telesom
logo
logo
logo
|

Maayarkii Hore ee Laascaanood ayaa Nidar ku maray inuu sharciga la tiigsan doono Badhasaabka Gobolka Sool

Maxamed Maxamuud Jeenyare iyo Taliyaha Qaybta gobolkaas, kaas oo sheegay inuu Dacwad ka dhan ah labadaas Masuul u gudbin doono Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xeer Ilaalinta, Maxkamadda Sare, Wasaaradda Cadaalada iyo Hay’adaha Xuquuqal Iinsaanka u doodaba.

Kayse Maxamed Xaaji Xuseen waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay Wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka tilifoonka isaga oo ku sugan Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, kaas oo sidoo ku dooday inuu kalsooni badan ka qabo marka uu Dacwadaas u gudbiyo hay’adaha ay khusayso in sharciga la soo taagi doono Labadaas Masuul ee uu ku eedeeyey inay Xadhig sharci daro ah la beegsadeen isaga iyo ku xigeenkiisaba.

Kayse Maxamed Xaaji Maayarkii hore ee Laascaanood waxa uu sheegay in markii Xabsiga loo taxaabay lagu xidhay halka Tuugta iyo dadka dambiyada waawayn gala lagu xidho, kaas oo dhacdadaasna ku sifeeyey mid Ceeb ku ah haykalka dawladnimo ee dalka.

Maayarkii hore ee Magaaladda Laascaanood Kayse Maxamed Xaaji Xuseen waxa uu tibaaxay inuu si rasmi ah shalay xilkii ugu wareejiyey Maayar cusub oo ay Golaha deegaanka ee Magaaladdaasi doorteen, isla markaana uu maanta u soo amba-bixi doono Caasimadda dalka ee Hargeysa si uu Dacwad ugu soo oogo Badhasaabka iyo Taliyaha Qaybta Sool. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya waxa ka jira dacwadaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan rabaa oo iga go’an oo aan bulshadda u sheegayaa in sida ugu dhakhsaha badan oo aanay walibaTodobaadkan gudihiisa ila dhaafin inaan Hay’adaha Sharciga dalka iyo kuwa Caalamiga ahba aan horgeeyo dacwad ka dhan ah Badhasaabka Gobolka Sool iyo Taliyaha Qaybta ee gobolka, maadaama oo aniga oo Masuul Qaran ah oo waliba Xasaanad huwan oo Maayar ka ah Magaalo Caasimad ah oo A ah, isla markaana ahaa Masuul Shacbiga gobolka iyo deegaankaasiba ay kalsooni badan ku qabaan oo marar badana is hortaagay Mudahaarado badan in Xadhig sharci daro ah la ii gaysto oo waliba la igu xidho meesha Jirida, Sarkhaamiinta iyo Tuugta lagu xidho, waana wax laga xumaado run ahaantii arintaasi”.

Mr. Kayse isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Waxaan u gudbinayaa Dacwadaydan Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Baarlamaanka, Wasaarada Cadaalada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Arimaha Xuquuqal Iinsaanka Qaabilsan”.

Maayarkii hore ee Magaaladda Laascaanood Kayse Maxamed Xaaji Xuseen mar uu ka hadlayey waxa uu ka filanayo inuu kala kulmo hay’adaha uu sheegay inuu u gudbinayo Dacwada, waxa uu yidhi “Waxkasta oo Natiijo ah oo ka soo baxa hay’adahaas marka aan u gudbiyo dacwadan waxaan ka raali oo waan ku qanacsanahay, waxaanan diyaar u ahay inaan qaato khaladkayga hadii aan anigu khalad sameeyey oo ay ii sheegaan hay’adaha sharcigu, hadii la iga khaldan yahayna sharcigu qabto Badhasaabka iyo Taliyaha Qaybta Sool oo sharciga la soo horjoojiyo. Waxaan hawshaas u soo ambabaxayaa bari subaxa oo aan Hargeysa u imanayaa si aan hay’adahaas ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah labadaas nin ee aan soo sheegay ee sharaftaydii gaarka ahayd iyo tii xilka aan hayeyba meel kaga dhacay”.

Mar uu ka hadlayey xilkii Maayarnimada oo uu sheegay inuu shalay wareejiyey, waxa uu yidhi “Haa way iga aqbaleen golaha deegaanka ee Laascaanood Istiqlaaladii aan u gudbiyey oo waxay doorteen Masuulkii aniga i badali lahaa, isla maantana si qurux badan oo sharaf leh ayaan xilkaas ugu wareejiyey Masuulkii uu goluhu u doorteen Maayarnimada Laascaanood”.

Xigasho Jamhuuriya

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)