Masuuliyiinta Degmooyin Gobolka Gabiley ah oo ka Biyo-diiday in Xilligan Cashuur Laga Qaado Beeralayda

Qaar ka mid ah masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Gabiley, ayaa ka biyo-diiday in xilligan abaaraha lagu jiro cashuur laga qaado beeralayda kala duwan ee ku dhaqan degaannadaas, waxaanay arrintaas ku tilmaameen mid aan waqtigan suurtogal ahayn.
Wasiiradda Maaliyadda Md. Cabdi Casiis Maxamed Samaale iyo Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo socdaal ku tagay degmooyinka Gobolka Gabiley, ayaa beeralayda degaannadaas ku wargeliyey inay cashuurta beerahooda ku waajibay ku soo bixiyaan muddo laba toddobaad gudahood ah.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo hadal ka jeediyey kulan lagaga hadlayey bixinta cashuuraha beeraha oo maalintii Insiinta lagu qabtay hoolka dawladda hoose ee Gabiley, waxa uu beeralayda ku wargeliyey inay muddo 15 maalmood ah ku bixiyaan cashuurta ku waajibay.
“Cashuurta dawladdu waa waajibaad saaran muwaaddin kasta, waayo waa ta aannu mushaharka ka qaadano ee askarigu ka mushahar qaato, waxaanunau qoondaynay in beer-biyoodka la cashuurno 100% inta higtar ee ay tahay oo higtar kasta waxaannu ka qaadaynaa 20,000 Sl/Sh, halka aannu beer-roobaadka ugu talogalnay in 50% la cashuurno oo halkii higtar loogu dhufto 5,000 Sl/Sh ah, waxaanan u sheegayaa shacabka Somaliland inay liisankii ama mulkiyaddii beerahooda samaystaan.
Waxa kaloo aan ku wargalinayaa ninka beeralayda ah ee laba sanno oo isku xigta beeran waaya beertiisa in dawladdu kala wareegayso, cashuurtana waa in muddo 15 maalmood ah lagu bixiyo,” ayuu yidhi Wasiir Geedoole.
Hasayeeshee, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Gabiley oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aanay xilligan suurtogal ahayn in cashuur la weydiiyo dad la ildaran abaaraha qallafsan ee ka jira degaannadaas, waxayna dalbadeen in bixinta cashuurta muddo sannad ah dib loogu dhigo.
Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mr. Xuseen Cumar Magan (Subagle), Maayarka Gabiley Md. Axmed Muxumed Qaalib (Axmed Samir) iyo Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo Mr. Cabdi Cabdillaahi, ayaa iyaguna dhinacooda weftiga wasiirrada ah ugaga xog-warramay xaaladda dhabta ah degmooyinkooda oo ay ku sheegeen inay xilligan ka jiraan abaaro ba’an, sidoo kalena xaalad cunto yaraaneed ku soo fool leedahay, iyagoo arrimahaasna sabab uga dhigay xilli-roobaadkii caadiga ahaa aanay helin roobab ku filan, iyadoo haatan la gaadhay waqtigii la goosan jiray dallaga beeraha.
Sidaa awgeed, waxay masuuliyiintaasi ka codsadeen wasiirrada in sannadkan dib looga dhigo cashuurta beeraha ee lagu amray inay 15 maalmood gudahood ku bixiyaan.
Guddoomiyaha Degmada Agabar oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshaha bixinta xilligan ee cashuur-sannadeedka beeraha, isagoo sheegay inay waqtigan gobolka ka jiraan abaaro ba’an oo qarka u saaran inay galaabtaan nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan degaannadaas, una baahan yihiin gurmad degdeg ah, balse aanay suurtogal ahayn in cashuur la weydiiyo xilligan.
Jamhuuriya




Recent Comments