Agaasimihi hore Wasaaradda Maaliyadda oo ka degay Xamar
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Jaamac Axmed Maxamuud (Jaamc Oday) ayaa la sheegay inuu ka degay Caasimada Somaliya ee Muqdisho, halkaana uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aanay ujeedadoodu sugnayn.
oo horaantii bishii June ee sanadkan iska Casilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada ayaan la ogayn sababta uu Xamar u tegay iyo cida uu ku metelayo hawl-galada siyaasadeed ee uu halkaasi ka bilaabay, waxaase la xaqiijiyay inuu ka qayb gelay shirar muhiim ah oo la xidhiidha arimaha soomaiya, kuwaasoo sida la tibaaxayo uu uga qayb galay si heer sare ah.
Masuulkan oo markii uu iscasilay aan si rasmiya loo ogayn sababtii uu shaqada uga tegay, isla markaana ay jireen warar iskhilaafsan oo la xidhiidhay iscasilaadiisa, kuwaasoo ku salaysnaa in beeshiisu u suldaan u dooranayso, inuu Jaamacad dibadeed u baxayo iyo inay iskhilaafeen wasiirka Maaliyada oo xiligaasi csubaa, ayaa tegitaankiisa Muqdisho halis ku yahay Siyaasada Somaliland, maadaama oo uu xil muhiim ah ka hayay Xukuumadda talada haysa, sir badana kala tegay Somaliland.
Dhinaca kale Jamac Oday oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ee uu madaxweyne Siilaanyo ka dhashay, kana mid ahaa Ragii ugu cad-cadaa Xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa sanadihii ugu dambeeyay, ayaa noqonaya shakhsigii saddexaad ee Magac huwan ee u baxa Somaliya, isla markaana ku biira siyaasada Somaliya iyo shirarka lagu ansixinayo Dastuurka Somaliya, waxaana hore xamar u tegay Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Bariga Burco iyo nin Chief Caaqil sheegta oo ay madaxweynaha isku Jifo yihiin, kuwaasoo qayb ka ah madaxdhaqameedyada Somaliya ee muqdisho ku shiraya.
Xigasho Waaheen




Recent Comments