy oo muruqyada jidhka u diida inay nafaqo jidhka intiisa kale ka helaan.
Prof. Frederic Sachs oo ka tirsan Jaamacadda Buffalo oo ka mid ah jaamacadaha ugu ballaadhan dalka Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa isagu hormood ka ahaa daawada laga helay caarada, isagoo daboolka ka qaaday in sunta caarada weerarto cudurada jidhka ku jira, si fududna uga saarto jidhka.
Prof. Sachs, ayaa isagu qiray in daawada halis kale yeelan karto, waxaannu yidhi; “Qofka ma aaminaayo inuu sunta caarada siiyo carruurtiisa si uu cudurrada muruqyada ku dhaca ugu daaweeyo, balse khubarada saynisku waa waxay aamini karaan, haddii aad indhahaaga furto waxaad arkaysa waxaanad walagaa arag.”
Prof. Fredrick Sachs oo ah khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusay iyo cilmiga Biophysics, ayaa markii ugu horraystay 20 sanno ka hor caarada halista ah ka soo iibsaday mid ka mid ah lababka lagu xannaaneeyo, taasoo u noqotay waddo fiican oo cilmi-baadhistan dariiq u furtay, kuna ogaadeen in sunteedu wax daawayn karto.
Prof. Sachs oo isagu si fudud ku ogaaday in sunta caaradan daawo u noqon karto dadka muruqyadoodu aanay qaadan nafaqada, ayaa la-tashada Tom Suchyna oo ah nin shahaadada PhD haysta daawooyinka xayawaanada si uu sunta caarada ugu bandhigo dadka inay daawo tahay.
Shirkadda Tonus Therapeutics ee daawooyinka, ayaa ku wargelisay Prof. Sachs in ay maalgelinayso daawada.
“Maan garanayn wax aan sameeyo, kulan baannu yeelanay, sheekadaisku daygayga daawadana waan u sharaxay si daawo caalamiya looga dhigo, waxaanay qaateen inay i maalgeliyaan,” ayuu yidhi Prof. Sacks oo ka hadlaayey shirkadan maalgelisay.
Sidoo kale shirkadda cilmi-baadhista daawooyinka ee UB, ayaa tijaabinaysa boratiinkan laga helay sunta caarada.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com





Recent Comments