Ururka WADDANI oo Shaaciyey Idaacad uu Furtay oo Dunida laga Wada Dhegaysan Doono
London (Togdhnews)- Urur-siyaasadeedka WADDANI ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaciyey inay furteen idaacad adduunka oo dhan laga dhegaysan doono.
Sidaana waxa lagaga dhawaaqay xaflad lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo saldhig u noqon doonta idaacadan, taas oo si ku-meelgaadh ah loogu bixiyey KOOR Media, ayaa masuuliyiinta ururka Waddani sheegeen in ay hawada soo geli doonto dhammaadka bisha Ramadaan, isla markaana ay noqon doonto mid gudbisa wararka dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, fursadna u noqon doonto isku xidhka shacabka reer Somaliland ee gudaha iyo qurbaha.
“Waxaa farxad weyn u ah ummadda reer Somaliland in ururka Waddani ku guulaysto inuu ka furo wadanka Ingiriiska warbaahinta la iska maqlo nooca Idaacada ah, taasoo laga dhegaysan karo dhammaan adduunka oo dhan gudo iyo dibadba. Warbaahintani waxay waxtar weyn ka geysan doontaa wararka gudaha waddanka iyo dibadiisaba, waxayna ka haqabtiri doontaa shacabka reer Somaliland inay helaan wararkii ugu dambeeyey oo xaqiiqada ku salaysan.
Idaacadan waxay ka warrami doontaa dhammaan gobollada, degmooyinka, tuullooyinka iyo taako walba oo ka mid ah wadanka Somaliland iyo weliba meelo badan oo adduunka ka mid ah iyadoo la adeegsanayo weriyayaal Idaacadani ka hawlgelin doonto goobahaas.” sidaas waxa yidhi Agaasimaha, ahna mulkiilaha Idaacadan Maxamed Cali Xassan (Suudi).
Mr. Suudi oo ka hadlayey xafladda daahfurka idaacaddan waxa uu sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan hawlgalka idaacaddan oo si faseex ah looga dhegaysan doono meel walba oo aduunka ka mid ah, iyadoo laga dhegaysan karayo raadyayaasha, kombuterada iyo telefoonada gacanta ee moobilada iyo weliba talefishinada oo laga dhagaysan doono xilli aan fogayn oo hadda gacanta lagu hayo. Waxa kale oo uu tilmaamay in idaacadani leedahay qayb loogu talogalay in lagu xidho gawaadhida oo si toos ah warka uga soo tebin karta goob walba oo gudaha wadanka ka mid ah, taasina ay muhiimad weyn u yeelan doonto xilliga ololaha doorashooyinka lagu jiro.
Agaasimaha Idaacaddani waxa uu sheegay in warbaahintani u shaqayn doonto dhammaanba bulshada Somaliland, soo gudbin doonto warar iyo barnaamijyo aad loo jeclaysan doono oo ay ka mid yihiin barnaamijyo diini ahi.
Guddoomiyaha Ururka Waddani ee dalka Ingiriiska Mustafe Ismaaciil kenedi oo isna xafladaasi haddallo kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey mulkiilaha Idaacadan Mohamed Suudi sida xilkasnimada leh ee uu shacabka reer Somaliland isula garab taagay inay ka dhergaan wararka gudaha iyo dibada oo xaqiiqada ku salaysan, isagoo ka dhawaajiyey inay furista Idaacadani ka mid tahay guulaha uu soo hooyey Ururka Waddani iyo taageerayaashiisu mudadii yarayd ee uu jiray.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay xubno badan oo ka tirsan Ururka Waddani oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka Ingiriiska Saleebaan Faarax, Guddoomiyaha ururka ee magaalada London Maxamed Yuusuf, Marwo Kaltuun Ibraahim, Abokor Ciise, Mustafe Cabdullahi iyo Xoghayaha Ururka ee Ingiriiska Xasan Xuseen (Nabaado), kuwaas oo dhammaantood u hambalyeeyey idaacaddaasi loo furay ururkooda, iyagoo ka dhawaajiyey kaalinta warbaahintani ka qaadan doonto in la helo warar joogto ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana waxay u mahadceliyeen mulkiilaha Idaacadan Maxamed Cali.
Geesta kale, waxa xafladdaasi lagu soo dhaweeyey xubno door ah oo halkaasi ka caddeeyye inay ku biireen ururka Waddani, kalsoonidoodana siiyeen, kuwaas oo magacyadooda ay ka mid ahaayeen; Ismaaciil Saalax Yaasin, Ismaaciil Yusuf, Marwo Nasiim Maxamed Daahir, Cabdiraxmaan Maxamed, Keyse Axmed Faarax iyo Maxamuud Maxamed Suleeban.
TogdheerNews.




Recent Comments