telesom
logo
logo
logo
|

‘Waxaan Kula Dardaarmayaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda inay Ilaaliyaan Hantida ay Gacanta ku Hayaan’

Wasiir Samaale oo xadhigga ka jaray dhismayaal loogu tallogalay xafiisyada cashuuraha beriga ee qaar ka mid ah degmooyinka Hargeysa

 

Hargeysa  Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa dhammaanba shaqaalaha wasaaraddiisa kula dardaarmay inay ilaaliyaan hantida ay gacanta ku hayaan.

Wasiir Samaale oo xadhigga ka jaray shalay dhismayaal saddex dhisme oo ah xafiisyada cashuuraha beriga ee degmooyinka Ibraahim Kood-buur, Axmed Dhagax iyo Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo 11 ka mid ah hay’adda USAID u dhisayso Wasaaradda Maaliyadda, waxa uu shaqaalaha xafiisyadaas ka hawlgeli doona iyo dhammaanba shaqaalaha maaliyadda ugu baaqay inay ilaaliyaan hantida ay gacanta ku hayaan.

Qoraal Wasiirka Maaliyaddu saxaafadda ugu talogalay oo uu kaga hadlay dhismayaasha wasaaraddiisa loo dhisay, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan:

“Waxa farxad noo ah in Wasaaradda Maaliyaddu furayso 3 dhisme oo cusub oo ka mid ah 11 dhisme oo hay’adda USAID u dhisayso Wasaaradda Maaliyadda maanta oo Isniin ah (shalay), taariikhduna tahay 16 ka July 2012, kuwaas oo ah xafiisyada Cashuuraha Berrigu ku leeyihiin Gegmooyinka Gacan libaax, Ibraahim Kood buur iyo Axmed-dhagax.

Waxaanaan mahadnaq ballaadhan u soo jeedinayaa hay’adda caawimada ee Maraykanka USAID oo bixisay kharashka dhismayaashan iyo hay’adda IOM oo fulisay hawshan, waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa hawlwadeennada hay’adda IOM ee xafiiska Hargeysa, kuwaas oo la’aantood aanay hawshani suurtogasheen.

Gebagebadii, waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha ka hawlgeli doona xafiisyadaasi cusub iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu inay ilaaliyaan hantida ay gacanta ku hayaan,” ayuu Wasiir Samaale ku yidhi qoraalkiisa.

 Togdheernews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)