telesom
logo
logo
logo
|

Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u Diray Taliyihii Ciidanka Asluubta G/Togdheer oo Geeriyooday.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Asluubta JSL, sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, Geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer MARXUUM JAAMAC AXMED QODAX, (JAAMAC DHEEG) oo ku geeriyooday Dalka Ehtiopia 22/07/2012.

 

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidanka Asluubta JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

   Cabdilaahi Maxamed Daahir

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)