Maayirkii iyo Ku xigeenkii Magaalada Laascaanood oo xabsiga la dhigay.
Laascaanood(Togdhnews)-Guddoomiyaha degmada Laascaanood Maxamed Xaaji Xuseen iyo ku xigeenkiisa Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta xabsiga loo taxaabay kaddib markii badhasaabka gobolkaasi Sool ku amarya ciidanka Booliska inay qabtaan.
ilaa hada lama oga sababata keentay xadhiga masuuliyiintan balse waxa la sheegayaa in khilaaf culusi u dhexeeyay badhsaabka iyo masuukiyiintan uu xidhay islamarkaana lagu guuldaraysatay waanwaan laga galay xalinta khilaafaadka masuuliyiintaasi.
waxa kale oo wararku intaasi raaciyeen in ilaalada badhsaabka iyo maayirku ay is waydaarsadeen tacshiirado rasaasa balse aanay dhalin wax khasaare ah.
talaabadan ayaa noqonaysa markii u horeysay ee badhasaab gobol amro xadhiga masuuliyiinta maayir iyo ku xigeen, mana jirto ilaa hada wax hadal ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland oo ku la xidhiidha arintan.




Recent Comments