telesom
logo
logo
logo
|

“Runtii waxaannu dhulka ku soo aragnay dhibaato bani’aadanimo oo aad u adag oo duunyadii dhammaatay, dadkuna nolosha uu ku noolyahay aad u liidato”

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka digay in macaluul halis ah oo la mid ah tii sannadkii hore ka dhacday dalka Soomaaliya ay ka dilaacdo degaannada abaartu ka taagan tahay ee gobollada galbeedka dalka.

Md. Saylici oo guddoomiye u ah guddiga gurmadka abaaraha oo wefti uu hoggaaminayey muddo afar maalmood ah socdaal ku soo mareen degaannada abaartu saamaysay ee gobollada Awdal iyo Salal, ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda nololeed ka jirta dhulkaasi, waxaannu ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaadho dadka oo halis ugu jira macaluul.

“Runtii waxaannu dhulka ku soo aragnay dhibaato bani’aadanimo oo aad u adag oo duunyadii dhammaatay, dadkuna nolosha uu ku noolyahay aad u liidato ay qarka u saaran yihiin haddii aan degdeg loo gaadhin inay ka dhacdo macaluushii Koonfurta Soomaaliya ku dhacday oo kale haleesho. Dadku aad bay u jilicsan yihiin, weliba dadka nugul ee waayeelka, carruurta iyo dumarka oo ay nafaqo-darro xoog ahi hayso,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka hadlayey shir jaraa’id oo isaga iyo weftigiisu ku qabteen Madaxtooyada shalay kadib markii ay soo laabteen.

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo tilmaan ka bixinayey dhibaatooyinka ugu daran ee uu soo arkay waxa uu yidhi, “Dhibaatooyinka u darani waxay ka taagan yihiin biyaha oo halkii markii hore loogu tagayey 5 miter iminka ay gaadheen 20 miter iyo adeegyada caafimaadka. Degaannada aannu tagnay oo ilaa 30 goobood ahaa ugu yaraan 15 goobood waxa ku soo barakacay dadkii xooluhu ka dhammaadeen, u baahan gurmad ballaadhan oo hoy, biyo iyo caafimaadba leh oo tuuladu haddii ay markii hore xarun caafimaad (MCH) keliya lahayd way ka badan yihiin dadkii.”

“Waxaannu ugu baaqaynaa beesha caalamka iyo ummadda reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan in arrintaasi laga damqado oo aan maanta dib wax loola hadhin oo dadkaasi gurmad lala gaadho,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxa kale oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo isna ka warramay baaxadda dhibaatada abaartu sababtay ee ay indhahooda ku soo arkeen.

Xubnaha kale ee weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey waxa ka mid ahaa wasiirrada Wasaaradda Dib-u dajinta Cabdirasaaq Cali Cismaan, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele, Wasiir-ku xigeenka Waxbarashada Cali Xaamid Jibriil, Lataliyaha Madaxweynaha bariga sanaag Sahal Maxamed Jaamac iyo Xildhibaanno Baarlamanka ka tirsan.

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)