telesom
logo
logo
logo
|

“Hadafka Britain iyo caalamka waa in talaabo laga qaado madaxda Soomaalida ee tuuganimada caado ka dhigtay”

 

 

Muqdisho (Togdheernews/W.Wararka)-Dowladda Ingiriiska, ayaa  caddaysay in madaxda dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya lagu soo rogi karo cunoqabatayn la xidhiidha dhinaca socdaalka iyo dhaqaalaha haddii ay xaataa mar kale ku guulaystaan madaxtinimada Soomaaliya marka la gaadho 20 August ee sannadkan 2012 oo ah xilliga mudada ku-meelgaadhka ahi kaga eegtahay dawladda.

Sidaasna waxa ku dhawaaqay safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Baugh oo shalay warbaahinta u waramay, isagoo ka hadlay aragtida dawladdiisa ee la xidhiidha warbixinta ka soo baxday guddiga dabagalka Qaramada Midoobay ee cunaqabteynta Soomaaliya iyo Eritreya ee ku saabsanayd in madaxda dowladda Soomaaliya ee ay xukuumadda Somaliland wadahadalka la furtay musuqmaasuqeen malaayiin doollar oo loogu deeqay dowladda sannadihii la soo dhaafay.

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu taageersan tahay shaqada ay qabteen Guddida kormeerka oo uu ku tilmaamay mid ay si weyn ay uga soo baaraan dageen warbixinta ay soo saareen, isagoo safiirku tilmaamay in loo baahan yahay sidii loo ogaan lahaa halka uu ku dambeeyey dhaqaalihii uu caalamku ugu deeqay Soomaaliya, waxaana uu sheegay in aanay aheyn in dib loo dhigo eedeyntan, madaxda ay ku cadaatana laga qaado tallaabo adag.

Ciidamo Isugu Jira Boolis, Millatari, SPU iyo RRU oo loo Adeegsaday Qoysas Degay Dhulka Madaarka Burco

 

Waxa safiirka Ingiriisku shaaca ka qaaday haddii lacagahaasi la lunsaday loo isticmaali lahaa sidii loogu talagalay ay mushaharaad joogta ah heli lahaayeen shaqaalaha dowladda iyo ciidammada oo baahi awgeed shacabka dhaca ku haya, lana gaadhi lahaa horumar dhinaca ammaanka ah.

“Hadafka Britain iyo beesha caalamka waa in tallaabo laga qaado qaswadayasha Soomaalida iyo kuwa tuuganimada caadada ka dhigtay, Madaxda la eedeynayo haddii ay xitaa qabtaan mar kale talada dalka taa macnaheeda ma aha inay xasaanad ka haystaan in lagu soo roggo cunaqabateyn ay ka mid tahay safarada dibedda iyo dhaqaalaha,” ayuu yidhi Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Matt Baugh.

Danjiraha dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh waxa uu ku baaqay in si eedeymahaa looga gudbo ay lama huraan tahay in la sameeyo gudi maamulo dhaqaalaha loogu deeqo dowladda si madaxda Soomaalida looga badbaadiyo inay lunsadaan.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wadahadalo la bilawday madaxda Soomaaliya ee musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida ummadda lagu eedeeyey, iyadoo madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynaha dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xagga hore kaga jira warbixinta musumqaasuqa la xidhiidhay ay dabayaaqadii bishii June ee sannadkan ku kulmeen magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka Carabta.

‘Aniga Golaha Wasiirrada ayaan ku Jiraa oo i Qiimayn Kara…’

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)