Qoyska oo Telefiishanka Meel ku Wada Daawada Waxay Kor u Qaada Xidhiidhka iyo Iska Warhayntooda

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa daaha ka qaaday in mar kasta oo qoysku telefishan amma shaashada telefishanka meel ku wada dawadaan xidhiidhkoodu sii xoogaysto, iska war hayntooda xaaladooduna korodho.
Warbixinta cilmi-baadhistan ku lamaan oo ay soo saareen khubaro ka hawlgasha suuqa la yidhaa Ofcom’s Communication, ayaa sidoo kale lagu helay in daawashada telefishanka waqtigu ku lumo oo aan dadku ogaan sida waqtigu ku dhaafay.
Dadka u dhashay Ingiriisku waxay daawashada ku lumiyaan celcelis ahaan afar saacadood maalintii laga soo bilaabo 2011-kii, halka horrantii sannadkan in ka badan 35% shacabka Ingiriisku iibsadeen shaashadaha aadka u waaweyn ee dherar ahaan dhan 33 iinj.
Mr. James Thickett oo ah madaxa cilmi-baadhista Ofcom, ayaa sheegay in muraayadaha ballaadhan ay qoysaska isku keenaan, carruurtana ku kulmiyaan qol.
“Daawashada telefishanku aad bay u xoogaynayn 2002 ilaa 2011, balse waxyaabaha xiisaha leh waa dhammaan waxyaabaha cusub ee casriga ah ee ay la qabatimeen da’yarta cimrigoodu u dhaxeeyo 16 ilaa 24 jir aanay aad u daawan telefishanka, balse mar kasta oo ay daawadaan walaalaha da’daas jiray waxay noqdaan qaar qoys ahaan isku xidhan,” ayuu yidhi Mr. James.
Khubaradan waxa kale oo ay sheegeen in dhegaysiga radyawgu uu hoos u dhac weyn ku yimi, iyadoo ay ugu wacan tahay dadka oo tiknoolajiyada iyo cilmigu ku sii badanaayo.
Ugu dambayntii cilmi-baadhayaashan waxay daraasadooda shacabka adduunka ugu soo jeediyeen inay ubadkooda telefishanka meel kula daawadaan si ay ula socdaan akhlaaqdooda iyo waxyaabahay jecel yihiin.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments