telesom
logo
logo
logo
|

Maxkamad Xukun ku Riday Maalqabeen Diiday in Maydka Xaaskiisa la aaso

Nin maalqabeen ah oo  magaciisa la yidhaa Hans Kristian, kaas oo lacagtiisa ka helay bakhtiyaanasiibka la yidhaa Tetra Pak Fortune, ayaa salaasadii lagu xukumay dambi la xidhiidha inuu hor istaagay in la aaso xaaskiisa Eva oo u dhalatay dalka Maraykanka sida ay xaqiijiyeen ciidammada ammaabka dalka  Ingiriisku.

Ciidammada bilaysku waxay ogaadeen maydka Eva in muddo ku qarsanayd guri ku yaal magaalada London, gaar ahaan degmada Belgravia, kadib markay ninkan bilyaneerka ah ku qabteen dambi la xidhiidha daroogo.

Mrs. Sharon Marman oo ah dambi-baadhaha kiiskan gacanta ku haya, ayaa sheegtay in Mr.Hans Kristian oo 49 jir ah la marinayo baadhitaan caafimaad, waqtigana aan saxaafad iyo ciidammaduba waraysi ka qaadi karin, caafimaad-darro awgeed.

Mrs. Marman waxa kale oo uu sheegay in ciidammadu koonfurta London ku joojiyeen baabuurka Mr. Hans Kristian, iyagoo uga shakiyey inuu cabsanaa, kana helay daroogo gaadhiga ugu jirta.

“Baadhitaanka gurigiisa waa la bixiyey, intii lagu guda jirayna saraakiisha bilaysku waxay ka war haleen mayd dhedig oo ku jira qolka hurdada,” ayey tidhi Marman.

Mr.Hans waxa uu ka soo jeedaa qoysas maalqabeen ah, isaga oo aabbihii ah ninka 12aad ee dalka Ingiriiska ugu lacagta badan, kaas oo haysta lacag dhan £4.3 oo lacagta Ingiriiska ah, una dhiganta ($6.7 bilyan, 5.4 bilyan euros) sida lagu daabacay wargeyska Sunday Time, gaar ahaan bog uu kaga waramaayey shakhsiyaadka ugu taajirsan dunida sannadkan 2012.

 

Ibraahim Khadar Siciid

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)