telesom
logo
logo
logo
|

Nin Waqooyiga Kuuriya u Dhashay oo Sheegay in Ey uu Leeyahay Bisad Dhalay


 

Nin u dhashay dalka Koonfurta Kuuriya oo 63 jir ah ayaa daboolka ka qaaday in Ey uu leeyahay bisad dhalay.

Arrintan oo aad uga fajicisay warbaahinta dalka Koonfurta Kuuriya, isla markaana sawirro badan laga soo qaaday ayuu ninkan sheegay inuu u qaadan waayey in Eygiisu bisad dhalo.

 “Waa xaqiiqo jirta, waana arrin cajiib ah, markii Eygu bisada dhalay waan u qaadan waayey in Eygu xayawaankan yar ee bisada dhalay, waxaanay u ciyeysay sida biasada.

Dhammaad dadka tuuladu waxay isa soo tubeen gurigaysa siday u daawan lahaayeen arrintan cajiibka ah, waxaanan u malaynaya in Eyga uu ka dhalay curi bisadaha waa weyn ah,” ayuu yidhi Mr. Jeong Pyong-bong oo u waramaayey warbaahinta Kuuriya.

Khubarada macuulmaadka xayawaanka ku takhsustay ayaa tilmaantay in arrintan tahay wax aan loo qaadan karin, dunidana aan hore uga dhicin.

Proff. Son Chang-ho oo ka tirsan Kulliyadda Xannaanada Xoolaha ee Jaamacadda Chonnnam National Uneversity ee dalka Koonfurta Kuuriya, ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waa wax aan la qaadan karin in Ey bisad dhalo, sababtoo ah tirada Chromosomes ee xayawaanka Eyda iyo Bisaduhu way kala duwan yihiin, waana wax suura gal ah in xayawaanka dhashay bisad u eeg yahay, balse ma noqon karo.”

Maaha markii ugu horraysay ee xayawaan kala duwan la sheego inay is dhalaan, sababtoo ah hore waxa sidan oo kale u sheegay nin u dhashay dalka Shiinaha, halka lix sannadood ka horna uu nin Brazil u dhashay ku dooday in Bisad uu lahaa laba Ey dhashay.

 

ibraahim khadar siciid
togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)