Waa maxay Soonku Yuusa Kuwaajibaa?
Kelimada Ramadaan ama Soon dadka qaarkiis u yaqaaniin,waxaa laga wadaa afsoomaali ahaan nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lagu janno tago.
Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah.
Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka ah.
Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.
WAAJIBNIMADA SOONKA
Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: “Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha)”, suuradda Al Baqarah, aayadda 183d.
Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen.
Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.
TIIRARKA SOONKA
Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka. Waxayna kala yihiin:
(1) NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:
Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon’. W.W. Alkhamsa ~ Shantii.
Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horreyso.
Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya.
Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: ‘Wax ma haysaa (la cuno)? Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, ‘Deeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan.’ markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.
(2) In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)’ W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.
YAA LAGU LEEYAHAY SOOMIDDA BISHA RAMADAAN
Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:
(1) QOF MUSLIM AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.
(2) QOF QAANGAAR AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.
(3) IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY: Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.
DADKA LOO RUQSEEYSEY IN AY AFURAAN BISHA RAMADAAN.
Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay fasax u haystaan in ay afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka loo ruqseeyay in ay afuraan waxay kala yihiin:
(1) QOFKA SAFAR KU JIRA: Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, maxaa yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u dheereeya sida diyaaradaha, tareennada, iwm.
Haddaba su’aashu waa sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo? Habka ugu wanaagsan waxaa weeye: Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka haddii aysan wax dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.) siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsaddiisa la qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa waa mamnuuc in uu soomo.
(2) QOFAKA XANUUNSAN: Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.
(3) QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA: kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.
Allaah (S.W.) wuxuu yir: ‘Haddii uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla tiradii uu afuray waa in uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan.\ ‘, suuradda Al Baqara, aayadda 184d.
DAAWO
W/D:Wariye Mohamed Abdikaddir Ilmi Amoore
Email:Maxamedcc7@hotmail.com
Email:Mohamedcc7@hotmail.com
Skype:Amoore-uk
Tell:0027786733480




Recent Comments