telesom
logo
logo
logo
|

Go,aamadii Ka Soo Baxay Shirweynihii Beelaha Habar Yoonis ee Daallo.

 

Ceerigaabo(Togdhnews)- Shirweynihii   beelaha HYoonis uga socday  buurta Daallo ee magaalada Ceerigaabo ayaa si rasmi ah ugu soo gabagaboobay  ,islamarkaana  ay ka soo baxeen  go,aamo ka kooban sadex iyo toban qodob.

waxaana shirkan  gabagabadiisii lagu martiqaaday madaxdhaqameedka beelaha Somaliland ,halkaasoo ay goobjoog  ka ahaayeen maanta suldaanka guud ee beelaha Subeer awal Xasan Suldaan ,Suldaan Axmed Sheekh ,Ibraahin Dhegaweyne  iyo  madaxdhaqameed  kale, sidoo  waxa  madasha maanta ku sugnaa masuuliyiinta maamulka gobolka Sanaag  iyo dhamaan  ergooyinkii  shirka.

afhayeenka  shirka Daallo  Yaasiin Saleebaan oo  madasha shirka  ka akhriyay go,aamadii  ka soo baxay shirka  ayaa waxay u dhignaayeen Sidan :

1-Jiritaanka ,Qaranimada   iyo madaxbanaanida  Somaliland waa  lama taabtaan.

2-Aasaaskii jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka dhashay Heshiis Beeleedyadii Burco iyo Boorame ee ku xardhanaa Axdi Qarameedkii dhalay Dastuurka Somaliland, sidaas darteedna wadahadalo kasta oo Somaliland la gasho Somaliya waa in looga tashadaa si siman oo isku dheelitiran dhamaan beelaha Dega Somaliland, Waana inay xukuumadda hada jirtaa si balaadhan uga qayb galiso cid kasta oo xaq u leh wadahadalada socda, isla markaana ay ka baaraandegto kana fiirsato Ergooyinka ka qayb galaya wadahadalada lagana saaro mad madowga si aanay cid gaar ahi isaga maamulan Masiirka Dalka iyo Dadka

3.Beelaha Habar yoonis waxay ku baaqayaan in la soo af-jaro shaqaaqooyinka iyo xaaladaha colaadeed ee ka aloosmay degaanka Buuhoodle mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba, lana baajiyo dhiig daata oo ka dhasha dhulka ay wada degaan dadka wada dhashay ee Seemaal oo noqotoy mid soo noq noqotay, Xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah inay wax ka qabato tabashooyinka muwaadiniinta degan Gobolada nabadgelyo daradu ka jirto ee keeni karta dagaal.

4.Beelaha habar yoonis waxay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan daminta khilaafaadka iyo shaqaaqooyinka ka aloosan meel kasta oo ka mid ah Somaliland

5.Beelaha Habar yoonis waxay u soo jiidinayaan Xukuumadda jirta ee Madaxweyne Siilaanyo inay si siman oo an Eex lahayn ay uga qayb galiso Beelaha Somaliland khayraadka Dalka, Horumarinta Deegaanka, isu dheelitirka Shaqaalaha Dawladda, Ciidamadda Qalabka sida iyo jagooyinka siyaasiga ah, waana in Xukuumaddu ka xaq-soortu mashaariicda ganacsi si aanay cid gaar ahi uga faa’iidaysan khayraadka Dalka.

6.Beelaha Habar yoonis waxay u soo jeedinayaan Xukuumadda inay u soo jeesato wax ka qabashada iyo Horumarinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Oodweyne oo ay ka muuqato dayacaad farabadan oo ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah sidii looga saari lahaa Miinooyinka ku aasan qaybo ka mid ah Gobolada Dalka Somaliland oo aan laga gurin Miinadii tan iyo intii Dalka dib loogu soo noqday, waana inay u fasaxdo Hay’adaha Miino saarka si loo badbaadiyo Nafaha Dadka iyo Xoolaha aku dhaqan Deegaanadaasi

7.Xukuumadda Somaliland waa inay ka saarto shacabkii soo doortay, iskana jirto ku xad gudubka Xorriyatul qawlka, isla markaana aanay  Cabudhin iyo  cagajuglayn  u gaysan Saxaafadda Madaxa Banaan. Waxa kale oo xukuumadda laga rabaa inay samayso garsoor madax banaan si loo helo Cadaalad loo siman yahay oo lagu wada qanco

8.Beelaha Habar yoonis waxay nabadgelyo kula noolaanayaan beelaha ay deriska yihiin iyo Dawlad deegaameedka Somalida Itoobiya, waxaanau u diyaariyeen inay iska kaashadaan Horumarinta Nabadgelyada iyo ilaalinta Deegaanka

9.Waxay Beelaha Habar yoonis ku baaqayaan in la hirgalyo dhismaha Dekedda Maydh

10. Beelah Habar yoonis waxay dawladda iyo Beelaha kaleba u soo jeedinayaan in la iska kaashado hirgelinta iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha sida Wadooyinka,iskuxidha gobolada iyo Degmooyinka Somaliland min Ceerigaabo ilaa Hargeysa.

11. Beelaha Habar yoonis waxay yeelanayaan guddi Horumarineed oo lagu doortay Shirweynaha Beelaha Habar yoonis ee Daallo, magaceedana la yidhaahdo Tallo iyo Tawfiiq, taasoo hogaamin doonta iskuna dubaridi doonta Istaraatajiyadda fog iyo ta dhawbaee danaha Beelaha Habar yoonis

12. Beelaha Habar yoonis waxay raadsanayaan xuquuqda kaga maqan Xukuumadda jirta ,iyagoo u maraya sifo sharci ah iyo wadahadal toosa.

13. Beelaha Habar yoonis waxay Dawladda iyo dhamaan Beelaha kale ugu baaqaysaa in Gurmad Deg Deg ah loo fidyo Gobolada Awdal, Salal iyo qaybo ka mid ah Gobolka Saaxil ee ay Abaaraha aadka u baahsani ka jiraan.

 

TogdheerNews.Ceerigaabo

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)