“Dhulkan la dhistay ee la boobay ee la bililaqaystay waa dhulkii madaarka Burco… Waxaanan leeyahay reer Burco ma suuroobayso in…”

Burco (Togdheernews)-Wasiirka Duulista Hawada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxmuud Xaashi Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in aanay xukuumad ahaan aqbali doonin in la biliqaysto dhulka madaarka diyaaradaha ee magaalada Burco, isagoo ku hanjabay in aan madaarka halkiisa laga rari doonin, balse dadka soo galay dhulka madaarka laga saari doono.
Wasiirka duulista hawada iyo wefti uu hoggaaminayay oo iskugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland, ayaa shalay olole dadka lagu rarayo ka bilaabay dhulka madaarka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Garoonka weyn ee magaalada Burco muddo afar sanno ku dhaw xidhnaa, ayaa shalay xoog lagaga raray dhulka madaarka ee ay degennaayeen, iyadoo loo adeegsaday ciidamo isugu jira SPU, RRU, booliska gobolka Togdheer iyo millatari, waxaanna hawlgalka dadkaas lagu raray horkacayey madaxda sare ee wasaaradda duuliska Somaliland.
“Waxaanu maanta shaqadeedii bilawnay in aanu calaamadino xuduudaha dhuleed ee Madaarka Magaalada Burco leeyahay, madaarkanina maaha dhul cusub oo iminka la yagleelayo, waa mid soo jireen ah, waa madaarka ugu guunsanaa madaarada Somaliland ee dawladdii Ingiriisku dhistay, dhulkan la dhistay ee la boobay ee la bililaqaystay waa dhulkii madaarka Burco. Waxaanan leeyahay reer Burco ma suuroobayso in dhulkii madaarkana la baloodhaysato, madaarna uu noqdo, taasi ma aqbali doono,” ayuu yidhi wasiirka Duulista hawadda oo shir jaraa’id oo ay Burco ku qabteen warbaahinta ugu waramay.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Madaarkan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa ka go’an inay dhisto oo ay kor u soo qaado dhaqaalaha magaalada, waana mid laf dhabar u ah ummadda reer Somaliland, ka gobolka iyo gobolada bari ee dalkaba, waxanan u sheegayaa dadka halkan quuddaraynaya ee halkan dhul ka eegaya waxaan u caddaynayaa in madaar la rarayaa aanu jirin, wax wasaarada u qorshaysana maaha ee waxaan leeyahay nala shaqeeya, intii hore waxaanu mashquul ku ahayn labada Madaar ee waaweyn ee Hargaysa iyo Berbera, kumanaanu khaldanayn ee waanu saxnayn, kanina maantuu bilawday, banayntaas la baneeyay waxa ku xigaya dayr lagu sameeyo, in la kabiso marba wixii loo helo ilaa uu ka noqdo garoon caalami ah oo aanu sibidh ku samayno.”
Wasiirku waxa kale oo uu ku adkaysay in uu dhammaan dadka madaarka ku xeeran oo dhan uu wada rari doono, isaga oo farta ku fiiqaya binooyin iyo daaro waawayn oo ku jira saddexda boqol ee mitir ee madaarku leeyahay.
Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud, Badhassabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir,Maayirka Burco Maxamud Axmed Xasan,Xildhibaan Waabeeyo iyo Xildhibaan Cali Mareexaan oo iyaguna ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa dawynaha reer Burco ugu baaqay inay baneeyaan Dhulka Madaarkaasi leeyahay si looga bilaabo hawlihiisa shaqo.
Togdheernews




Recent Comments